Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Delegation Meeting With Rwandan Officials

Recommended Posts

Cowke   

Wafti ka socda Puntland oo dagay Ruwanda.

 

Wafti ka socda Dowlada Puntland ayaa gaaray Magaalada Kigali ee Xarunta Dalkaasi Ruwanda, waxaana ka mid ah Wafdigaas 10-Wasardaha Dowlada Puntland Agaasimeyaashooda ah,iyo labo Gabdhood oo ka socda Hay’adda UNDP.

 

Safarkaan ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirudawlaha Madaxtooyada ee dhanka Maamul Wanaaga Puntland Maxamed Faarax (Gaashaan),

 

Waftigaan ayaa waxay halkaas ku joogaa booqasho maalin ah, iyagoo lagu wado inay isla maanta ka dhoofaan halkaas iyagoo tagaya Magaalada Kampala ee dalka Uganda, iyagoo halkaas ku sugnaan doona illaa 23-ka bishan, waxayna ka kulmi doonaan inta ay ku sugan yihiin Uganda Madaxda Dowlada Dalkaasi Uganda,

 

Waftigaan ayaa waxaay safaro ku marayaan Wadamada ay ka mid tahay Uganda, Ruwanda, Ethiopia iyo Wadamo kale,

 

Ujeedada safarka agaasimayaasha ayaa lagu sheegay xoojinta xiriirka Puntland kala dhexeeya Waddamada ay jaarka Yihiin Dowlada Puntland ee aan soo sheegnay,

 

Illaa iyo intii la doortay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayuu Maamulka Dowaldiisa Awoodda saaray sidii uu u xoojin lahaa xiriirrada kala dhexeeya Dalalka Calaamka, kuwa Afrika iyo kuwa dariska ah, iyadoo xiriiradan ay intooda badan salka ku hayaan Ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyo badan leh,

 

Waftigan ka socday Dowlada Puntland ayaa waxa ay Dalka Uganda ku qaadan doonaan waxbarasho ku aaddan habka Maamulka Wanaagsan, waxayna kulammo kala duwan la qaadan doonaan madaxda dalkaas si ay xiriirka u xoojiyaan.

 

Xafiiska Wararka Bosasomedia ee Garowe:-

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this