Jacaylbaro Posted May 27, 2010 Abwaan Saxardiid Maxamed [Jabiye} wuxuu ka mid yahay abwaabnada ugu waaweyn ee waqtigan aynu joogno nool. Abwaanku wuxuu sameeyay ila dhawr iyo toban riwaayadood oo midiba ta kale ka khatarsantahay, mudo 10 sanadood gudahood. Abwaanku wuxuu ka mid ahaa indheer garato yar oo markiiba aqoonsatay in Somaliland khaladkii uugu weynaa samaysay markii ay xornimadeedi sida fudud ugu deeqday koonfur. Heestan ugu horaysa oo ka hadlaysa khaladkaa lama ilaawaanka ahaa, wuxuu abwaanku tiriyay 61kii, wuxuuna ku soo daray ruwaayad la dhigay 64kii oo uu isla isagu curiyay. Heestan isla markiiba waa la mamnuucay si aanay dareenka reer Somaliland u kicinin. Waxa ku luuqayn jiray Alle haw naxariistee Faanaankii weynaa Axmad Muxumad Good [shimbir]. Waa tan ee ka noolaada: midho geed ku yaala gunti dar aad ku hayso u gadigu ma fiicnee maantaan garowsaday anigaa isu gaystoo galabsaday xumaantee wixii ila garaadow gobanimo ha tuurina adigoo galmoonoo gaajo ay ku haysoo gorofkaaga xoorka leh lays kama gambiyee anigaa isu gaystoo galabsaday xumaantee wixii ila garaadow gobanimo ha tuurina haweeyoo gayaanoo gacal igula taliyay ???? ii hilaacdoo sii daayay gacantee aniga isu gaystoo galabsaday xumaantee wixii ila garaadow gobanimo ha tuurina Quote Share this post Link to post Share on other sites