Jacaylbaro Posted October 2, 2007 Burco (Qaran). Waxaa Caawa fiidkii magaalada Burco la keenay 17 ka mid ah, 24 Maxbuus oo ciidamada Puntland maanta lagaga qabtay dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood, ay ku jiraan laba dhaawac ah. Waxaa magacyadooda laga soo xigtay abaanduulaha ciidanka qaranka . Waa kuwan magacyada Maxaabiistu oo uu ka midyahay taliyihii ciidnaka Puntland ee aaga Abeesalay oo in mudo ahba horfadhiyay ciidamada qaranka ee Somaliland. 1 G/sare: Siciid Faarax Xirsi ( Siciid Doob) Taliyihii ciidanka Abeesalay ee Puntland. 2 Cali jaamac Xaashi 3 Axmed Maxamed Ciise 4 C/raxmaan Cali X.Faarax 5 Farxaan Barkhadle x.Axmed 6 Maxamed Abshir Cabdi 7 Jaamac Maxamed Calas 8 Axmed Muxumud Cali 9 C/xakiin Axmed Jaamac 10.Mukhtaar Maxamed Yuusuf 11. Maxamed Jaamac Cabdi 12. Cabdi Xirsi Faarax 13.Aadan maxamed Yuusuf 14. Axmed Maxamed Yuusuf 15. ma cada magaciisa Iyo Laba SARKAAL oo dhaawaca ah oo lagu dawaynayo cisbitaalka Burco oo aanay magacoodu cadayn, maxaabiistan kale ayaa ah qaar wada bad qaba, waxana loo sii gudbinayaa xabsiga madheera. Ciidamada qaranka ayaa caawa qaarkood ay ku suganyihiin gudaha magaalada iyaga oo ugu baaqaaya ciidamda dhex galay shicibka in ay soo dhiibaan hubka fudud ee ay la galeen magaalada dhexdeeda iyo baabuurta ciidan ee ay la soo baxsadeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 2, 2007 Burco (Somaliland.org) – Saraakiisha ciidamada Somaliland eek u sugan jiidda hore ee ciidamada Somaliland ee duleedka Laascaanood ayaa sheegay inay guulo waaweyn ka soo hooyeen dagaalkii maanta jiiddaas ku dhexmaray ciidanka Somaliland iyo kuwa maamulgoboleedka Puntland. Waxaana magaalada Burco caawa la soo gaadhsiiyey 17 maxaabiisa oo ka mid ahaa ciidamada Puntland oo lagu qabtay dagaalkii maanta. Maxaabiistaas oo ay ku jiraan saraakiil sare ayaa qaarkood dhaawac lagu qabtay, kuwaas oo laba kamida xiligan lagu dawaynayo cusbitaalka guud ee magaalada Burco. Waxaanay kal yihiin magacyada maxaabiistaasi sidan:- 1. G/sare: Siciid Faarax Xirsi ( siciid Doob) 2. Cali jaamac Xaashi 3. Axmed Maxamed Ciise 4. C/raxmaan Cali X.Faarax 5. Farxaan Barkhadle x.Axmed 6. Maxamed Abshir Cabdi 7. Jaamac Maxamed Calas 8. Axmed Muxumud Cali 9. C/xakiin Axmed Jaamac 10.Mukhtaar Maxamed Yuusuf 11. Maxamed Jaamac Cabdi 12. Cabdi Xirsi Faarax 13.Aadan Maxamed Yuusuf 14. Axmed Maxamed Yuusuf 15. ma cada magaciisa Laba dhaawaca oo lagu dawaynayo cisbitaalka ayaan iyaga magacoodu cadayn. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted October 2, 2007 Can't help noticing an element of schadenfreude and glee in your postings, saaxib. If that's not really your intention then maybe it's best if you summarise the news instead of assaulting us with these half-witted reports (note the half-witted refers to the reports and not YOU). Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 2, 2007 loooooooooool ,,,, i'm posting only what i have ,, feel free to add what you have. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jamster Posted October 2, 2007 War deg deg ah: Ciidamo ka soo goostey Somaliland oo soo gaarey Puntland. Oct 02, 2007 By: Laascaanood(Jidbaale.com)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ay magaalada soo galeen ciidamado ka soo goostey Maamulka Somaliland isla markaana ciidamadaasi ay ku soo biireen ciidamada Puntland. Ciidamadan soo goostay ayaa wararku sheegayaan in ay ciidamadaasi yihiin kuwa fara badan oo ku hubeysan Gawaarida dagaalka oo gaaraya 3 gaari ,ayadoo wararku sheegayaan in ciidamadaasi loo soo gudbiyey magaalada Garoowe. Mid ka mid ah saraakiisha Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka soo jeedaan beelaha deegaanka oo ka soo horjeeda ujeedada dagaalka ,ciidamada Puntland iyo dadweynaha dowlad gobaleedka Puntland ayaa siweyn usoo dhaweeyey Imaatinka ciidamadaasi. Sababaha ay ciidamadan usoo goosteen waxa ay ku sheegeen markii ay arkeen duulaanka lugu soo yahay dhulkoodii waa sida ay hadal udhigeene iyo waliba dadka dagaalka wadaa in ay ku jiraan kooxihii dowlada Soomaaliya ka saartay Koonfurta Iyo Bartamaha Soomaaliya oo ah Koox-da All-Shabaab Waqooyi Galbeed oo ayaga dano gaar ah leh. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo AllPuntland kula soo xiriiray Telfoonka loo yaqaano Thruya ayaa xaqiijiyey in ciidankaasi xalay soo galeen Magaalada. Saraakiisha Puntland waxa ay sheegayaan in dagaalo kale la filayo in ay dhacaan hadii aysan si nabadgalyo ah kaga bixin dhamaana deeganada Puntland ee ay soo galeen ,dibna ugu laaban sohdintoodii. xigasho Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites