Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Caruurta siiya lacagtooda

Recommended Posts

Muqdisho(HWN)Carruurtii loo geliyey dharka Ubaxa kacaanka ee maamulka Embagathi ee shirkii dib u heshiisiinta inya ka heesaan loo geeyay ayaa waxay maanta bannaanbax cabasho ah ka hor dhigeen xaruntii lagu qabtay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida.

 

Carruurtaas oo da’da ugu weyni uu 12 sano jir ah ayaa iyagoo ku lebisan dharkii ubaxa Kacaanka waxay ka cabanayaan xaqoodii oo guddigii qabanqaabada shirka uu duudsiiyey.

 

Caruurtaan ayaa waxay ku dhawaaqayeen in la siiyo xaqooda, isla markaana guddiga uu ka Alle ka baqo kana xishoodo inay iyagoo carruur ah ay xaqooda dhacaan.

 

“Waxaanu ka shaqeynaynay sidii aan u maaweelin lahayn ergooyinka shirka muddo 3-bilood ah, waxaana wax lala yaabo ah in markii uu shirku dhammaaday nagala dhuunto oo nala duudsiiyo xaqeenna oo uu guddiga shirku noo sheegay inaan helayno marka uu shirku dhammaado” ayuu yiri mid ka mid ah carruurtaas oo magaciisa ku sheegay Ibraahim Cali Ibraahim oo 12-sano jir ah.

 

Carruurtaas ayaa sheegay inay aad uga welwelsan yihiin sida loola dhaqmay, iyagoo sheegay inay ka codsanayaan guddigii qabanqaabinayay shirkaas inay il naxariis leh ku eegaan ubadka ubaxa Kacaanka.

 

Ma aha markii ugu horreysay oo ka qeyb galayaasha shirkii dib u heshiinta noocyadooda kala duwan cabashooyin ah in xaqooda la duudsiiyey ay dhigaan, iyadoo Guddiguna mar walba sheego in xaqooda la siinayo, balse ay u muuqato wax uun afka ku kooban.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Caruurtu waxa ay u hibeeyeen waqtigeeda iyo maalkooda umada soomaaliyeed, si ay u heshiiso,lol, they are the future leaders, so xooga lacagta ah ee laga cunay waxba yeeli mayso. :D

 

waxaa dhib ah uun waxa ay u 3 bilood la haraadeen in ay noqoto hal bacaad lagu lisay! :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alla niyow xaasidsanidaa horta :D

 

wuxu waa caruure kuus yar oon macno lahayn baa dhinac u ridi lahaa oo xataa hadii baaskeelad loo iibiyo way ku istareexi lahaayeen ,,,, waa inkaar miidhane miyaa faraha la iskula galaa yaryarka :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

lool,waa run xooga baa dhan u tuuri, kaaley horta ma waaxad ka tirsanaan jirtay Ubaxii gacaanka ee waagi siyaad BARRE, maxaa caruur bacad la tubay,inta iskoolaa laga waday oo baanaan la tubay? Aboow Siyaad! :D waad xusuusata soo maaha! kuwaaba ciddi wax ma siin jirin,lol laakin hada waxa dhibka keenay saboolka haya Soomaalida.

Share this post


Link to post
Share on other sites

haa ,, a lot of my friends used to be in the ubaxa kacaanka ,,, iyaga laakiin dee meeel baa lagu haystay oo lagu xanaanayn jiray laguna korin jiray ,,, sida kuwan lama soo kiraysan :D

 

 

guul wadow siyaaad

aabihii garashada ,, ka soco ... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this