Sign in to follow this  
Liibaan

Hambabarkii Burco iyo Hinaasa la kacii Hargeysa

Recommended Posts

Liibaan   

Hambabarkii Burco iyo Hinaasa la kacii Hargeysa

 

Sida la ogsoonyahay Xisbiga kulmiye waxaad moodaa inuu muda badan is lahaa dalka

 

dawlad baa haysata oo u maqan inay hor mariso dhinacyadiisa siyaasada

 

 

 

debada,dhaqaalaha,caafimaadka,waxbarashada shaqa la,aanta iyo nolosha ijtiaaciga ah

 

ee bulshada, halka ay dawladuna shaqadeeduba ahayd uun kuwan iska eega meeshay

 

idinka qaadayaane ee aanay waxii loo igmadayba aqoonteeda iyo waxa shacabkeedu uga

 

baahanyahay aanay u ogayn aqoona uba lahaynba.

 

Waxa qudha ee ay nasiibka u heleen waxuu ahaa dawlad iska dhisan oo aanay xilkeeda

 

iyo waxa la soo maray midnaba garanaynin in gacanta loo geliyo dabadeed ay kuba

 

noqotay u qaadan waa waayo sabab ay ku mutaysteen in loogu dhiibaba may

 

garanayn.waayo hadii aan nin lacag aanu filayn oo aanu shaqaysan oo maalaayiin

 

doolar ah uu helo iska helo kaaba dhaadhicimayso lacagtan dad baa lahaa ee waxuun

 

buu is odhanayaa waa lagaa qaadayaa,waxaanu iska illaalinayaa oo uu marba ceeb ka

 

sheegaysaa cidii lacagtaa ehel u lahayd waa asbaabaha lagu yaqaan qofka aan

 

xaaraanta iyo xalaasha kala aqoon.

 

Hadaba canaanta ugu wayn ee kulmiyo waxay ahayd ee dadku iswaydiinaayeen maxay u

 

dhaqdhaqaaqi waayeen waxaanad moodaysay inay iyaga laftooda ka xoog roonaadeen

 

dacaayadahii ay dawladu fidinaysay ee ahaa nabad gelyo daray wadaan, iyo dalka kala

 

saarayaan,iyo kursigay xoog iyo khasab ku doonayaan.

 

Maalmahan danbe waxaad moodaa inuu kulmiyo baraarugay oo sameeyay dhaqdhaqaayo wax

 

ku ool ah oo xagii arimaha debada Sida odaygii oo ka degay Washington oo la shiray

 

madaxdii maraykanka soona ban dhigay mabaadiidii u wadanka ku maamulihaa,una

 

sharaxay sida ay somaliland ugu baahantahay ictiraaf iyo dhaqaale,iyadoo rag kaloo

 

muhiim ah oo dawladii riyaalaba ay u aragto inay siyaasdii arimaha debada kaga

 

dheereeyeena ay la socdaan sida aqoonyahanka da,da yar ee siyaasada arimaha debada

 

ku xeel dheer ee DR Mohamed Abdillahi.

 

Waxaa kaloo si lama filaana u tagey wafti uu hogaaminayey ninka kale ee isna da,da

 

yar Abdirahman Abdul qaadir iyo Faysal Ali waraabe xaruntii midawga yurub ay

 

halkaana kula kulmeen saraakiil sare oo ka tirsan midawga yurub, taasna waxaa ka

 

horeeyey dhaqdhaqaaqyo is daba jooga ay beryahanba ka wadeen debadaha gaar ahaan

 

wadamada yurub,oo ay ku kasbanayaan kalsoonidii dadka reer somaliland aanad odhan

 

karto si wayn ayey u kasbadeen kalsoonidii qurba jooga.

 

Arimahan ay ku dhaqaaqeen mucaaridku waxaad moodaa hababar ay iiminkuun ********

 

inaan dalkan cidi u maqnayn waxayna arintani wax badan ka taraysaa arinkii ay

 

dadwaynaha reer somaliland iyo xisbiyada mucaariku isku maandhaafsiisanayeen ee ahaa

 

action baa laydinka baahanyahay iyo anagu ma waxbaanu gacanta ku haynaa laakiin ay

 

imminka fameen in aan dakan cidiba u maqnayn mudana ay habsaameen, waxaanad moodaa

 

kaalintii looga baahnaa iany imminkuun bilaabeen waana guul.

 

Hadaba waxaa la yaab leh dawladii riyaale ama riyaale oo si xun uga dharsay

 

dhaqdhaqaaqa wadaniyadu ku jirto ee dalka somaliland wax loogu raadinayo oo ah waxay

 

iyadu garan la,ayd ama aanay aqoon ba u lahay oo Daahir riyaale ku beertay welwel

 

iyo walaac iyo la kicid khudbad hinaase labood ah oo aan loo meel dayin oo ay malaa

 

uga wanaagsanayd inuu sidiisii hore iska huursanaado,tusaale ahaan hadaad u fiirsato

 

khudbadiisii aan cilmiga ku dhisnayn waxaynu naqilaynaa siduu wax u yidhi iyo siday

 

waxa xaqiiqda ah ee jiraa yahiin;

 

1- waxa uu ka hadlay nabad gelyada oo uu ka hadlay inay argagaxiso ragii la laayeyna

 

ay dishay miinooyina Hargaysa burco dhigtay xaqiiqduse waa

 

(a)ragii la laayey may layn argagiso ee waxaa laayey nabadsugidiisa xidhxidhan ee ay

 

isaga iyo inanka ay ilama,adeerka yahiin ee nabdsugida haystaaba ku doodayaan in la

 

sii daayo ee ay dawladiisii ku kala jabi gaadhay.

 

(b) waxaynu ognahay in ay imiinka joogaan dalka gudihiisa kooxdii xaaraanta ahayd

 

ee ciraaq iyo afghaanistanba dadka ku xaaqday ee la odhan jiray Blackwater oo

 

imminka la baxday XE oo iyadu intay suuqyada iyo masaajidaba qarxiso dabadeedna

 

dawladaas ay la joogto lacagsiisa dawladuna ay ku sheegto si aan loo baadhin

 

arinkaas inay argagaxiso ka danbaysay waana sidii hutelkii shamaw ee Mudisho ka

 

dhacday.Arintaas waxaa si toos ah u cadeeyeen mediayaha reer galbeed iyo tv

 

channelka Ruushka ee la yidhaahdo RT waxaana ka hadlay nin journalist ah oo ku

 

takhasusay arimaha kooxdaa blackwater oo si cad u sheegay inay joogaan mudisho iyo

 

Haragaysaba maanuladana ay la xidhiidheen inay arimahaa fuliyaan si loogu tilmaamo

 

kooxda xag jirka ah al shabaab.

 

Arintaasi inay jirto waxay si toosa uga dhadhamaysaa carabka Daahir Riyaale muu

 

odhan waanu baadhaynaa iyadoo la qabtay nabadsugidiisii oo bamamkii dhigaysa oo lagu

 

hayo red handed ayuu leeyahay argagaxisaa dhigtay waynu naqaan argagaxisadu siday

 

wax u dhigto iyo falalkooda waa fal ay samaynayso dawladiisu.wakhtigii inantii

 

madoobayd iyo ninka Germanka laysu taagay wada berebra ayaa Dahir riyaalo oo London

 

jooga oo aanu ku soo socono Hotelkii uu ku jiray ayaa jidka angoo marayna abaaro

 

11,kii subaxnimo warkii soo dhacay markaanu Hotelkii gaadhnay ayaan la kulmay

 

taliyahii nabadsugida ee Husain kiiniyaaty waxaan waydiiyey siday wax u jiraan iyo

 

cida lagu tuhmayo arrinka waxuu ii sheegay in raadkii lagu joogo war kalana aan

 

lahayn dhawr minut ka dib waxaanu la kulanay Daahir Riyaale su,aashii aan Husain

 

waydiiyeybaan waydiiyey waxuu igu yidhi waa argagaxisada caalamiga wakhtigaas oo

 

mesha nimankaa lagu tilmaamaa ay ahaydba dabsaar dabdeed waxaan idhi oo madaxweyne

 

sawta la leeyahay weli raadkoodiiba lagu joogaa oo waxay yahiin lama hubo dabadeed

 

waxuu yidhi yaad ku sheegi lahayd adigu waxaad ogaanaysaa inuu is leeyahay uun

 

arrintaa aad lacag ku heshide aanu dal iyo dad toona dan ka lahayn

 

2-waxuu ka hadlay Maxsharka iyo adhiga waxuu yidhi maxshar kale lama furi karo waxuu

 

kaloo yidhi dadka menceeshada keena dabagal halugu sameeyo maxayse xaqiiqdu tahay;

 

(a) waxuu beenyey wasiirkiisii idirs kiiloo oo daraad tvga ka lahaa maxshar cusub

 

baanu samaynaynaa kana waxuu noqonayaa geela IDIRIS KIILO oo ah ninka qudha ee uu u

 

adeegsado cuna qabataynta iyo cadaadin ganacsatada xoolaha dhoofisa ee reer

 

somaliland iyo dilaalista adhiga jaabiri loo xidhay oo markuu baabi.yey waxii la

 

odhan jiray adhiile ee sacuudiga wax ka soo iibin jiray imminkana u soo biyeystay

 

inuu baabi.iyo faashlayaashii adhiga hawd iyo koonfur ka soo iibsan jiray o intuu u

 

yeedhay dadkii aan reer somaliland ahayn ee reer goday iyo gobolada dhexe casuumay u

 

geeyey carabkii oo leh idinku carabka wax ka iibiya anagaa idiinka wakiilahe waxuu

 

meeshaa ka saaray markuu adhiilayaashii reer somaliland ka takhalusay faashlayaashii

 

adhiga ka soo iibsan jiray ********iya iyo gobolada dhexe ee reer somaliland oo uu

 

lee yahay adhigiina nimankii idinka iibsan jiray halkoodii galoo carabkaad idinku

 

xidhayaaye idimku hal koodii gala oo soo qaata hawd iyo gobalda dhexe Waa si aan qof

 

reer somaliland ahiba adhiba uga baayac mushtarayn oo loo macaluulo xoolahooda aan

 

la dhoofin iyana aanay wax dhoofin waa arrin xaqiiq ah oo dhacay oo Idris kiilo TVga

 

Universal ka sii daayey,waxuu kaloo sheegay in markab cudur qaba lagu soo celiyey

 

berbera warkaas oo aan la garanayn meel uu ka keenay, waa sida imminka riyaale

 

leeyahayadhi cudur qaba yaan la dhoofin waa si dadka reer somaliland loogu sheego

 

inay cudur qabaan.

 

(b) markuu leeyahay maaxshar yaan la samayn waxuu u jeedda ganacsatadii reer

 

somaliland ee e loo diiday maxsharkan inay xoolahoodu maraan oo intay isu tageen

 

yidhi mid baan samaysanaynaa si xoolahayagu u dhoofaan oo uu ina idha deero

 

hogaaminayo, waynu maqlaynay in xataa la yidhi berbera shirikadiisu haka baxdo ayaan

 

dhawaydna la yidhi laascaanood ha ka baxo. m daahir riyaalaa ka hadli jiray

 

manceeshad qaaliyawda isagaaba kow ka ah oo aan petrolkii jibine markuu leeyahay

 

hoos ganacsatadu haw dhigto hana la daba gallo waa hanjabaad cad oo ku wajahan in

 

indhadeero iyo waxuu keeno waxaasaanu ogayn in taa sabiguna arko ina dha deero iyo

 

kuwa kalana waxaanu leenahay yaanu idin bajin ee ku qayliyo waa tuug oo wax ka

 

fulaysane waana rafadkii u danbeeyey.

 

3-Waxuu ka hadlay in laga wada hadlo doorashadii baarlamanka oo leeyahay waxaa lagu

 

heshiiyey markii ay dhacaysay doorashada baarlamnku tani ugu danayso oo ay temprary

 

kuwa soo socdana laga wada hadlo. taasi waa ina wax kama jiraan dastuurkaa qoraya

 

in baarlamaanka si rasmi ah loo soo doorto shantii sanadoodba waxuuse uga jeedaa oo

 

u jeedada uu beryahanba la warwareegayey ay tahay inuu yidhaado baarlamaankani

 

hayska joogo waayo xisbigiisaa u badan oo dabadeedna uu sameeyo arrin madhoodha ah

 

ooaan sabiga lagu maaweelin karin, oo maxay ah in xisbiga baarlamaanka u badani

 

madaxweynaha qaato oo aan doorashaba la samayn arintaana ay guurtidu soo saarto

 

dadwaynahana aan foodba la waydiin oo wax wax doortaaba aanay jirin,waayo waxuu

 

ogyahay hadii doorashada baarlamaanku dhacdo in aanu waxba helayn oo waxuu is

 

leeyahay intan oo kale helimayside iyada iyo guurtida is la kaasho.

 

4-Waxuu ka hadlay oo uu yidhi siilaayo somaliweyn buu aaminsan yahay taasi waxa

 

weeye habar dhaliweyday aleelo ku waalatay xaqiiqdu waxa weeye siilaanyo waa kii

 

somalilandba jaray keenayna kuna dagaalmayey mudada dheer. Adiguse Daahiraw madaa

 

joogay maalintii lagu dhawaaqayey miyaanad laascaanood u raacin cabdi asis Ali Bare

 

oo aanad dhawrsano ka dib Mujaahid Abdiraman Ali warqad saamaxaada kuu qaadin war

 

qarsooni xaaji waa yaryahay intana waa in is wada og somaliland joogtaa ee is hubso

 

ayaanu ku leenahay kursigu yuu been kuu sheegine,ALLAW YAA KU DOOXOO HADANA AAN KU

 

DILINOO WAXAAD DAMACSANTEE JIRA DEBADA ULA SOO BAXA. Siilayana waxaanu leenahay

 

xaaji hadaladaas way ku qiima ridaysaa jawaabtoodu ee inaad u jawaabtaba maaha.

 

5-waxaa ku gebagebynayya Daahir afkiisa waxaynu mar walba ka maqalaa dalkay

 

mucaaridku ka daadinayaan oo kala soocayaan waxaad u jeedaa reeraha labda baaloodbay

 

diidanyahiin aan hadalka kuu cadeeyee taa waynu ognahay oo labada ku xigaaba waaba

 

reerkiina taasi way kaa xidhantay hadaba micnahaaga dhabta ahi ma waxa weeye warning

 

aad leedahay iska jira hadii aniga lay rido reerahaygu wey go,aane oo aad ummada

 

dareensiinayso xanuun adiga ku jira dadka se arinkan aad ugu hanjabaysaa miyaanay

 

ahayn kuwii labda oo taagan adiga ku saaray abaal xumidaa ma bisad baa tahay

 

miyaanad xishoonayn dadkuse hadalka cunfiga ah ee khudbadaadii walba ku jira ma

 

waxaad moodaysaa in aanay fahmaynin wuxuu yidhi ninkii jiray waxaad xumaanta u

 

taqaan rag bay samahiisa tahay.

 

6- Waxaa xaqiiq ah in madaxweynuhu muda dheerba ku jiray siduu umada reer somaliland

 

ugu qaybin lahaa berri iyo gelbeed Burco iyo Hargaysana colaad uga dhex beeri lahaa

 

taa waxaa cadaynaya nimaka hargaysa ka ah badhasaabada, ku guurtida la socota iyo

 

xisbigiisuba imminka waxay taarget ka dhigteen in mas,uuliyiinta qaranka lagu

 

yidhaahdo waxaa tahiin reer burco oo fidmaa wadeen, waxaase ugu daran waxii horeba

 

waa saleele ah mid aan geeridii nebigaba ogayn oo badw ah oo waxii lagu dheh oo aan

 

si uu u dhigaba garanayn iskasoo xambaartay oo yidhi guurtida reer burcaa fidmo kula

 

dhex jira ee kuwa reer Hargaysaa wanaasanaa.Ali asad iyo qolyahii hore si

 

maldanbaabay arintaas u odhan jireene badawgan xarshin ka yimi baa ugu daran waxaanu

 

ku leenahy SHINBIR DHARABTU MEEL AAR FADHIYO SHUUQDA KAMA DAYNE SHAFSHAFADA DUXDA AH

 

LEEFAHA CID U SHAQAYNAAYA IYO SHURUNSHUUR MALAGIISU GALAY HAYSA SOO SHUBO.

 

WA BILAAHI TAWFIIQ

 

Abdulalim UDHIS U

 

abdulalim55@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Originally posted by Jacaylbaro:

So much efforts for something that "doesn't exist" ,,,
:D

Ninkan dreams about Somaliland. If he was to ever go home he would through Somaliland :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Norfsky,

 

Maskiin baa tahay aduu wali maa toosin, Only confused qabiil secessionist mafia like you dreams about somalidiidland

 

I believe in Qaran, unlike you who believe qabiil

 

My dream is United Somalia Peninsula, one country, one people, One nation, one religion, one language, one flag

 

Insha Allah, I will visit my homeland Somalia, Mogadishu, Kismayo, Garowe, Bosaaso, Laascaanood,Buuhoodle, and Hargeisa*

 

 

*marka laga xoreeyo somalidiid mafia insha allah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

cuqdad iyo cudurka qabyaaladu aday lafaha kaa galeen, iska duwee oo dadkaaga dhinac ka raac, waxba kuma taraso inaad dadka iska soocdid oo aad cuqdad qabiil daradeed la cadhooto.

 

Aduunkii oo dhan baa ku diiday inuu ku aqoonsado, waayo nin magaalo ka dudaw yaa ku og

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Talk about bent up frustration :rolleyes:

 

It is not recognised. It is still a part of Somalia you say and you're here everyday posting negative articles about it.

 

Why post if you're 100% sure there will be no recognition? Why bother? All those hours searching for such news maxaad ka faa'iday? Does it make you sleep better at night?

 

Nothing but cuqdad laakin waa wax la iska fahansanyahay ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

It is you who posted more 15000 posts defending somalidiid-land qabiil faction, maxaad ka faa'iday? cuqdada iyo caqli xumadaada uun baad soo bandhigtay

 

Somalidiid-land is not recognized, and Northwest Somalia is still integral part of Somalia are facts on the ground that are indisputable, waa xaqiiq

 

 

Mida kale, don't get angry, after Somali-diidland mafia let down reer Burco, what did you expect? I see you think the above article is negative, because discusses in detail the frustration of reer burco with Somalidiid mafia and NSS spy Riyaal. But its never too late if some from burca wake up and smell the coffee, finally hambabar kii arrived :D

 

--

Hambabar waa baraaruga qof hurdo dheer ku jiray, wali indhaha maraanmaraya oo aan si fiican u wada toosin, dhaqaaqa ugu horreeya ee uu tallaabsado, kursi ama miis wixii hareerihiisa yaalla jiidho isagoon si cad u kala arkin waxa ku xeeran. Jiidhistaasi waxay ka duulisaa wahabkii iyo hurdadii. Marka uu tooso ee uu hubaal u arko hareerihiisa ayuu socod hagaagsan tallaabada dhaqaajiyaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

and you're calling me qabiilist? Is deji saxib ha is kashifin'e :D

 

OK Somaliland doesn't exist. It will never get recognition. What next? What do you need to prove so much?

 

Mise waxa weeyaan a case of keeping Piracy news off the forum? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Subxaan Allah, Alxamdulillah, La Illaaha ilAllah, Allahu Akbar, Laa Xowlaa Wala Quwata Ilaa Bilaah

 

 

Norfsky good signature, boowe :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Yes sxb, anyone who supports somalidiid-land and warlord siilaanyo is qabiilist, in la kashifo uma baahna waayo Allah baa kashifay

 

Also, take it easy this is a free forum, everyone has the right to freedom of expression.

 

* the article is from somalidiidland website, and written by somalidiidland follower, and it has nothing to do with Puntland State of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

^Are we talking about the same Puntland that has been calling anyone who resides there and is not from there to leave?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this