Sign in to follow this  
General Duke

No recent clahses since yesterday...war hype..

Recommended Posts

Cududaar dagaalkii la sheegay inuu ka qarxay deegaanka gobolka Baay

 

 

Baydhabo:-waxaanu Cududaar ka bixinaynaa dagaal saaka la sheegay inuu ka qarxay deegaanka ku xeeraan gobolka Baay oo aanu soo qoray, guud ahaan dagaalkan ayaa hadda na loo xajiiyey inaysan waxba ka jirin oo uusan wax dagaal ahi dhicin.

 

 

 

Mar aanu khadka telefoonka kula xiriiray weriye ku sugan magaalada Baydhabo oo lagu magacabo Jamaal Aadam ayuu noo xajiiyey inaan dagaalkaasi maanta dhicin laakiin guud ahaan magaalada Baydhabo laysla dhex maryo in dagaalo dheceen.

 

 

 

Weriyaha ayaa noo sheegay inuu la xiriiray jiida hore ee ay isku hor fadhiyaa laba dhinaca ee iska soo horjeeda waxaanu sheegay in loo xaqiijiyey inaan wax dagaal ahi dhicin haba yaraatee.

 

 

 

Inta badan wakaalladaha wararku way sheegeen in dagaal xoogani maanta qarxay hase yeeshee guud ahaan arintaasi ayaa hadda wax ka soo noqdeen oo la sheegayaan inaan waxba ka jirin.

 

 

 

Warkaan oo aanu ka helay markii hore magaalada Baydhabo, ayaanu ka soo xiganay wasiir ku xigeekan gaashaandhiga FS oo saaka mar uu shir qabtay sheegay sheegay in guud ahaan magaalada Diinsoor ay dagaal ku qabsadeen 11 subaxnimo xilliga Africa, taasi oo aan waxba ka jirin oo hadda gacanta ugu jirta MMI.

 

 

 

Mar labaad waxaanu ka cududaaraynaa oo aanu raali gelin ka bixinaynaa in aan arintaasi jirin.

 

 

 

Wixii ka soo kordha kala soco xarunta wararka waayaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this