General Duke Posted September 13, 2007 Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo ku kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia Last Updated::2007-09-13 16:54:47 Adisababa(HRNet):-Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar geele ayaa wadahadal ku yeeshay magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia. Labada Madaxweyne ayaa kulankooda waxaa ay kaga wadahadleen arimo ku saabsan dalka Soomaaliya iyadoo Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed uu Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil cumar geele uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya. Sidoo kale labadan masuul ayaa waxaa ay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo jabuuti oo dhawaanahan mugdi uu ku yara jiray. Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed iyo kan dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa labadooduba dalka Ethiopia waxaa ay u tageen si ay uga qayb galaan dabaaldegyada Ethiopia ay u samaynayso sanadka cusub ay gashay ee 2-da kun. Dabaaldegyadan ayaa waxaa lagu casuumay oo ka qayb galay Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya, Kenya, Rwanda, Sudan, Jabuuti iyo Gudoomiyaha ururka Midowga Africa Alpha Cumar Konari. Munaasabadahan loo sameeyay sanadka cusub ee u dhashay dalka Ethiopia ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro kala duwan oo isugu jira kuwa hidiyo dhaqanka dalka Ethiopia. Mohamed Ali (Dalmar) Ibnucalixirsi@hotmail.com HorseedNet News Desk. Quote Share this post Link to post Share on other sites