Sign in to follow this  
General Duke

Fear of courts deepens. War many fronts..

Recommended Posts

Sh. Shariif oo maanta sheegay in ay heleen xog qeexaysa in diyaaradaha Itoobiya ay dhawaan weeraro ku gaadi doonaan meelo ka mid Soomaaliya

 

 

Muqdisho, September 11, 2006 (WDN) - Gudoomiyaha guddiga fulinta ee maxkamadaha islaamiga ah Sh. Shariif Sheekh Axmed oo maanta hadal ka jeediyey munaasabad golaha maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed ay kula wareegayeen deeq lacageed oo gaareysa 7 kun oo doolar oo ka timid jaaliyadda Soomaalida ee Sweden ayaa sheegay in heleen xog caddaynaysa in dawladda Itoobiya ay dhawaan dooneyso in dayaarado ay ku weerarto deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya. Deegaanadaas oo uu sheegay in ay yihiin kuwa ay maxkamaduhu ay maamulaan.

 

Sh. Shariif waxa intaas ku daray in xogtaas ay sheegayso in Itoobiya ay qorshaynayso in 15-20 ka bishan aynu ku jirno in dayaarado dagaal iyo ciidamo gaaraya 15 kun oo askari in ay ku soo weeerarto deegaano ay ka mid yihiin Beled weyne, Baraawe, Jilib, Kunturwaaray, Kismaayo ,daafaha Baydhabo iyo meelo kale. Waxa Sheekhu sheegay in Itoobiya ay caddeysatay cadaawadda ay u hayso shacabka Soomaaliyeed.

 

Gudoomiyaha golaha fulintu waxa uu mar kale ku celiyey in maxkamaduhu aysan gacmaha ka laaban doonin fara gelinta qaawan ee xukuumadda Itoobiya ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Waxa Sh. Shariif uu shacabka Soomaaliyeed mar kale ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan sidii ay ugu jilib dhigi lahaayeen cadowgaasi soo socda.

 

Maxkamadaha islaamiga ayaa haatan waxa ay wadaan abaabul dagaal oo ka dhan dawlada Itoobiya tan iyo markii hoggaanka maxkamaduhu uu ku baaqay jihaad ka dhan ah dawlada Itoobiya. Hadalkan ayaa dad badani u fasirteen in uu yahay mid qayb ka ah ololaha shacabka lagu kicinayo.

 

 

Maxamed Cumar Aadan

WardheerNews, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Onkod News, Muqdisho, 10/10/2006 Shirqoolkan Culus oo ay wada dajiyeen Dowlada KMG Ee

 

Soomaliya hogamiyaashii Xooga looga saaray dalka Soomaliya Iyo Dowlada Ethoobiay ayaa waxa ay wadaan Qorshe Cusub oo ay hal mar ay weerar uuga soo qadayaan Magaalooyinka Muqdisho , Kismaayo Jowhar iyo Baladwayne iyadoo isla maanta ay is diiwaan galin ka bilaabmatay magaalada muqdisho si ay Shacabka soomaliyeed uuga qayb qaataan jihaadka (Warar sir ah oo anu ka helnay Ciidamada soo duulaya)

 

Warar aanu ka helnay Goobo kala gadisan ayaa xaqiijinaya in dowladda Ethiopia iyo dowladda KMG oo ay wehliyaan Qaar katirsan Isbaheysigii la dagaalanka in ay iska kaashanayaan qorshe ballaaran oo la doonayo in dalkan lagu qabsado,waxaana la diyaariyay qorshe ballaaran oo lagu weerarayo magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla dalka Soomaaliya sida Magaalaad Muqdisho oo marka hore la damacsan yahay in la qabsado Garoonka Macmalka ah ee Balidoogle ka dibna sidaasi lagu qabsado Caasimada soomaliya

 

Dhinaca kale waxaa jira weeraro far badan iyo mid cirka ah oo ay wadaan dowlado iyo Hogaamiyaal hada ka hor go,aansaday in ay ka baxaan Siyaasada balse lagu dhiiri galiyay in ay ku laaban doonaan fariisimahoodi ay hada ka hor joogeen halka magaalooyinaka Kismaayo ,Jowhar iyo Markana ay Ciidamo kale ku soo jeedaan

 

Khariidad ay soo dajiyeen dowlada ethoobiya iyo qaar ka mid ah Saraakiisheeda ayaa waxa ay isla garteen in saf balaaran lagu weerar magaalooyinka ay uugu badan yihiin Maxaakiinta islaamka sida Magaalada Muqdisho iyo Kismaayo waxaa jira oo kale Hogaamiyaal sida Bare hiiraale iyo maxamed Dheere o ku soo ruqaansanayo Magaalooyinka Kismaayo Iyo Jowhar waxaa sidaasi Shabakada wararka ee Onkod u xaqiijiyay Wariye ku sugan Goobta ay joogaan ciidamada maxamed Dheere

 

Ciidamadan loogu tala galay in ay weeraraan Soomaliya ayaa gaaray ilaa iyo 20,000 oo u badan Ciidamada Ethoobiyaanka ah iyo Xoogag is bahaysatay oo u badan taageerayaasha Bare Hiiraale ,cabdi qaybdiid Maxamed Dheere Cabdi Waal , maleeshiyooyin Maxamed qanyare iyo kuwa kale oo fara badan waxaa kaloo dagaalaka ka qayb qaadanayo ciidamo taabacsan ciidamada Puntlanad kuwa Cabdullahi Yusuf

 

Hadaba waxaa ay Maxaakiinta islaamka iyo qof walba oo jecel islaamka lagu boorinayaa in uu ka qayb qaato dagaalka ay soo wadaan Cadawaga somaliyeed iyo taageerayaashooda sidaasi waxaa qabo dad bana oo ay ka mid yihiin aqoon yahanada soomaliyeed iyo maxaakiinta islaamka iyo dhamaan Jaaliyadaha Soomaliyeed ee ku nool wadamada Reer Galbeedka iyo dadka ku nool Soomaliyaba

 

Wakaaladaha wararka ee caalamka ayaa waxa ay maantay qoreen in Dalka soomaliya ay ku soo wajahan yihiin Cudud ciidan oo loogu tala galay in lagu wiiqo awooda ay la soo baxeen ciidamada maxaakiinta Islaamka ee soomaliyeed oo hada inta badan dalka soomaliya gacanta ku haya

 

Dhinaca kale waxaa ay qoraalo iyo is diiwaan galin ay maanta ka bilaab mayn masaajidyada uugu waawayn magaalada Muqdisho is diiwaan galin loogu tala galay in lagu jihaado cadawga Soomaliyeed waxaana s i xowli ah ku socada is qorida

 

Onkod News .

onkod@london.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this