Sign in to follow this  
General Duke

CEELBARDE: Ethiopian troops enter “Martyrdom” seeking Al Shabaab flee?

Recommended Posts

Ciidamo iyo Ethiopian ah iyo kuwa Soomaali ah oo Maanta gudaha u soo galay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool iyo Ciidamadii Al Sahbaab oo halkaasi ka baxay.

 

Posted: 4/21/2010 2:07:00 PM

 

Shabelle: CEELBARDE

Ciidamo iyo Ethiopian ah iyo kuwa Soomaali ah oo Maanta gudaha u soo galay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool xili ay xalay degmadaasi Faarujiyeen Ciidamadii Xarakada Mujaahidiinta Al Sahbaab.

 

 

 

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool oo maalmahaan ay gacan ku heynteeda ku hardamayeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa maanta degmada waxaa gudaha u soo galay ciidamo tiro badan oo Ethiopian ah islamarkaana ay la socdaan ciidamo Soomaali ah.

 

 

 

Imaatinka ciidamadaani Ethiopianka iyo saraakiisha Hogaamainaysay ee degmada Ceelbarde ayaa waxaa ay ka dambeysay kadib markii sida dadka deegaanku ay Shabelle u sheegeen Xalay gudaha degmadaasi ay isaga baxeen ciidamadii ka tirsanaa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo mudo kooban degmadaasi gacanta kuhayay.

 

 

 

Axmed Mege Nuune oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa Shabelle waxaa uu u sheegay in Barqanimadii maanta dhowr goobood oo ka tirsan duleedyada Magaalada Ceelbarde ay ka soo galeen ciidamo tiro badan oo Ethiopian ah oo ay wehlinayaan kuwa Soomaaliya, waxaana la sheegay in ciidamadaasi ay wateen gaadiidka dagaalka.

 

 

 

Gudoomiyaha Maamulka dowladda KMG ee degmada Ceelbarde Ibraahim Dheere oo ay Shabelle la xariirtay ayaa waxaa uu wax kama jiraan ku tilmaamay imaatinka ciidamadaasi Ethiopianka ah ee Maanta la sheegay in ay gudaha u soo galeen degmada Ceelbarde.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in Maanta gudaha degmadaasi kulan ay ku yeesheen Maamulkooda oo kaliya islamarkaana aanay jirin wax saraakiil Ethiopian ah oo kulamo ay la qaateen oo degmadaasi soo gaaray sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

Degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool oo kutaala Xadka gobolka Bakool uu la wadaago dalka Ethiopia ayaa Maalmahaan waxaa ay noqotay mid gacan ku heynteeda ay ku hardamayeen xarakadsa Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Ciidamo ka amar qaata Maamuladii dowladda KMG ee horay looga awood roonaaday gobolada Bay iyo Bakool.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's all bravado. This clowns aren't what they say nor is their goal to die in martyrdom but to prolong the war of the south that has killed and ignited the fire that prolongs it for so long.

 

Ceelbarde is out of reach for the Al-Shabab group.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab oo Rag door ah iyo hub badan ku waayey dagaallo ay ku khasaareen oo Shalay iyo maanta ay galgaduud kula galeen Ahlusuna.

 

(21-04-2010)Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka soo gaarey Alshabaab duulaanadii ay Shalay ku qaadeen degaanada Galcad iyo Masagawaay iyo dullaan kale oo ay maanta ku soo qaadeen God-dhurwaa oo u dhow Ceelbuur.

 

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay goobaha ay dagaalladu ka dhaceen ayaa sheegaya in dagaalladii shalay ay Shabaabku ku waayeen ilaa 14-dagaal doon oo 3-kamida ay ahaayeen Ajnabi, halka dagaalkii ay maanta God-dhurwaa ku galeen ay kaga dhimatay 4- dagaal doon oo uu ku jirey Sarkaal sare.

 

Shalay iyo maantayba waxaa jirey khasaare hub oo soo gaarey firqadan kediska badan, balse markii lagu keen keeno firxadka badan, waxaana ilaa iyo iminka la la'yahay goob ay Shabaabku ka qabsadaan Galgaduud oo ay saacado ku negaadaan.

 

Waxaa Shabaabku ay Shalay Qabsadeen Degmada Ceelbarde oo dhanka xadka ka xigta Baydhaba, hase yeeshee waxay magaaladaasi ka baxeen Xalay kadib markii ay ka war heleen in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku soo fool leeyihiin iyagoo aan xabad ku tuurin.

 

Waxay u muuqataa in Shabaabku ay il-baadsadaan goobaha aan xilligaasi laga hor imaaneynin oo ay sidaasi ku galaan kadiba ay warbaahinta shiriyaan oo u sheegan iney la wareegeen goobahaas, hase yeeshee markii ay qolo kale arrintaasi ka xanaaqaan oo ay dagaal u soo aadaan, Shabaabku Soomaalidana waxbey ku tuur tuuraan, Ajnabigana way u sii baneeyaan, balse waxaa ka go'an iney ka dhaqaajiyaan.

 

Dalkanews.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo soo galay G.Bakool

21 Apr 21, 2010 - 8:52:11 AM

 

Ciidamo Ethiopian ah oo wata 30-gaari oo nooca dagaalka ah ayaa maanta galay degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, iyadoo ciidamo taabacsan Al-shabaab oo xalay ku sugnaa ay isaga baxeen.

 

Goobjoogayaal ku sugan degmadaas oo ku dhow xadka ay wadaagaan Somalia iyo Ethiopia ayaa sheegay in ciidamadu ay baqonimadii maanta gaareen degmadaas ayna halkaas ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan.

 

"Xoogagii Al-shabaab ma garanayno halka ay aadeen, waxaase ku sugan degmada ciidamo Ethiopian ah oo aad u hubeysan, waxayna marka dhinac uga baxayaan degmada" ayuu yiri goobjooge magaciisa ka gaabsaday.

 

Saraakiil ka tirsan kuwa Dowlada ee ku sugan Gobolka Bakool ayaa xaqiijiyay in ciidamo Ethiopian ah ay galeen degmada Ceelbarde oo ay shalay la wareegtay Al-shabaab, iyagoo u dhaqaaqay deegaano kale oo Gobolka ku yaala.

 

"Ciidamadan waxay u soo galeen degamada sidii ay uga hortagi lahaayeen Al-shabaab, waayo waxay ku dhowdahay xadka ay wadaagaan Somalia iyo Ethiopia" ayuu yiri sarkaal codsaday inaan la magacaabin.

 

Gudoomiyaha degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool Ibraahim Cumar oo isaguna la hadlay saxaafada ayaa beeniyay inay ciidamo Ethiopian ah soo galeen degmadaas, isagoo xusay in wararkaas ay yihiin kuwo la dhoodhoobay.

 

"Degmada waxaa ku sugan ciidamada Dowlada, kuwii Al-shabaab waxay aadeen dhinaca degmada Rabdhuure oo ay markii hore ka yimaadeen, mana jiro askari jooga Ceelbarde oo Ethiopian ah" ayuu yiri gudoomiyaha degmada Ceelbarde.

 

In ka badan 10-qof ayaa ku dhintay dagaalo Al-shabaab iyo DF ku dhexmaray degmada Ceelbarde laba maalmood oo isku xigta, iyadoo dagaaladaas looga itaal roonaaday ciidamada Dowlada laga saaray degmadaas.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this