Jacaylbaro Posted September 24, 2009 Hogaamiye Sheekh Xasan Turki oo kamid ah Hogaamiyayaasha Xoogaga ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya ayaa ka biyo diiday Maamulkii shalay looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo. Sheekh Xasan C/laahi Xirsi Turki oo kamid ah hogaamiyayaasha dhinacyada Mucaaradka ee sida wayn kaga soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya oo maanta Shir jaraa’iid oo dhinaca qadka taleefoonka u qabtay qaar kamid ah bahda War baahinta Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu si wayn kaga biyo diidsanyahay oo uu ka soo horjeedo hadal shalay ka soo baxay Maamulka Kismaayo ee sheegayay in ay la midoobeen Maamulada kale ee ka jira gobolada Jubooyinka ee hoostaga Xarakada Mujaahidiinta Al Shaab oo kaliya. Sheekh Xasan Turki ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in arintaasi ay tahay mid ay ka soo horjeedaan islamarkaana uu sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay kaga baxeen balantii ahayd in la wadaago Maamulka Kismaayo kaasi oo uu sheegay in si wada jir ah markii hore ay u qabteen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ,Mucaskarka Raaskaankooni iyo Caanoole. Waxa uu intaasi ku daray Sheekh Xasan Turki in aanu aqoonsanayn Maamulkii shalay looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo islamarkaana uu arko mid looga baxay balantii ay horay u dhigteen dhinacyadii markii hore qabtay Magaalada. “ Maamulka Magaalada Kismaayo looga dhawaaqay ma aqoonsan doono waxaana u aragnaa in uu yahay mid ay magacowdeen hal qolo oo kaliya islamarkaana aan ka turjumaynin balamihii aan ku heshiinay markii hore.” Ayuu yiri Sheekh Xasan Turki. Hadalkani ka soo yeray Sheekh Xasan C/laahi Xirsi Turki ayaa ku soo beegmaya xilli shalay afhayeenka Maamulka Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali uu sheegay in Maamulkoodii Kismaayo ay la midoobeen Maamulada ka jira Jubooyinka ee hoostaga Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Quote Share this post Link to post Share on other sites