Jabhad Posted June 30, 2007 Ciidamada Xukuumada Ethiopia Oo Dad Rayid Ah Ku Xasuuqay Xarun Internetka Laga Isticmaalo. yaasiin maxamed cali (faytin) yaasiinfaytin@hotmail.com Jun 30, 2007 Ciidamada xukuumada ethiopia ee ku sugan magaalada caasimada ee muqdisho ayaa ku diley dhalin yaro ku jiray xarun internetka laga isticmaalo oo ku taala agagaarka ex-cantarol. Ilaa ku dhowaad 3-nin oo dhalin yaro ah ayaa waxaa ciidamada ethiopia ku dileen meel ganacsi oo laga isticmaalo internetka ,halkaasoo ay u gaysteen jidhdil xoogan islamarkaana rasaas madaxa kala beegsadeen ,arintan oo ka dhalatay markii uu halkaasii kolonyo baabuur ah oo maraysay oo wateen ciidamada ethiopia uu ku qarxay goobtaas islamarkaana uu halkaas ku gubtay gaari nooca ciidamada qaada ee loo yaqaano Uralka. Baabuurkan oo ay ku qaraxday miinada la hago ayaa sida ay sheegeen dad xog ogaal ahi waxaa ciidamadaasi ka daateen baabuurtii ay wateen islamarkaana waxay ku faafeen agagaarka xaafadaasi halkaasoo ay galeen xaruntan ganacsi ee laga isticmaalo internetka taasoo ay ku dileen 3-da wiil ee dhalin yarada ahaa sida ay saxaafada u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo magacooda qariyey. Ciidamada ethiopia ayaa badanaaba ka aargoosta dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan marka ay ay xoogaga kasoo hor jeeda joogitaankooda ay waxyaalaha qarxa u dhigaan ama iska hor imaad dhaco . Maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale ay ku xasuuqaan dad rayid ah ciidamada ethiopia bishan bartamaheeda ayay ahayd markii ay ku dileen sadex wiil oo walaalo ah agagaarka ex-kuliyadii ciidamada ee jaalle siyaad ,kadib markii halkaasi ay gaari nooca Uralka ah miino kula qaraxday . http://www.somalitalk.com/2007/jun/30jun707.html Quote Share this post Link to post Share on other sites