Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Lower Juba: Islamic Administration takes control of Qooqaani

Recommended Posts

Ciidamada Wilaayada Islaamiga gobalada Jubbooyinka ayaa maanta la wareegay deegaanka Qooqaani degmada Afmadoow oo ay horay gacanta ugu hayeen Maleeshiyaadka Axmed Madoobe.

Saraakiil katirsan Wilaayada Jubbooyinka ayaa la sheegay in ay meel fagaara ah kula hadleen Shacabka degmadaasi iyagoona ugu baaqay in ay is dejiyaan.

Magaalada Dhoobleey ayay Dadka Deegaanku Sheegayaan inay ka jirto Xaalad kacsanaan ahi, iyada halkaasi ay ka socdaan Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan.

Mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa Qeybo ka mid ah Jubadda Hoose ku Dagaalamayay Xoogaga Wilaayada Islaamiga ee Jubooyinka iyo Maleeshiyaadka taabacsan Axmed Madoobe.

Dagaaladaan ayaa haatan u muuqda mid soo gabagaboobaya ayada oo xoogaga Maamulka Wilaayada Islaamiga ee Jubooyinku ay la wareegeen inta badan goobihii ay isku hor fadhiyeen labada dhinac.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this