Sign in to follow this  
General Duke

Government spokesmen: Cabdiraxmaan Diinaari talks to Daljiir + other news

Recommended Posts

Nairobi:Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya oo ku sheegay inuu ku aqbalay baaqii Madaxweynaha

- Wednesday, April 20, 2005 at 15:52

 

Nairobi(Allpuntland)-Waxaa galabta warsaxaafadeed ka soo saaray magaalada Nairobi Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan waxana uu kaga jawaabayey baaqii shalay uu u diray Madaxweynuhu isaga iyo Ra'iisal Wasaaraha oo isagu hore u cadeeyey inuu aqbalay,haddaba warsaxaafadeedkaan oo uu ku sheegay inuu Guddoomiyuhu aqbalay baaqaas ayaa waxay u qornayd sidaan:

 

WARSAXAAFADEED

 

Nairobi

 

20 April , 2005

 

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Mudane .Shariif Xasan Shiikh Aadan waxa uu si diirran u soo dhoweynayaa baaqii taariikhdiisu ahayd 18 April , 2005 ee uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane .Cabdullaahi Yuusuf Axmed taas oo furaysa albaabkii wada hadalka.

 

Maadaama albaabkii furmay waxaa muuqata in loo wada hadlo si rasmi ah iyo si aan rasmi ahayn ,wadahadalkaas oo mar walba la waafajinayo Axdiga KMG ah ,si loo helo tubta toosan.

 

Albaabkaa furmay waa inuu keenaa dib u heshiisiin,midnimo iyo wadashaqayn labada gole ka dhex dhalata oo ka tarjumaysa sida Axdigu sheegayo.

 

Taa haddii la helo waxa fududaanaya arrimaha ina horyaala oo ay ugu horrayso midnimada iyo wadashaqaynta golayaasha Dowladda ,si loo hirgeliyo waxa ay naga sugayso ummadda Soomaaliyeed iyo caalamka oo dhan gaar ahaan dowladihii iyo ururadii caalamiga ahaa oo ku bixiyey maalkooda iyo moodkooda shirka badbaadinta Soomaaliyeed ee socdey labada sano iyo barka oo ay ka dhalatay dowladnimadii Soomaaliyeed.

 

Waxaan si xushmad iyo qadarrin leh aan ugu mahad naqayaa beesha caalamka oo gacan weyn ka geysatey maal badana ku bixisay arrimaha nabadaynta Soomaaliyeed ,ilaa maantana u ah heeggan nabadaynta iyo xallinta khilaafaadyada yaryar ee ka soo ifbaxa maamulka dowladda dhexdiisa.

 

DHAMAAD

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this