General Duke Posted May 30, 2006 Waxgaradka iyo Aqoonyahanada ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool ayaa si Buuxda ugu Guulaystay in ay Soo Gudbiyaan, ama Magacaabaan Xubnaha Golaha Degaanka ee Gobolka Baydhabo oo iyagu ka koobnaan doona 27 xubnood, Waana kuwan Magacyadii'' Posted to the Web May 30, 04:58 Magacyada Xubnaha Golaha Deegaanka ee magaalada Baydhabo intooda badan waa kuwaan. 1. Mayow Ibraahim Xuseen. 2. C/raxmaan Axmed Sheekh. 3. Sheekh ***** Axmed Aadan. 4. Shiini Macalin Nuur. 5. Axmed Maadey ***** . 6. C/raxmaan Kuule Xasan. 7. Daahir Caliyow Axmed. 8.C/nuur Boodi Dheere. 9. C/llaahi Aadan Cali. 10. Cali Nuur Jiley. 11. Aadan Diinow ***** . 12. Maxamed Cabdi Cali. 13. Yacquub Cali Maxamed. 14. C/raxmaan Sheekh Ibraahim. 15. Maxamed Macalin Ibraahim. 16.C/llaahi ***** Suubow. 17.Maxamed C/llaaho ***** . 18. Xasan Macalin Axmed. 19.Cali Ibraahim Jasiir. 20. Ibraahim Xuseen Xasan. 21. Maxamed Aadan Qalinle.( Guddoomiyaha Gobolka Baay) 22.Xaaji Maxamuud Maxamed. 23.Cali Macalin Cabdi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 30, 2006 Xubnaha golaha degaanka gobolka Baay oo maanta la dhaarin doono Wasiirka wasaaradda dib u heshiisiinta Soomaaliya Sheekh Aadan Mader ayaa gacanta loo geliyay liiska magacyada xubnaha degaanka gobolka Baay kadib muran badan oo beelaha Mirifle dhex maray iyadoo doodii beesha 8 ee maamulka degaanka Baay ay hirgashay. Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayan in Beesha 8 la siiyay 15 xubnood, beesha 9 la siiyay 11 xubnood halka beesha Digil laga siiyay golaha degaanka gobolka Baay 1 xubin. Dadaal fara badan oo loo galay dhismaha Maamulka ayaa ugu dambeyntii sidaas la isku afgartay ayay yiraahdeen qaar ka mid ah Xildhibaannada gobolka Baay oo aan saaka qadka telefoonka kula xiriiray iyagoo jooga magaalada Baydhabo. Tirada oo markii hore ay ahayd 21 ayaa lagu daray 6 xubnood sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Doodii beesha 8 oo ahayd inay leedahay Gobolka Baay ayaa dhab noqotay oo beesha 9 waxaa laga dhigay marti waxaana la dheeraaday 4 xubnood sida ay sheegayaan wararka laga helayo liiska wasaaradda dib u heshiisiinta oo howshaan horseed u ah. Sida uu yahay qorshuhu maanta ayaa la dhaarin doono xubnaha degaanka kadibna waxay dooran doonaan Guddoomiye sida uu qabo sharciga. Quote Share this post Link to post Share on other sites