Sign in to follow this  
General Duke

Leaders of Somalia dn Djibouti hold a private meeting

Recommended Posts

Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo ku kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia

 

Last Updated::2007-09-13 16:54:47

 

Adisababa(HRNet):-Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar geele ayaa wadahadal ku yeeshay magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

 

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda waxaa ay kaga wadahadleen arimo ku saabsan dalka Soomaaliya iyadoo Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed uu Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil cumar geele uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale labadan masuul ayaa waxaa ay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo jabuuti oo dhawaanahan mugdi uu ku yara jiray.

 

Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed iyo kan dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa labadooduba dalka Ethiopia waxaa ay u tageen si ay uga qayb galaan dabaaldegyada Ethiopia ay u samaynayso sanadka cusub ay gashay ee 2-da kun.

 

Dabaaldegyadan ayaa waxaa lagu casuumay oo ka qayb galay Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya, Kenya, Rwanda, Sudan, Jabuuti iyo Gudoomiyaha ururka Midowga Africa Alpha Cumar Konari.

 

Munaasabadahan loo sameeyay sanadka cusub ee u dhashay dalka Ethiopia ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro kala duwan oo isugu jira kuwa hidiyo dhaqanka dalka Ethiopia.

 

Mohamed Ali (Dalmar)

Ibnucalixirsi@hotmail.com

HorseedNet News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this