General Duke Posted December 9, 2006 Cududaar dagaalkii la sheegay inuu ka qarxay deegaanka gobolka Baay Baydhabo:-waxaanu Cududaar ka bixinaynaa dagaal saaka la sheegay inuu ka qarxay deegaanka ku xeeraan gobolka Baay oo aanu soo qoray, guud ahaan dagaalkan ayaa hadda na loo xajiiyey inaysan waxba ka jirin oo uusan wax dagaal ahi dhicin. Mar aanu khadka telefoonka kula xiriiray weriye ku sugan magaalada Baydhabo oo lagu magacabo Jamaal Aadam ayuu noo xajiiyey inaan dagaalkaasi maanta dhicin laakiin guud ahaan magaalada Baydhabo laysla dhex maryo in dagaalo dheceen. Weriyaha ayaa noo sheegay inuu la xiriiray jiida hore ee ay isku hor fadhiyaa laba dhinaca ee iska soo horjeeda waxaanu sheegay in loo xaqiijiyey inaan wax dagaal ahi dhicin haba yaraatee. Inta badan wakaalladaha wararku way sheegeen in dagaal xoogani maanta qarxay hase yeeshee guud ahaan arintaasi ayaa hadda wax ka soo noqdeen oo la sheegayaan inaan waxba ka jirin. Warkaan oo aanu ka helay markii hore magaalada Baydhabo, ayaanu ka soo xiganay wasiir ku xigeekan gaashaandhiga FS oo saaka mar uu shir qabtay sheegay sheegay in guud ahaan magaalada Diinsoor ay dagaal ku qabsadeen 11 subaxnimo xilliga Africa, taasi oo aan waxba ka jirin oo hadda gacanta ugu jirta MMI. Mar labaad waxaanu ka cududaaraynaa oo aanu raali gelin ka bixinaynaa in aan arintaasi jirin. Wixii ka soo kordha kala soco xarunta wararka waayaha Quote Share this post Link to post Share on other sites