Liibaan Posted January 23, 2010 Hambabarkii Burco iyo Hinaasa la kacii Hargeysa Sida la ogsoonyahay Xisbiga kulmiye waxaad moodaa inuu muda badan is lahaa dalka dawlad baa haysata oo u maqan inay hor mariso dhinacyadiisa siyaasada debada,dhaqaalaha,caafimaadka,waxbarashada shaqa la,aanta iyo nolosha ijtiaaciga ah ee bulshada, halka ay dawladuna shaqadeeduba ahayd uun kuwan iska eega meeshay idinka qaadayaane ee aanay waxii loo igmadayba aqoonteeda iyo waxa shacabkeedu uga baahanyahay aanay u ogayn aqoona uba lahaynba. Waxa qudha ee ay nasiibka u heleen waxuu ahaa dawlad iska dhisan oo aanay xilkeeda iyo waxa la soo maray midnaba garanaynin in gacanta loo geliyo dabadeed ay kuba noqotay u qaadan waa waayo sabab ay ku mutaysteen in loogu dhiibaba may garanayn.waayo hadii aan nin lacag aanu filayn oo aanu shaqaysan oo maalaayiin doolar ah uu helo iska helo kaaba dhaadhicimayso lacagtan dad baa lahaa ee waxuun buu is odhanayaa waa lagaa qaadayaa,waxaanu iska illaalinayaa oo uu marba ceeb ka sheegaysaa cidii lacagtaa ehel u lahayd waa asbaabaha lagu yaqaan qofka aan xaaraanta iyo xalaasha kala aqoon. Hadaba canaanta ugu wayn ee kulmiyo waxay ahayd ee dadku iswaydiinaayeen maxay u dhaqdhaqaaqi waayeen waxaanad moodaysay inay iyaga laftooda ka xoog roonaadeen dacaayadahii ay dawladu fidinaysay ee ahaa nabad gelyo daray wadaan, iyo dalka kala saarayaan,iyo kursigay xoog iyo khasab ku doonayaan. Maalmahan danbe waxaad moodaa inuu kulmiyo baraarugay oo sameeyay dhaqdhaqaayo wax ku ool ah oo xagii arimaha debada Sida odaygii oo ka degay Washington oo la shiray madaxdii maraykanka soona ban dhigay mabaadiidii u wadanka ku maamulihaa,una sharaxay sida ay somaliland ugu baahantahay ictiraaf iyo dhaqaale,iyadoo rag kaloo muhiim ah oo dawladii riyaalaba ay u aragto inay siyaasdii arimaha debada kaga dheereeyeena ay la socdaan sida aqoonyahanka da,da yar ee siyaasada arimaha debada ku xeel dheer ee DR Mohamed Abdillahi. Waxaa kaloo si lama filaana u tagey wafti uu hogaaminayey ninka kale ee isna da,da yar Abdirahman Abdul qaadir iyo Faysal Ali waraabe xaruntii midawga yurub ay halkaana kula kulmeen saraakiil sare oo ka tirsan midawga yurub, taasna waxaa ka horeeyey dhaqdhaqaaqyo is daba jooga ay beryahanba ka wadeen debadaha gaar ahaan wadamada yurub,oo ay ku kasbanayaan kalsoonidii dadka reer somaliland aanad odhan karto si wayn ayey u kasbadeen kalsoonidii qurba jooga. Arimahan ay ku dhaqaaqeen mucaaridku waxaad moodaa hababar ay iiminkuun ******** inaan dalkan cidi u maqnayn waxayna arintani wax badan ka taraysaa arinkii ay dadwaynaha reer somaliland iyo xisbiyada mucaariku isku maandhaafsiisanayeen ee ahaa action baa laydinka baahanyahay iyo anagu ma waxbaanu gacanta ku haynaa laakiin ay imminka fameen in aan dakan cidiba u maqnayn mudana ay habsaameen, waxaanad moodaa kaalintii looga baahnaa iany imminkuun bilaabeen waana guul. Hadaba waxaa la yaab leh dawladii riyaale ama riyaale oo si xun uga dharsay dhaqdhaqaaqa wadaniyadu ku jirto ee dalka somaliland wax loogu raadinayo oo ah waxay iyadu garan la,ayd ama aanay aqoon ba u lahay oo Daahir riyaale ku beertay welwel iyo walaac iyo la kicid khudbad hinaase labood ah oo aan loo meel dayin oo ay malaa uga wanaagsanayd inuu sidiisii hore iska huursanaado,tusaale ahaan hadaad u fiirsato khudbadiisii aan cilmiga ku dhisnayn waxaynu naqilaynaa siduu wax u yidhi iyo siday waxa xaqiiqda ah ee jiraa yahiin; 1- waxa uu ka hadlay nabad gelyada oo uu ka hadlay inay argagaxiso ragii la laayeyna ay dishay miinooyina Hargaysa burco dhigtay xaqiiqduse waa (a)ragii la laayey may layn argagiso ee waxaa laayey nabadsugidiisa xidhxidhan ee ay isaga iyo inanka ay ilama,adeerka yahiin ee nabdsugida haystaaba ku doodayaan in la sii daayo ee ay dawladiisii ku kala jabi gaadhay. (b) waxaynu ognahay in ay imiinka joogaan dalka gudihiisa kooxdii xaaraanta ahayd ee ciraaq iyo afghaanistanba dadka ku xaaqday ee la odhan jiray Blackwater oo imminka la baxday XE oo iyadu intay suuqyada iyo masaajidaba qarxiso dabadeedna dawladaas ay la joogto lacagsiisa dawladuna ay ku sheegto si aan loo baadhin arinkaas inay argagaxiso ka danbaysay waana sidii hutelkii shamaw ee Mudisho ka dhacday.Arintaas waxaa si toos ah u cadeeyeen mediayaha reer galbeed iyo tv channelka Ruushka ee la yidhaahdo RT waxaana ka hadlay nin journalist ah oo ku takhasusay arimaha kooxdaa blackwater oo si cad u sheegay inay joogaan mudisho iyo Haragaysaba maanuladana ay la xidhiidheen inay arimahaa fuliyaan si loogu tilmaamo kooxda xag jirka ah al shabaab. Arintaasi inay jirto waxay si toosa uga dhadhamaysaa carabka Daahir Riyaale muu odhan waanu baadhaynaa iyadoo la qabtay nabadsugidiisii oo bamamkii dhigaysa oo lagu hayo red handed ayuu leeyahay argagaxisaa dhigtay waynu naqaan argagaxisadu siday wax u dhigto iyo falalkooda waa fal ay samaynayso dawladiisu.wakhtigii inantii madoobayd iyo ninka Germanka laysu taagay wada berebra ayaa Dahir riyaalo oo London jooga oo aanu ku soo socono Hotelkii uu ku jiray ayaa jidka angoo marayna abaaro 11,kii subaxnimo warkii soo dhacay markaanu Hotelkii gaadhnay ayaan la kulmay taliyahii nabadsugida ee Husain kiiniyaaty waxaan waydiiyey siday wax u jiraan iyo cida lagu tuhmayo arrinka waxuu ii sheegay in raadkii lagu joogo war kalana aan lahayn dhawr minut ka dib waxaanu la kulanay Daahir Riyaale su,aashii aan Husain waydiiyeybaan waydiiyey waxuu igu yidhi waa argagaxisada caalamiga wakhtigaas oo mesha nimankaa lagu tilmaamaa ay ahaydba dabsaar dabdeed waxaan idhi oo madaxweyne sawta la leeyahay weli raadkoodiiba lagu joogaa oo waxay yahiin lama hubo dabadeed waxuu yidhi yaad ku sheegi lahayd adigu waxaad ogaanaysaa inuu is leeyahay uun arrintaa aad lacag ku heshide aanu dal iyo dad toona dan ka lahayn 2-waxuu ka hadlay Maxsharka iyo adhiga waxuu yidhi maxshar kale lama furi karo waxuu kaloo yidhi dadka menceeshada keena dabagal halugu sameeyo maxayse xaqiiqdu tahay; (a) waxuu beenyey wasiirkiisii idirs kiiloo oo daraad tvga ka lahaa maxshar cusub baanu samaynaynaa kana waxuu noqonayaa geela IDIRIS KIILO oo ah ninka qudha ee uu u adeegsado cuna qabataynta iyo cadaadin ganacsatada xoolaha dhoofisa ee reer somaliland iyo dilaalista adhiga jaabiri loo xidhay oo markuu baabi.yey waxii la odhan jiray adhiile ee sacuudiga wax ka soo iibin jiray imminkana u soo biyeystay inuu baabi.iyo faashlayaashii adhiga hawd iyo koonfur ka soo iibsan jiray o intuu u yeedhay dadkii aan reer somaliland ahayn ee reer goday iyo gobolada dhexe casuumay u geeyey carabkii oo leh idinku carabka wax ka iibiya anagaa idiinka wakiilahe waxuu meeshaa ka saaray markuu adhiilayaashii reer somaliland ka takhalusay faashlayaashii adhiga ka soo iibsan jiray ********iya iyo gobolada dhexe ee reer somaliland oo uu lee yahay adhigiina nimankii idinka iibsan jiray halkoodii galoo carabkaad idinku xidhayaaye idimku hal koodii gala oo soo qaata hawd iyo gobalda dhexe Waa si aan qof reer somaliland ahiba adhiba uga baayac mushtarayn oo loo macaluulo xoolahooda aan la dhoofin iyana aanay wax dhoofin waa arrin xaqiiq ah oo dhacay oo Idris kiilo TVga Universal ka sii daayey,waxuu kaloo sheegay in markab cudur qaba lagu soo celiyey berbera warkaas oo aan la garanayn meel uu ka keenay, waa sida imminka riyaale leeyahayadhi cudur qaba yaan la dhoofin waa si dadka reer somaliland loogu sheego inay cudur qabaan. (b) markuu leeyahay maaxshar yaan la samayn waxuu u jeedda ganacsatadii reer somaliland ee e loo diiday maxsharkan inay xoolahoodu maraan oo intay isu tageen yidhi mid baan samaysanaynaa si xoolahayagu u dhoofaan oo uu ina idha deero hogaaminayo, waynu maqlaynay in xataa la yidhi berbera shirikadiisu haka baxdo ayaan dhawaydna la yidhi laascaanood ha ka baxo. m daahir riyaalaa ka hadli jiray manceeshad qaaliyawda isagaaba kow ka ah oo aan petrolkii jibine markuu leeyahay hoos ganacsatadu haw dhigto hana la daba gallo waa hanjabaad cad oo ku wajahan in indhadeero iyo waxuu keeno waxaasaanu ogayn in taa sabiguna arko ina dha deero iyo kuwa kalana waxaanu leenahay yaanu idin bajin ee ku qayliyo waa tuug oo wax ka fulaysane waana rafadkii u danbeeyey. 3-Waxuu ka hadlay in laga wada hadlo doorashadii baarlamanka oo leeyahay waxaa lagu heshiiyey markii ay dhacaysay doorashada baarlamnku tani ugu danayso oo ay temprary kuwa soo socdana laga wada hadlo. taasi waa ina wax kama jiraan dastuurkaa qoraya in baarlamaanka si rasmi ah loo soo doorto shantii sanadoodba waxuuse uga jeedaa oo u jeedada uu beryahanba la warwareegayey ay tahay inuu yidhaado baarlamaankani hayska joogo waayo xisbigiisaa u badan oo dabadeedna uu sameeyo arrin madhoodha ah ooaan sabiga lagu maaweelin karin, oo maxay ah in xisbiga baarlamaanka u badani madaxweynaha qaato oo aan doorashaba la samayn arintaana ay guurtidu soo saarto dadwaynahana aan foodba la waydiin oo wax wax doortaaba aanay jirin,waayo waxuu ogyahay hadii doorashada baarlamaanku dhacdo in aanu waxba helayn oo waxuu is leeyahay intan oo kale helimayside iyada iyo guurtida is la kaasho. 4-Waxuu ka hadlay oo uu yidhi siilaayo somaliweyn buu aaminsan yahay taasi waxa weeye habar dhaliweyday aleelo ku waalatay xaqiiqdu waxa weeye siilaanyo waa kii somalilandba jaray keenayna kuna dagaalmayey mudada dheer. Adiguse Daahiraw madaa joogay maalintii lagu dhawaaqayey miyaanad laascaanood u raacin cabdi asis Ali Bare oo aanad dhawrsano ka dib Mujaahid Abdiraman Ali warqad saamaxaada kuu qaadin war qarsooni xaaji waa yaryahay intana waa in is wada og somaliland joogtaa ee is hubso ayaanu ku leenahay kursigu yuu been kuu sheegine,ALLAW YAA KU DOOXOO HADANA AAN KU DILINOO WAXAAD DAMACSANTEE JIRA DEBADA ULA SOO BAXA. Siilayana waxaanu leenahay xaaji hadaladaas way ku qiima ridaysaa jawaabtoodu ee inaad u jawaabtaba maaha. 5-waxaa ku gebagebynayya Daahir afkiisa waxaynu mar walba ka maqalaa dalkay mucaaridku ka daadinayaan oo kala soocayaan waxaad u jeedaa reeraha labda baaloodbay diidanyahiin aan hadalka kuu cadeeyee taa waynu ognahay oo labada ku xigaaba waaba reerkiina taasi way kaa xidhantay hadaba micnahaaga dhabta ahi ma waxa weeye warning aad leedahay iska jira hadii aniga lay rido reerahaygu wey go,aane oo aad ummada dareensiinayso xanuun adiga ku jira dadka se arinkan aad ugu hanjabaysaa miyaanay ahayn kuwii labda oo taagan adiga ku saaray abaal xumidaa ma bisad baa tahay miyaanad xishoonayn dadkuse hadalka cunfiga ah ee khudbadaadii walba ku jira ma waxaad moodaysaa in aanay fahmaynin wuxuu yidhi ninkii jiray waxaad xumaanta u taqaan rag bay samahiisa tahay. 6- Waxaa xaqiiq ah in madaxweynuhu muda dheerba ku jiray siduu umada reer somaliland ugu qaybin lahaa berri iyo gelbeed Burco iyo Hargaysana colaad uga dhex beeri lahaa taa waxaa cadaynaya nimaka hargaysa ka ah badhasaabada, ku guurtida la socota iyo xisbigiisuba imminka waxay taarget ka dhigteen in mas,uuliyiinta qaranka lagu yidhaahdo waxaa tahiin reer burco oo fidmaa wadeen, waxaase ugu daran waxii horeba waa saleele ah mid aan geeridii nebigaba ogayn oo badw ah oo waxii lagu dheh oo aan si uu u dhigaba garanayn iskasoo xambaartay oo yidhi guurtida reer burcaa fidmo kula dhex jira ee kuwa reer Hargaysaa wanaasanaa.Ali asad iyo qolyahii hore si maldanbaabay arintaas u odhan jireene badawgan xarshin ka yimi baa ugu daran waxaanu ku leenahy SHINBIR DHARABTU MEEL AAR FADHIYO SHUUQDA KAMA DAYNE SHAFSHAFADA DUXDA AH LEEFAHA CID U SHAQAYNAAYA IYO SHURUNSHUUR MALAGIISU GALAY HAYSA SOO SHUBO. WA BILAAHI TAWFIIQ Abdulalim UDHIS U abdulalim55@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 23, 2010 Confused Secessionists Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 23, 2010 So much efforts for something that "doesn't exist" ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted January 23, 2010 Translation please ,,, where are the good writers.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted January 23, 2010 Originally posted by Jacaylbaro: So much efforts for something that "doesn't exist" ,,, Ninkan dreams about Somaliland. If he was to ever go home he would through Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 23, 2010 Norfsky, Maskiin baa tahay aduu wali maa toosin, Only confused qabiil secessionist mafia like you dreams about somalidiidland I believe in Qaran, unlike you who believe qabiil My dream is United Somalia Peninsula, one country, one people, One nation, one religion, one language, one flag Insha Allah, I will visit my homeland Somalia, Mogadishu, Kismayo, Garowe, Bosaaso, Laascaanood,Buuhoodle, and Hargeisa* *marka laga xoreeyo somalidiid mafia insha allah Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted January 24, 2010 ^waar cuqdad baa ku haysee baakhada naga daa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 24, 2010 cuqdad iyo cudurka qabyaaladu aday lafaha kaa galeen, iska duwee oo dadkaaga dhinac ka raac, waxba kuma taraso inaad dadka iska soocdid oo aad cuqdad qabiil daradeed la cadhooto. Aduunkii oo dhan baa ku diiday inuu ku aqoonsado, waayo nin magaalo ka dudaw yaa ku og Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted January 24, 2010 Talk about bent up frustration :rolleyes: It is not recognised. It is still a part of Somalia you say and you're here everyday posting negative articles about it. Why post if you're 100% sure there will be no recognition? Why bother? All those hours searching for such news maxaad ka faa'iday? Does it make you sleep better at night? Nothing but cuqdad laakin waa wax la iska fahansanyahay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 24, 2010 It is you who posted more 15000 posts defending somalidiid-land qabiil faction, maxaad ka faa'iday? cuqdada iyo caqli xumadaada uun baad soo bandhigtay Somalidiid-land is not recognized, and Northwest Somalia is still integral part of Somalia are facts on the ground that are indisputable, waa xaqiiq Mida kale, don't get angry, after Somali-diidland mafia let down reer Burco, what did you expect? I see you think the above article is negative, because discusses in detail the frustration of reer burco with Somalidiid mafia and NSS spy Riyaal. But its never too late if some from burca wake up and smell the coffee, finally hambabar kii arrived -- Hambabar waa baraaruga qof hurdo dheer ku jiray, wali indhaha maraanmaraya oo aan si fiican u wada toosin, dhaqaaqa ugu horreeya ee uu tallaabsado, kursi ama miis wixii hareerihiisa yaalla jiidho isagoon si cad u kala arkin waxa ku xeeran. Jiidhistaasi waxay ka duulisaa wahabkii iyo hurdadii. Marka uu tooso ee uu hubaal u arko hareerihiisa ayuu socod hagaagsan tallaabada dhaqaajiyaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted January 24, 2010 and you're calling me qabiilist? Is deji saxib ha is kashifin'e OK Somaliland doesn't exist. It will never get recognition. What next? What do you need to prove so much? Mise waxa weeyaan a case of keeping Piracy news off the forum? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted January 24, 2010 Subxaan Allah, Alxamdulillah, La Illaaha ilAllah, Allahu Akbar, Laa Xowlaa Wala Quwata Ilaa Bilaah Norfsky good signature, boowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted January 24, 2010 ^Have it as yours, aaryee Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 24, 2010 Yes sxb, anyone who supports somalidiid-land and warlord siilaanyo is qabiilist, in la kashifo uma baahna waayo Allah baa kashifay Also, take it easy this is a free forum, everyone has the right to freedom of expression. * the article is from somalidiidland website, and written by somalidiidland follower, and it has nothing to do with Puntland State of Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted January 24, 2010 ^Are we talking about the same Puntland that has been calling anyone who resides there and is not from there to leave? Quote Share this post Link to post Share on other sites