Liqaye Posted December 4, 2003 Tiyaatarka Muqdisho ayaa waxaa xalay lagu daawaday fannaannin Soomaali ah oo bandhig faneed halkaa ku qabtay. Heeso iyo cayaar dhaqameed iyo majaajillo ayay waxaa halkaa ku soo bandhigay fannaaniin waaweyn oo ka tirsanaan jiray hoballadii Qaranka ee Waaberi. Waa markii ugu horreysay ee la barnaamij faneed lagu qabto Tiyaatarka Muqdisho, oo la bililiqeytsay, dhaawacyo badan oo waaweyna loo geystay dhismihiisa intii ay socdeen dagaalladii lagu hardamayay. Siciid-Harawo oo ka mid ah fannaaniinta soo bandhigtay barnaamijkan ayaa sheegay in ay fannaaniintu ku faraxsan tahay in ay u suurta gashay in ay ka tumaan tiyaatarka Muqdisho, inkatsa oo aan kuraasi ool gudihiisa. Fannaaniin kale ayaa iyaguna waxay xalay bandhig faneed ku qabteen magaalada Jowhar. Maxamed Goox Qarboosh iyo Barrow ayaa ka mid ahaa. Dad deggan magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay in haddii fanku soo noolaado uu qeyb ka qaadan karo nabadeynta degaanka. Tiyaatarka Muqdisho waxaa la dhisay intii uu maamulka dalka hayay Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna ahaa dhisme ay hantidiisa iyo farsamadiisaba ay lahayd dowladda Shiinuhu. Sidii uu u burburayna ma helin cid dayac tirta. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskin Posted December 4, 2003 The place looks run down and delapidated, i wouldn't go there for a day's out, would you? Quote Share this post Link to post Share on other sites