Sign in to follow this  
General Duke

PM Omar AbdiRashid first remarks ...

Recommended Posts

Raisalwasaare Cumar Cabdirashiid oo wareysigiisii ugu horeeyey siiyey SBC

 

Raisalwasaaraha cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha dawlada KMG ah ee Soomaaliya Cumar Cabdi-rashiid Cali Sharmarke ayaa markii galabta lagu dhawaaqay jagada Raisalwasaaraha in uu qaban doono wuxuu wareysigii ugu horeeyey uu siiyey warbaahinta caalamiga ah ee SBC oo ka mid ah hayadaha warbaahineed ee ugu balaaran deegaanada Soomaalida.

 

Raislawasaaraha oo Tifaftiraha guud ee SBC Mowliid Xaaji Cabdi ugu waramayey xarunta Madaxtooyada Jabuuti oo ay aheyd halka uu degan yahay Madaxweyne Shariif isla markaana aheyd goobtii maanta ay ka dhacdey munaasabadii lagu caleemo saaray ayaa wuxuu si weyn uga hadley waxyaabaha u qorsheyn mar hadii loo magacaabay jagada Raislawsaaraha.

 

Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad tayo wanaagsan oo wax ka qabata daruufaha kala duwan ee xiligan ka taagan gudaha Soomaaliya, isagoo farta ku fiiqay in ay dalka gudihiisa dib ugu noqon doonaan.

 

"Insha ALLAAH dalka ayaan dib ugu laaban doonaana, waxaana ka shaqeyn doonaa inaan sii wadi wadno oo aan sii dhamaystirno dib u heshiisiinta, waxaana u fidin doonaa gobol dhamaan kooxaha ka maqan dib u heshisiinta" ayuu yiri Raisalwasaare Cumar.

 

"Waxaan sidoo kale ka shaqeyn doonaa in ay dib u soo laabtaan oo aan gacan siino dadkii ka barakacay guryahoodii ayna dib ugu soo laaban lahaayeen, waxaana ay inoo leedahay arintaasi muhiim gaar ah" ayuu hadalkiisa ku darey Raisalwasaaraha cusub ee uu magacaabay Madaxweyne Shariif.

 

Raisalwasaare Cumar Cabdi-rashiid wuxuu farta ku fiiqay in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh si deg deg ah, uuna ku soo dhisi doono la tashiyo uu la sameyn doono qaybaha bulshada, wuxuuna muujiyey in uu aad ula shaqeyn doono Madaxweyne Shariif, uuna rajeynayo in isagana ay sidaasi si la mid ah ula shaqeeyaan madaxda sar sare iyo xildhibaanada Baarlamanka.

 

Sawirada magacaabida Raislawasaaraha cusub kala soco goor dhaw SBC Online insha ALLAAH.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr.Cumar Cabdirashiid iyo Aqbalaadiisa

 

Ra’iisul Wasaaraha cusub Dr.Cumar Cabdirashiid oo asaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ka aqbalay Madaxweynaha magacaabidiisa asagoo sheegay inuu og yahay xilka loo dhiibay culeyskiisa.

 

“…waxaan wixii awoodeyda ah ka shaqeyn doonaa Dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo Sidii loo heli lahaa Soomaali Mideysan…” ayuu yiri Dr.Cumar Cabdirashiid oo halkaasi ka hadlay.

 

“…Ummada Soomaaliyeed way ka daaleen dowlad intaas is heysata dhexdeeda, waxaana balan qaadayaa inay dowladan ahaan doonto Mid la shaqeysa Ummadeeda iyo Baarlamaanka….” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this