Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf meets with PM Tony Blair

Recommended Posts

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo kulan la yeeshay Tony Blair.

 

London, Talaado 20 February 2007 Simba Radio

 

Madaxweynaha Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaliyeed Cabdulaahi Yusuf Axmed ayaa kulan ay albaabada u xiranyihiin kula qaatay dalka Britain raiisulwasaaraha dalkaasi Tony Blair iyagoo ka wada hadlay arimo faro badan.

 

Cabdulaahi Yuusuf oo dalka Britain u baqoolay todobaadkan horaantiisa kadib markii uu martiqaad ka helay xukuumadda Ingiriiska ayaa wuxuu kala hadlay Ra'iisul wasaare Tony Blair arimo la xiriira xaaladda uu dalka ku sugan yahay xiligaan iyo taageerada ay u baahantahay Dowlada Federaalka Somalia.

 

Diiriye Jaamac Geelle oo ka mid ah masuuliyiinta ku howlan martigelinta Madaxweynaha ee dalka Britain ayaa wuxuu Idaacadda Simba u sheegay in labada Mas'uul ay isla soo qaadeen arimo faro badan oo ay ka mid tahay sidii lo xoojin lahaa xiriir dhex mara labada dhinac iyadoo Tony Blair uu balan qaday in si buuxda loo taageero Dowlada Federaalka Somalia.

 

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa warbixin ka siiyay Ra'iisul wasaare Blair ma rxaladda Somalia ee iminka iyo waxyaabihii ay soo martay xiliyadii dhowaa.

 

Madaxweynaha waxay sidoo kale kulmeen Afar wasiir oo kale kadib markii uu kulankiisa hore la qaatay Tony Blair wuxuuna kala hadlay arimo wasiiradaasi quseeya oo ay ka mid tahay la dagaaalanka waxa loogu yeero argagaxisada.

 

Madaxweynaha ayaa socdaalkiisa ku soo beegmay xili dowladda ay xusul duub ugu jirto sidii ay taageero ugu heli lahayd dar dar gelinta ciidamada nabad ilaalinta Afrikaanka ah ee la filayo in Somaliya la keeno si ay nabadda u sugaan.

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Peacenow   

Would have to see it to believe it. TB has much more important things to do with his time then to meet a xthiopian puppet.]

No doubt his first port of call was the xthiopian embassy to recieve his itinerary.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Londan: Madaxweynaha Soomaaliya iyo Tony Blair oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya.

20. februar 2007

 

Londan(AllPuntland)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa caasimada dalka Ingiriiska ee Londan kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi Tony Blair iyagoo ka wada hadlay arrimaha dalka Soomaaliya iyo marxaladihii u danbeeyay ee Soomaaliya dhacay mudooyinkii u danbeeyay.

 

Labada mas'uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa marxaladaha adag ee dalka ka jira gaar ahaan caasimada Muqdisho oo xasilooni daro ay soo wajahday.

 

Tony Blair ayaa balan qaaday in dowladdiisa ay taageereyso xukuumadda Federaalka ee Madaxweynaha ka yaha Cabdullaahi Yuusuf, wxuuna sheegay in uu taageero dhaqaale u fidin doono Soomaaliya,sidoo kale labada mas'uul ayaa isla gartay in kooxihii ka soo horjeesta xukuumadda cusub loo aqoonsan doono argagixiso.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale shalay waxaa uu kulamo la yeeeshay wasiiro ka tirsan dowladda Ingiriiska iyagoo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo sidii looga hortegi lahaa argagixisada ku dhuumaaleysaneyso dalka Soomaaliya waxayna balan qaadeen in ay ka taageeri doonaan sidii looga hortegi lahaa kooxaha argagixisada.

 

Marka uu madaxweynaha kulamada uu la qaadanayo madaxda dalkaasi ayaa lagu wadaa in uu baaris caafimaad uu maro maadaama uu booqashadiisa uu kaga faa'iideysanayo dhaqtarkiisa oo halkaasi ku sugan, waxaana madaxweynaha uu sidoo kale la kulmi doonaa jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalkaasi.

 

Cali Sandheere

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weynaha Soomaaliya oo soo dhoweyn heer sare ah loogu sameeyey wasaaradda arimaha dibadda dalka Ingiriiska

 

(London)-M/weyne C/llaahi Yuusuf iyo wafdi uu hogaamaniyey maalmahan ku sugnaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa maanta soo dhoweyn heer sare ah loogu sameeyey wasaaradda arimaha dibada dalka Ingiriiska.

 

 

 

M/weynaha iyo wafdigiisa ayaa waxay la kulmeen wasiirka horumarinta iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka Ingiriiska Hillary Ben iyo 13 aggaasime oo iyaguna ka tirsan wasaaradaha kala duwan ee dalka Ingiriiska.

 

 

 

Waxaa fadhi dheer qaatay M/weyne C/llaahi Yuusuf iyo Hillary Ben oo ka wada hadlay sidii soomaaliya Gacan looga siin lahaan dhanka horumarinta iyo dhaqaalaha.

 

 

 

Waxaa isna halkaas hadal dheer ka jeediyey wasiirka qorshaynta qaranka Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ka waramayn caqabadaha Soomaaliya hortaagan, iyo kuwii ay ka soo gudubtay iyo weliba sida maata ugu baahan tahay in gacan dhaqaale loo siiyo.

 

 

 

Waxaa isna sidaas oo kale halkaas hadal ka jeediyey taliyaha nabad sugida Soomaaliya Gen Darwiish oo sheegay in arimaha ammaanku hadda Soo hagaagayaan waxyaabo weli dhimana ay jiraan balse mar walba soomaalidu maadaama ay bur burtay loo baahan ciidamada nabad sugidu ay helaan tabar dheeraad ah.

 

 

 

C/llaahi Yuusuf iyo wafdigiisa oo la sheegay in dhawrkaan maalmood oo fooda inagu soo haya joogi doona dalka Ingiriiska ayaa la sheegay inay in lagu casumay xafiiska R/wasaare Tony Blair lamase sheegin cida ay kula kulmi doono.

 

 

 

Waxaa jira iyana warar sheegaya in wafdigani casuumad ka helay Afhayeenka aqalka barlamaka dalkan Ingiriiska.

 

 

 

Wixii ka soo kordha arimaha waxaa shabakada waayahu idiin baln qaadaysaa inaanu idiin soo gudnimo.

 

 

 

Abdirazak Yassin Caanogeel

 

Waayaha.net,London,UK

Share this post


Link to post
Share on other sites

peacenow even Waagacusub is reporting this, not a pro Yusuf web portal now, is it?

 

Kulan Xasaasi ah oo dhexmaray Madaxweynaha Dowladda FKMGS iyo Ra,isal Wasaaraha Dalka Ingariiska.

 

Muqdisho , Talaado , Febr , 20 , 2007, Waagacusub.com

 

 

Kulan Xasaasi ah ayaa Dhex maray Madaxweynaha Dowladda FKMGS C/llahi Yuuasuf Axmed iyo R,isal Wasaaraha Dalaka Britan Tony Blair.

 

Madaxweyne C/llahi Yusuf iyaa isagu Maalmahaan Booqosho Ku Joogay Dalka Britan oo uu Marti qaad Ka helay .

 

Madaxweynahe Cabdulaahi Yusuf Axmed ayaa kulan ay Albaabada u Xiranyihiin kula Qaatay Dalka Britain Ra,iisulWasaaraha Dalkaasi iyagoo ka Wada hadlay Arimo Ku Aadan Dalka Soomaaliya.

 

Col. Cabdulaahi Yuusuf ayaa Kaga Warbixiyay Ra'iisul Wasaare Blair marxaladda Somalia ay Haatan Mareyso iyo Waliba Qorshaha Dowladda FKMGS.

 

Dhanka kale Madaxweynaha waxa kale u la kulmay Wasiiro Ka Tirsan Isla Dalkaa, Wuxuuna kala hadlay Arimo Wasiiradaasi Quseeya oo ay ka mid tahay la Dagaaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

 

Arimahaan ayaa waxa ay ku soo Beegmayaan Xili Ay Habeynimadii Xalay Ay Duqayn Xoogan Ka Dhacday Magaalada Muqdisho Taa Oo Ay Geysanayaan Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Ethiopianka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Tony Blair ku dhex maray London,Tallaabo dhaxal gal ah oo horay loo qaaday kuna qotonta baadi goobka maslaxadda umadda Soomaaliyeed { Kor ahaay Yuusuf hoggaamiye qaran oo daacad ah dadaalna badan}

 

Hoggaamiye kasta oo dal uu leeyahay waxaa ahmiyadda talaabooyinkiisa siyasadeed uu daahfur uga dhigaa ku dadalidda horumar u raadinta dalka iyo dadkiisa....

 

Hoggaamiye kasta oo dal uu leeyahay waxaa ahmiyadda talaabooyinkiisa siyasadeed uu daahfur uga dhigaa ku dadalidda horumar u raadinta dalka iyo dadkiisa iyo soo de dejinta masloxo ka dhex dhalinta shacabkiisa hadii ay wax kala tabanayaan ,waxana in madaxweynaha Soomaliya uu howlahaa u kacay lagu dareemaa sida aanu u nasan oo mar waliba uu ugu howllanyahay dhaq dhaqaaqyada la xirira horumarinta dalkiisa ee dhinacyada kala duwan.

 

Dhaq dhaqaqyadaas iyo kuwo kale oo aanan halkan kusoo koobi Karin oo ay ka mid yihiin ku dhawaaqidda barnaamij dibuheshiisiin qaran,wada tashiyo uula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshda oo ay haween ku jiraan waxaa ay ka mid yihiin astaamaha lagu garto madaxweyne qaran oo si daacad ah ugu dadalaya horumarinta dalka iyo dadkiisa,si la mida sida aanu haatan ka dareemi karno tallaabooyinka uu wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya C/llahi Yuusuf Axmed

 

Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Mudane C/llahi Yuusuf Axmed waxaa qabshadiisa xilka madaxweynenimadu ay kusoobeegantay xilli dalka Soomaaliya ay dhibaatoweyni ka jirtay uuna dowlad la'aan soo ahaa mudo14 sanadood ah,waa xiligii xilka loo dharinayay,waxaana uu xilkaa culus xanbaray isagoo ogaa in ay ka horeyso wado dheer oo qodxo badan una baahan in laga gudbo,waxana uu doorbiday in uu xanuunkaa u bareero si dalka iyo dadkaba dhibaatada heysatay uu uga saaro.

 

Madaxweynaha waxaa qabashadiisa xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ay sidoo kale kusoo beegantay xilli dalalka caalamka ugu awoodda roon iyo kuwa carabtuba ayan usoo wada jeedin in ay ku dadalaan wax ka qabshada arrinta murugsan ee Soomaaliya,waxaase isagoo kaashanaya waya aragnimadisa iyo,siyaasiyiin samadoonno ah oo Soomaaliyeed ,aqoonyahan iyo diplomaasiyiin calami ah oo la kula duubnaa sidii guul looga gaari laha soo gabagabeynta xaladda dhibatada xanbaarsan ee Soomaaliya uu madaxweynuhuqaday tallaabooyin dhaxal gal ah oo guul kusoo dhamaaday.

 

Hada ma doonayno inaanu sii faafaahinno waxa ay ahaayeen tallaabooyinkii hore ee guusha kusoo dhamaaday,hase ahaatee waxanu guda galaynaa ka hadalka dulucda sheekadan ee ku saabsan joogitaanka xilliganee Madaxweynaha ee dalka Ingiriiska iyo guulaha waweyn ee laga gaaray.

 

Hadii aan ku hor maro malintii Axaddii uu madaxweynaha jamhuuriyaddu gaaray magaalada London waxaa uu halkaa kala kulmay soo dhaweyn aan caynkeeda oo kale horay loogu arag in loo sameeyo mamdaxweyne Afrkaan ah,waxaa dhabaha diyaaradaha ee Magaalda London kusoo dhaweyay Wasiirro,Wasiir ku xigeenno,xildhibaanno iyo siyasiyiin British ah,waxana madaxweynuhu uu islamarkiiba usoo gudbay hoyga Boqoradda Ingiriska ,halkaasoo uu boqoradda ku soo salaamay,islamarkaana uu salaan sharaf kaga qaatay ciidanka ilaalada gaarka u ah boqoradda Ingiriiska.

 

Madaxweynaha ayaa islamarkiiba waxa uu kulamo hordhac ahaa la qaatay wasiiro ka tirsan xukuumadda ingiriiska,waxaana uu kala hadlay sidii dowladda ingiriirska wax qabadkeeda inta badan loogu soo weecin lahaa xagga Soomaliya oo hatan ubaahan in beesha calamku ay dadkeeda si dhab ah wax ugu qabato ka gadaal markii xukuumadda Soomaliya aykala jebisay kooxo argagixiso ahaa oo ku xirna Al qaacida dabayaaqadii Sanadkii tagay kuwaasoo sheegan jiray in ay yihiin Maxkamado Islaami ah .

 

Madaxweynuhu waxaa hadana uu kulan la qatay ra'isulwasaaraha Ingiriiska Tony Blair ,waxana kulankoodu uu ahaa mid albabada loolaabay ,waxaase lagu falan qeeyay sidii dowlada ingiriisku ay wax qabad dhab ah ula garab istagilahayd dowladda Soomaaliya,taasoo Blair-na uubalan qaaday.

 

"Xukuumadda ingiriiska waxaa aan hatan xaqiijiynayaa in ay ahmiyadda 1-aad siinayso wax ka qabshada mashakilaadka ka taagan Soomaaliya iyo taageeridda dowladda qaran ee haatan dalka Soomaaliya udhisan oo dalka oo dhanna gacanta ku heysa markii ugu horreysy tan iyo intii lasoo dhisay "ayuu Blair ku yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Yuusuf.

 

Si kastaba ha ahaatee,waxanu qormadeena kusoo gabagabaynaynaa { Kulankii Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Tony Blair ku dhex maray London,Tallaabo dhaxal ga ah oo horay loo qaaday kuna qotonta baadi goobka maslaxadda umadda Soomaaliyeed.}

 

Waxaa diyaariyay Shamis Muqdisho- Somalia

 

Shamisfine@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

PM Tony Blair: "ururkaste oo ka soo hor jeesta xukuumadda Somaliya waxaan u aqoonsaneynaa inuu yahay Argagixiso."

 

 

Londan: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa caasimada dalka Ingiriiska ee Londan kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi Tony Blair waxeyna ka wada hadleen arrimaha dalka Soomaaliya iyo marxaladihii u danbeeyay ee Soomaaliya ka dhacay mudooyinkii ugu danbeeyay.

Tony Blair ayaa balan qaaday in dowladdiisa ay taageereyso xukuumadda Federaalka ee Madaxweynaha ka yaha Mudane Cabdullaahi Yuusuf, wuxuuna sheegay in uu taageero dhaqaale u fidin doono Soomaaliya,sidoo kale labada mas'uul ayaa isla gartay in kooxihii ka soo horjeesta xukuumadda cusub loo aqoonsan doono argagixiso.

 

Labada mas'uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa marxaladaha adag ee dalka ka jira gaar ahaan caasimada Muqdisho oo xasilooni daro ay soo wajahday markey dad ay wadaninimada ku yartahay oo dhuuni qaatayaal ah maatada hubka culus labeegsada xiligey hurdada galaan walibana muslinnimo sheeganaya .

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale shalay waxaa uu kulamo la yeeeshay wasiiro ka tirsan dowladda Ingiriiska iyagoo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo sidii looga hortegi lahaa argagixisada ku dhuumaaleysaneyso dalka Soomaaliya waxayna balan qaadeen in ay ka taageeri doonaan sidii looga hortegi lahaa kooxaha argagixisada waxna looga qaban lahaa.

 

Soo dhaweynta madaxweynaha ayay jaaliyadaha Somaliyeed aad ugu mashquulsan yihiin iyadoo ay isaga yimaadeen gobolada kala duwan ee cariga Ingiriiska walina ay ku soo qulqulayaan .

 

Saacadaha foodda inagu soo haya ayuu Madaxweynahu la kulmi doonaa Boqoradda Ingiriiska ee Queen Elizebetka 2aad.

 

Raage Cumar:-London

 

Tifatire:-Cabdulqaadir Oday

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia President begins working visit to London.

 

,Somalian President Abdulahi Yusuf has begun a working visit to London, Alsherika Alwest, Arabic newspaper published in London reported.

 

 

During his visit Abdulahi would call on the international community to extend assistance to Somalia.

 

He would also hold talks with British senior government officials.

 

n an interview he made with the newspaper in Nairobi prior to his departure to London, Abdulahi said his talks with the British senior government officials would focus on ways of securing assistance to bring about sustainable peace and stability in Somalia.

 

Somalia is in need of assistance from the international community, Abdulahi said, adding the world’s powerful nations in particular are expected to do a lot in this regard.

 

After concluding his visit in London, Abdulahi would attend the Sana‘a Cooperation Forum to convene in Addis Ababa early next month.

 

 

 

The forum would be attended by Prime Minster Meles Zenawi, Yemeni President Ali Abdullah Saleh and Sudanese President Omar Hassan al- Bashir.

 

ena.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo magaalada London kulan kula yeeshay Ra'iisal Wasaare Tonay Blair

 

Muqdisho camooyin.com 20 Febr 2007 Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu magaalada London kula yeeshay Ra'iisal Wasaaraha dalka Ingiriiska Tonay Blair ayaa ahaa mid albaabada u xiran yihiin...

 

Muqdisho camooyin.com 20 Febr 2007 Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu magaalada London kula yeeshay Ra'iisal Wasaaraha dalka Ingiriiska Tonay Blair ayaa ahaa mid albaabada u xiran yihiin, waxaana labada mas'uul ay ka wadahadleen arrimo fara badan oo khuseeya xaaladaha hadda ka taagan dalka Soomaaliya iyo taageero ay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya uga baahan tahay beesha caalamka.

 

Mas'uul ku dhow Madaxweyne Yuusuf ayaa Saxaafadda u sheegay in labada mas'uul ay isla falanqeeyeen sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka u dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Ingiriiska, waxaana Tonay Blair uu ballanqaaday in dowladiisu ay si weyn u taageereyso dowladda Federaalka Somaaliya ayna kala shaqeyneyso sidii dalka ay u xasilin lahayd.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa Ra'iisal Wasaaraha Ingiriiska siiyay warbixin dheer oo ku saabsan marxalada Soomaaliya ay iminka mareyso iyo arrimihii ay u soo joogtay dowladda KMG ah ee Soomaaliya xilliyadii la soo dhaafay.

 

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale kadib kulankii uu Blair la yeeshay waxa uu la kulmay ku dhowaad shan Wasiir oo ka tirsan Dowladda Britain, waxaana uu kala hadlay arrimaha ay Wasaaradahoodu u qeybsan yihiin oo ay ka mid tahay la dagaalanka argagixisada iyo arrimo kale.

 

Wasiirada uu la kulmay Madaxweyne Yuusuf waxaa ka mid ah Wasiirka dhinaca deeqaha ugu qaabilsan dalka Ingiriiska iyo kan Horumarinta caalamiga ah oo labadoodana ay isla gorfeeyeen sidii Dowlada Ingiriisku ay u sii kordhin lahayd taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada Horumarinta iyo deeqaha.

 

Madaxweynaha ayaa London gaaray aroornimadii Axadda, waxaana halkaas loogu sameeyay soo dhoweyn tii ugu heer sareesey ee loo sameeyo Madaxweyne Afrikaan ah ee dalkaasi taga, iyadoo Madaxweynuhu uu salaam sharaf ka qaatay ilaalada gaarka ah ee boqorada dalka Ingiriiska oo uu ku booqday hoygeeda, xilligaas oo ay wehlinayeen Wasiiro ka tirsan Dowladda Ingiriiska oo garoonka diyaaradaha London ku soo dhoweeyay.

 

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

halyeey12.jpg

 

Madaxweyanaha Soomaaliya Iyo Ra`isul Wasaaraha Ingiriiska oo ku dheeraaday xaaladda dalka Soomaaliya .

Posted to the MOL February 21, 2007, 4:42 pm

 

 

London:- Madaxweynaha dalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada London ee dalka Ingiriiska kula kulmay ra`isul wasaaraha dalkaasi Toni Blear oo ay ku dheeraadeen xaalada dalka Soomaaliya ee iminka.

 

Mr Yuusf iyo Blear ayaa ka xaajoodfay sidii dowlada KMG ah ee Soomaaliya gacan looga siin lahaa wax ka qabashada xaaladaha amaanka ee dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka koowaad ee golaha wasiirada Biritin ayaa balan ku qaaday in dowladiisu ay xoojineyso taageerada ay u hayso dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

 

Waxa uuna Blear carabka ku adkeeyay in dowladiisa ay dhaqaalo siineyso dowlada KMG ee Soomaaliya , iyadoo deeqaalahaasi qeybo ka mid ah lagu maal gilinayo ciidamada midowga Africa ee dalka imaanaya.

 

Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa dhankiisa amaanay taageerada Biritin ee dowladiisa isaga oo xusay in muhiim ay tahay in dowlada Ingiriiska door ku lahaato arimaha Soomaaliya ee xiligaan.

 

Madaxaweyne Yuusuf ayaa dhinaca kale la kulmay wasiiro ka tirsan dowlada Ingiriiska kuwaasi oo uu ku jiray wasiirka socdaalka oo uu ku booriyay in dalkooda aysan u ogalaan tira xildibaano ah kuwaasi oo aan xaadirin fadhiyada baarlamaanka isla markaan taageeri jiray maxaakimtii bur buray.

 

Cismaan Xasan Cali(Fantastic)

Xafiiska Mudug Ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   
I see the clan president had a meeting with war criminal Tony Blair. Did you forget Blair is responsible for the death of more than 600,000 Iraqi Muslims?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by General Duke:

Blair country also has given a home to more Somali's than any Arab, or Muslim nation has.

How does giving a home to more Somalis absolve Blair from killing more than 600,000 Iraqi Muslims? What kind of logic is yours? :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^It does not but any Somali leader now and after will always have to deal with the leader of the UK, due to the fact of the large community residing here.

 

Anyhow is Yusuf the first Muslim leader to meet Blair, since the Iraq invasion.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by General Duke:

Anyhow is Yusuf the first Muslim leader to meet Blair, since the Iraq invasion.

Some Muslim leaders didn't meat with Blair since the Iraq invasion. They include Omar Al-Basher, Qaddafi, Hassan Dahir Aweys, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, Ahmadinejad and others. The clan president could have met UK opposition leaders instead of the war criminal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this