Sign in to follow this  
General Duke

Geedi speaks on the 45 anniversiry of independence...26 of June

Recommended Posts

Jowhar: Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof: Geeddi oo Maanta ka qaybgalay Xuska 26ka Juun , iyo khudbad uu halkaasi ka jeediyay.

- Sunday, June 26, 2005 at 15:03

 

Jowhar(AllPuntland)-Raysulwasaaraha dawladda Soomaaliya Pro Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta ka qayb galay xaflad ballaaran oo lagu xusayay maalinta ay xornimada qaateen gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya ee ay ka xoobeen gumaystihii Ingiriiska.

 

Raysulwasaare Geeddi ayaa hadal dheer ka jeediyay munaasabaddaasi oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin badan oo katirsan labada gole , maamulka gobolka , fannaaniin iyo waliba saxaafadda qaybeheeda kala duwan.

 

Salaan uu salaamay kasoo qaybgalayaasha munaasabadda kadib wuxuu sheegay inay farxad wayn tahay in maanta annagoo dawlad ah aan xusno 26ka Juun .

 

Wuxuu sheegay in ururadii gobonimo doonka ahaa ee SNL iyo NUF ay usoo halgameen gobonnimada dalka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Waqooyi.

 

Dhammaan shacabka Soomaliland ayuu raysulwasaare Geeddi udiray hambalyo iyo bogaadin ku aaddan maalintan qiimaha uleh shacabka Soomaaliyeed .

 

Raysulwasaare geeddi asagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri" dhammaan gobollada iyo degmooyinka Soomaaliya waxaa kabilaabanaya dib uheshiisiin waxaana looga baahanyahay shacabka Soomaaliyeed inay udiyaar garoobaan,dawladduna waxay kormeeraysaa dhammaan goobaha dib uheshiisiintu ka socoto,dib u heshiisiinta waxaa bar bar socda xeraynta malleeshiyaadka ,tababarkoda iyo waliba qoridda ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, xoogga dalka haddaan la helin ,waad lasocotaan inaan marnaba la heli karin dawlad awood leh oo wax qaban karta, DFKGS waxay ballan qaadaysaa inay ilaaliso xuquuqda malleeshiyaadka iyo ciidanka xoogga dalka intaba lana siin doono wax walba oo ay xaq u leeyihiin, maalmaha soo socda waxaan soo bandhigi doonnaa qorshaha loogu talo galay xeraynta iyo dhaqan celinta malleeshiyaadka,waxaan baaq caam ah u dirayaa dhammaan malleeshiyaadka hubaysan , waxaan leeyahay yaan la idiin adeegsan inaad walaalihiin laysaan isla markaana curyaamisaan.

 

Raysulwasaaraha oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri" dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin inay helaan dawlad , waxaa been abuur ah inuu jiro khilaaf udhexeeya DFKG madaxdeeda, hase ahaatee waxaa jira dad tiro yar oo aan dawlad doonayn kuwaasna shacabka ayaa iska celin doona, Dawladdan waa dawlad dib uheshiisiineed oo dulqaad badan leh ,ciddii isku dayda inay kutumatona laga yeeli maayo,.

 

Raysulwasaare Geeddi wuxuu sheegay inuu safar dibadda ah tagi doono gaar ahaan magaalada Jabouti oo uu uga qaybgali doono xuska maalinta ay xornimada qaateen dadka reer Jabouti.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this