General Duke Posted August 27, 2010 Garoowe:Madaxweyne Faroole oo si kedis ah u tagay Buurawadal…(Warbixin). 27. august 2010 APL Garoowe:(Allpuntland)-Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa galabta si kedis ah booqasho aanan horay looshaacin ku tagay Deegaanka Buura Wadal oo 30-km ujirta Caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed islamarkaasna katirsan Gobolka aysan dawlada Puntland maamulin ee Sool. Safarka Madaxweyne Faroole oo ay ku weheliyeen Tiro Wasiiro ah oo ay kamid yihiin Wasiiro Xigeenada Maaliyada & Dekedaha ee dawlada Puntland ayaa sidoo kale waxaa ku wehelisay Saraakiil kale oo ay kamidyihiin Lataliyeyaasha sarsare ee Madaxweynaha dawlada Puntland,Waxaana uu madaxweynuhu muddo kooban un dabadeed gaaray Deegaanka Buuro Wadal oo ay tahay markii ugu horeeyey oo uu booqdo kudhawaad labadii sano ee uu Xafiiska Madaxtinimo ee dalka joogay. Madaxweynaha ayaa la hadlay shacabka magaalada Buura Wadal,waxaana uu ka dhagaystay baahiyahooda dhanka Arimaha Bulshada,gaar ahaan Amaanka,Biyaha,Caafimaadka & Waxbarashada,waxaana uu madaxweynuhu sheegey in Dawladiisu aysan waxba ka hagran doonin shacabka Buurawadal & guud ahaan dadka reer Sool oo uu sheegey in Xukuumadiisu ay si gaar ah uga warhayn doonto xaaladahooda kaladuwan,Mase soo qaadin Madaxweynuhu in xukuumadiisu ay dib u soo celin doonto gobolada Puntland kamaqan. Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale booqday Xarumaha Biyaha,Caafimaadka,Waxbarashada & Talisyada ciidamada ee Buura Wadal,waxaana uu halkaas Warbixino ka dhagaystay saraakiisha kaladuwan ee halkaas kusugan,Waxaana uu intaas kadib kusoo noqday Magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland oo uu awalba isla galabta ka tagay,Waxaana ay Buura Wadal mudo dheer talis u ahayd Odayaal & siyaasin kaladuwan oo markii danbe sameeyey Jabhadda SSC. Madaxweynaha Dawlada Puntland & Saraakiisha safarka ku wehelisa ayaa waqti kooban kusugnaa deegaanka Buurawadal,waxaana aad loo adkeeyey amaanka deegaankaas,iyadoo si gaar ah loo adkeeyey Amaanka geed aad uweyn oo uu shir kula qaatay bulshada kudhaqan Buura-wadal,Waxaana aad loo hadal hayaa Safarka Madaxweynaha oo aanan la shaacin islamarkaasna aanan loo sheegin cidkasta oo aysan qusaynin. Warar hoose oo ay APL safarkaas ka helayso ayaa kusoo waramaya in kahor intii uusan Madaxweynuhu halkaas tagin ay Wasiirada kasoo jeeda SSC gobolada la’isku yiraahdo ay googol xaar ahaan maalmihii lasoo dhaafay si isdabajoog ah u booqanayeen Deegaanadaas,Waxaana safarkii ugu danbeeyey saacado kahor kasoo noqday Tiro Wasiiro ah oo gaartay deegaanka Tukaraq oo ah halka ugu fog oo ay ciidanka Puntland joogaan. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 27, 2010 M. dowladda Puntland oo booqasho ku tagey Burawadal 27 Aug 27, 2010 - 8:46:56 AM Madaxweynaha Puntland oo booqnaya ceel biyood Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamad Farole iyo wafti uu hogaaminayo ayaa galabta booqasho ku tagey degaanka Burawadal oo ka tirsan gobolka Sool. Madaxweynaha Puntland oo socdaalkiisa ahaa mid kormeer ah ilsmarkaana uu ku ogaanayey xaalada dadka degan Buwaradal ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyey Wasiir ku-xigeenka Maaliyada Cabdiqowdhan Warsame, Wasiir ku-xigeenka dekadaha Maxamad Xirsi Lacle, Xildhibaan Cali Jaamac Farax iyo sarkiil ka tirsan xafiiska madaxtooyada. Shacabka burwadal oo dhagyesnaya Madaxweynaha Safarka Madaxweynaha uu ku tagey degaankaas ayaa shacabka Burawadal aad u soo dhoweeyey madaama aan horey loo shaacin iyadoo kulan ka dhacey geed hostiis uu kula kulmey qaybha kala duwan ee bulshada kuwasoo ka warbixiyey xaaladooda nololeed si furan. Madaxweynaha ayaa ka dhageystey dadka degan Burwadal xaaladaha cafimaadka, Biyaha, waxbarashada iyo amaanka iyadoo halkaas warbixin uu ka bixiyey mid kamid ah macalimiinta wax dhigta, odey dhaqameedyada iyo gabar u hadleysay dumarka degaanka. Dadkii isugu soo baxey kulankaan Burawdal oo 30km u jirta magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa shacabka dagan sheegeen in booqashadaan tahay midii ugu horeysay ee Madaxweyne Puntland ah ku yimaado degaankaan. Madaxweynaha Puntland oo warbixin siiyey dhamaan shacabkii halkaas isugu soo baxey ayaa xusey in dowladiisu waxba ka hakraneyn dadka degaankaan daga iyo kuwa kaleba balse Puntland ay soo foodsaareen dhibaatooyin amni xumo kuwaasoo hakad galiyey in xukuumadu sidii la rabey wax uga qabato arrimaha bulshada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted August 27, 2010 The khusuusi wont like this maybe he will be chased away like that kheeraash guy Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 27, 2010 ^^^Will its a start, good on him. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 28, 2010 Deegaanka Buura Wadal oo 30-km ujirta Caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed islamarkaasna katirsan Gobolka aysan dawlada Puntland maamulin ee Sool. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted August 28, 2010 I like Faroole he is an allright guy. He doesn't talk bravado and throw on military camo like the man who proceeded him. He can visit parts of Sool anytime. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 28, 2010 SOOL is not an imediate problem for the state, and thus Faroole's move is most welcome. The secesionist under Siilanyu the butcher of SOOl can never offer the people anything other than paying of the likes of Xandade. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 28, 2010 Madaxweynaha Puntlland Dr.C/raxmaan Faroole oo safar ku tegay degaanka Buurawadal Posted to the Web Aug 27, 19:02 Garoowe:-Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole iyo wafti Wasiiro ah oo uu horkacayo ayaa waxaa ay galabta safar aan horay loo shaacin ku tageen degaanka Buurawadal oo ka tirsan Gobolka Sool. Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxaan Faroole ayaaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey Xildhibaan Cali Jaamac Farax,Wasiir ku-xigeenka dekadaha Maxamed Xirsi Lacle,Wasiir ku-xigeenka Maaliyada Cabdiqowdhan Warsame iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta. Madaxweynaha dowlada Puntlland Dr Cabdiraxaan Maxamad Faroole iyo wafdigii ku weheliyey safarkiisa ayaa waxaa ay kulamo la qaateen qaybaha kale duwan ee bulshad degaanka Buurawadal waxaan ay warbixin kooban ay ka dhagays teen odayaasha degaanka Buurawedal,odayaasha Buurawadal ayaa waxaa ay wafdiga madaxweynaha uga warameen xaalada dhabta ah ee ka jirta degaanka Buurawadal gaar ahaan caafimaad , amaanka iyo wax barashada. Mid ka mid ah macalimiinta Buurawadal ayaa waxaa uu warbixin kooban ka bixi yey waxbarshada , degaanka Buurawadal ayaa waxaa ay u jirtaa magalada Garoowe ee caasimada Puntlland ilaa 30 KM waxaan bilihii la soo dhaafay shirar iyo saldhig ka samaystay Ururka SSC. Ugu danbayntii Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo khudbad u jeediyey dadweynaha Buurawadal ayaa xusay in dowladiisu ay wax ka qaban doonto dhinac waxbarashada ,caafimaad iyo weliba amaanka dowladiisuna aysan waxba ka hagraddoonin bulshada ku nool degaanka Buurawada. M_M_Deeq Halgan.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted August 28, 2010 People of Sool are concious of recent development inGalgala. Pirateland's harsh treatment of locals in W. Bari and E. Sanag serves clear warning shots that no one despite having blood relations is safe from the warmongers in Buntland. Somaliland on the other hand offers equal representation and equality. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 28, 2010 ^^^ Of course Adeer, Puntland is facing Al Shabaab which is a large regional terror franchise in Galgala. Puntland was and still is a vluntery unionist project. The secessionist led by Siilanyu offers he people of SOOL clan humilaition and sepeatio. From Somalia which is anathema to them. However a little secesionist will tell us something else. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 29, 2010 Nagii burco ku taamayay ma Buurowadal bay ku faraxsan yihiin ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted August 29, 2010 the inside news is that there was call to the interior minister of somaliland Dr Gabose to inform him of this visit by faroole. since somaliland is in very good terms with the said faroole waa iska caadi haduu tago buurawadal. he was even in hargeisa not too long ago for his sons wedding. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 29, 2010 ^^^ Nothing wrong with all that you said, the problem for you is Faroole did not go there for a vacation but to visit his constituancy in SOOL , and the fact that you can do nithingto stop it is amazing. Quote Share this post Link to post Share on other sites