Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2010 Ku xigeenkii Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Boosaaso Oo La Dilay- Lasanod Online. Saturday, June 12, 2010 Qof la dilay- Sawir kayd ah. Boosaaso,(Lasanod Online)- Kooxo Bastoolado ku hubaysan ayaa duhurnimadii maanta toogasho ku dishay ku xigeenkii Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Boosaaso. Kooxdan oo aan la garan ayaa duhurnimadii maanta Gudaha Suuqa Sarifka Boosaaso ku dishay ku xigeenkii Xeer Ilaaliyaha oo ay la beegsadeen Bistoolad. Allaha u Naxariistee Col. Cali Jaamac Qalas ayaa waxaa toogtay Saddex dhalinyara ah xilli uu ku sugnaa Suuqa Sarifka bartamaha Magaalada Boosaaso, kooxda falka geysatay ayaa baxsaday oo ku dhuuntay shacabka dhexdiisa. Raga dilay Masuulkan ayaa la sheegayaa in ay la begsadeen rasaas faro badan Marxuumka, ka dibna ay ka carareen goobta ay dilka ku geuysteen oo ahayd meel suuq ah. Col. Cali Jaamac Qalas ayaa maydkiisa waxaa goobtaka qaaday Ciidanka Booliiska oo markiiba yimid goobta dilka uu ka dhacay. Wax war ah kama soo saarin maamulka Puntland iyo Saraakiisha gobolku dilkan masuulkan, waxaana gudaha Boosaaso ay Booliiska ka samaynayeen howlgal ay ku baadi goobayaan Kooxdii dilka geysatay. Wariye: Fadumo M. Hassan Admin@lasanod.com Xafiiska Wararka Lasanod Online. Garoowe, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2010 Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Bosaso oo la diley 12 Jun 12, 2010 - 4:41:37 AM Waxaa maanta 12.06.2010 duhurnimadii bartamaha magaalada Bosaso lagu toogtey Xeer Ilaaliye ku-xigeenkii Maxkamada darajada koowaad ee Bosaso islamarkaana ahaa guddoomiyaha Maxakamada Cali Jaamac Qalas. Xeer Ilaliyahan la diley ayaa labadan xil u ahaa ku-sime kadib markii Madaxweynaha Puntland horey xubno looga badaley garsoorka Puntland. Dhinaca kale Cali Jaamac Qalas ayaa ka tirsnaa ciidamada dambi baarista Puntland CID balse xilalkaan u sii qabtey KMG ahaan. Alaha u Naxariiste wararka ayaa intaas ku daraya in Xeer ilaliyaha waqtiga la diley uu kasoo baxey maxakamada kadib-na 3 nin oo dabley ah la beegsadeen rasaas iyadoo ay weheliyeen markaas ilaaladiisa gaarka ah kuwaasoo ku dhaacmay rasaastaan. Goobta dilka ka dhacey ayaa u dhoweyd suuqa sarifka lacagaha ee Bosaso kasoo tacshiiradii halkas ka dhacdey ay sidoo kale wararku shegayan ay ku dhaawacmeen labo nin oo ganacsato ah. Lama oga kooxaha dilka gaystey balse waxaa jirey dilal horey uga dhacey Puntland gaar ahaan magalada Bosaso kuwaasoo lala beegsadey saraakiil ka tirsan dowladda. Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in dilkaan yimid xilli ciidamada amniga Puntland xirxireen dad lagu tuhun sanyahay iney ka dambeyan dilalkaan kuwaasoo lalo beegsado dadka wax ku oolka ah ee gobolka. Dilalkaan gaadmada ah oo ka dhici jirey magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa wayadaan dambe hoos u dhacey madaama ciidamada amniga howlgalo balaaran ku qaadeen dadka gaysta falal dambiyeed-yadaan. GAROWE ONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2010 Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Oo Ka hadlay Dilkii loo gaystay Cali Jaamac Qalas. June 12, 2010 Max’ed Xasan Aw-Cismaan oo ah Xeer Ilaaliya guud ee Puntland ayaa ka hadlay dilkii maanta loo gaystay Col.Cali Jaamac Qalas oo ah ku xigeenkii xeer ilaaliyaha Maxakamada darajada 1-aad ee Magaalada Boosaaso isaga oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland. Waxaa uu sheegay in wax aad looga naxo ay tahay dilka foosha xumaa ee loo gaystay Col.Cali Jaamac Qalas kaasi oo ay maanta kooxa hubaysan ay ku dileen meel wax yar u jirata suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso. Waxaa uu intaasi ku daray in kooxihii falkaasi ka danbeeyey ay Dawlada Puntland ku raad joogto,isagoona rajo ka muujiyey in dawladdu ay goor dhow gacanta ku soo dhigi doonto. Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa ku sababeeyey dilka Marxuumka in ay tahay mid daah uu saaran yahay,waxaana uu xusay in aysan garan karin sababta dhabta ah ee ka danbeysa dilka loo gaystay allaha ha u naxariistee Col.Cali Jaamac Qalas. Mar ay Horseed Media weydiisay dhaliil uu soo jeediyey mid ka mid Abuukaatayasha Maxkamada darajada 1-aad ee Magaalada Boosaaso xili uu u waramayey Idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga kaasi oo sheegay in dawladu ay ka gaabisay sugida amaanka Hay’adaha garsoorka Puntland ayaa waxa uu sheegay in arimahaasi ay kala hadleen Maamulka Puntland isla markaana ay wadeen ajande ay kala hadleen Maamulka una gudbiyeen Mas’uuliyiinta Dawlada Puntland. Max’ed Aw-Cismaan ayaa sheegay in dilka loo gaystay Max’ed Cali Jaamac uusan hakad gelin doonin shaqada garsoorka,waxaana uu carabaabay in aysan jirin wax cabsi ah oo soo wajahday xiligaan Hay’adaha garsoorka Puntland. “……Waa wax laga xumaado in qof dharaar cad wax dilay uu baxsado aysan jirin qof ku sheegaya,arintaani waa wax soo noq noqotay,waxaan ugu baaqaya shacabka Puntland iska qabtaan kooxaha qas wadayaasha ah eek u dhex dhuumanaya….” Ayuu yir. Ugu danbeyntii Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland waxa uu tacsi u diray eheladii,qaraabadii iyo shabweynaha Puntland ee uu ka geeriyooday Allaha ha u naxariistee Xeer Ilaaliye ku xigeenkii hore ee Maxkamada darajada 1-aad ee Magaalada Boosaaso Cali jaamac Qalas in samir iyo Iimaan ilaahay ka siiyo. C/qani C/laahi Cabdi Horseed Media Boosaaso Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 12, 2010 Puntland oo Ka Hadashay Dilkii Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Boosaaso iyo Faahfaahino Kale Garowe (RBC) Iyadoo maanta duhurnimadii magaalada Boosaaso lagu dilay ku xigeenkii xeer ilaaliyaha maxkamada gobolka Bari Col Cali Jaamac Qalas ayaa masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowlada waxay ka hadleen dilkaasi. Taliska booliska qeybta gobolka Bari ayaa sheegay in baaritaan ku saabsan dilkaasi uu hadda socdo, waxaana taliska saraakiil ka tirsan oo RBC la xiriiray ay noo sheegeen in xogta raggii dilka geystey ay hayaan, lana filayo in saacadaha soo socda la soo qabto. Warar kale oo taliska ku dhow ayaa sheegaya in ciidamadu ay ku raad joogaan afar nin oo dilka maanta geystey kuwaasi oo sida laga tuhunqabo weli ku dhex sugan magaalada Boosaaso. Saraakiisha boolisku waxay diideen inay faahfaahin kale bixiyaan maadaama kiisku baaris ku jiro. Amaanka guud ee magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyey tan iyo maanta duhurkii markii dilku dhacay ka dib waxaana feejignaan la geliyey ciidamada amaanka. Waxaa la xiray wadada isku xirta magaalada Boosaaso iyo gobolada kale iyadoo guud ahaan la xanibay gaadiidkii safarka iyo kuwa dadweynaha ee ka bixi lahaa magaalada, taasi oo ka dhigtay in magaalada aysan maanta ka bixin soona gelin wax gaadiid ah. Dhinaca kale guddiga garsoorka Puntland ayaa madaxtooyada Puntland ugu baaqay in dowladu ay ballanqaado amaanka garsooorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha kuwaasi oo haatan khatar amaan ay soo foodsaartay. Xeer ilaalinta guud ee Puntland oo ka hadashay dilka ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamada gobolka Bari Col. Cali Jaamac Qalas oo ahaa nin waqti dheer booliska ka tirsanaa. Waxaana xeer ilaalintu ay dakbatay in boolisku ay si deg deg ah u keenaan gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyey dilkiisa. Alle ha u naxariistee Col Cali Jaamac Qalas oo maanta duhurkii lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso ayaa la filayaa in berito lagu aaso Boosaaso. Falkii dilka ahaa ee maanta loo geystey xeer ilaaliye ku xigeenka ayaan la ogeyn sababta kaliftay, waxaana goobtii lagu dilay ku dhaawacmay askari marxuumka ilaalo u ahaa. Nin rayid ah ayaa sidoo kale ku dhintay goobta lagu dilay marxuumka. RBC Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 12, 2010 A tragic event has ensued an official has been killed AUN. In Response the Puntland Politice have the city on lockdown, The police know who the suspects are and they aren't going anywhere and trapped in the city and will be taken into custody and brought before the law!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2010 ^^ Who do you think is behind this Attack Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 12, 2010 Xaji its quite obvious who is behind it. There is element of nabad-diids inside puntland especially around the galgala/dhahar area led by the terrorst sicid atam who is taking his orders from hizbul islam!!! Puntland has soldiers based in hamar and is inside hamar politics and therefore mr.dahir aweys is not very happy about that and is counter-acting by recruiting members inside puntland. People like nabad-diids sicid atam and his galgala cronies are great catches for dahir aweys because he can use them to disturb the peace in puntland. Haven't you also seen how galmudug people have welcomed the ssc government? why? its a way of disturbing puntland so they can stay of focus in hamar. Its old tactics but let them be rest assured the puntland police is getting good training out of this and improving in their responses time to these cowardice acts!!! PS: I am not to worried about galmudug as they are under ethiopia and therefore whatever issues will be resolved peacefully. But hizbul islam is under eritrea and therefore combating them will require military force as they take orders from asmara who are themselves nabad-diid!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2010 So you think this sheikh attam guy is behind it he hides Upon the hills of galgala, How big is his Militia and do you really think xisbal xasuuq has a sleeping cell inside Bossaaso. Any way i think Maybe the Pis is behind it Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 12, 2010 Originally posted by Xaji_Xunjuf: So you think this sheikh attam guy is behind it he hides Upon the hills of galgala, How big is his Militia and do you really think xisbal xasuuq has a sleeping cell inside Bossaaso. Any way i think Maybe the Pis is behind it Its possible the PIS could be behind it because it's always officials being attacked, but it appeared to me that issue seems like it's been buried after farole went to addis and the american embassy to speak to them about sacking osman diyano and I think they told him just to forget about it and leave osman diyano alone!!! Another tell-tale sign of islamist is they usually attack civilians like bossaso explosion a couple of years back. So who knows possibly sicid atam doesnt want to attack civilians incase he ends killing one of his people in the process who do indeed reside in bossaso and therefore is specifically targetting officials as they will already know which clan their from!!! Anyways Sicid atams militia last time i read number about 1000 and their armed also and have boats of arms delivered to them from their donor hizbul islam not at bosaso but at ceelaayo!!! PS: PIS have a had few clashes there with them at ceelaayo because the PIS knows the HIZBUL Islam send weapons to them thru that town and then they go back to galgala and spread it out to their soldiers!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted June 12, 2010 Originally posted by Xaji_Xunjuf: So you think this sheikh attam guy is behind it he hides Upon the hills of galgala, How big is his Militia and do you really think xisbal xasuuq has a sleeping cell inside Bossaaso. Any way i think Maybe the Pis is behind it This is coming from Xaji, who's enclave of NW Somalia just said they conducted a raid in Burco againsts Al Shabaab who had taken over a house that had a stash of weapons including bomb making materials in order to cause chaos, supposedly the police had the house under surveillance for a while, but only decided to attack the home exactly two weeks before the elections. Then you have the nerve to ask who is behind the attack today in Puntland and that you think it is an internal Puntland issue and that the PIS "maybe is behind it!" Al Shabaab has to cross Puntland to get to NW Somalia, so if you blame them for your internal issues then it would only be common sense that they must be doing it in Puntland to. But of course you only want to use the outside terrorist card when it suits you and your enclaves elections! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 12, 2010 Thankful somaliland enemy is themselves lol. The sooner xaaji gets that the better!!! He tries to ignore it but ignoring won't solve it. He should focus more on resolving these strained ties among his clan which have after-effects like "president seat not allowed for snm" or the berbera port just dominated by 1 clan and shared out through somaliland clans. They are really their own enemies but it's not as bad as some other areas well not yet anyways. You see the problem between ssdf and darwish and makhir is not really our politics it is the simple fact that the darwish/makhiris have second option to go to hargeisa if dont work out for them in garowe. Where-as the ssdf dont have that option nor do the snm have that option to go to garowe. So thats what causing the problems between puntland. But within ssdf we share our resources and leadership and only fight each other when someone brings an outsider into our homes. If that option of not going to hargeisa was taken away from the darwish/makhiris we would not have any issues between our clans. Where-as the snm who dont really have another option other then hargeisa are just literally suffocating themselves out of their own region due to internal bickering and as i stated its gone as deep as port usage lets just hope it doesnt explode into war for them june 26 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 14, 2010 Wasiir ka danbeyay dilkii Col Cali Jamac Qalas (Xog Rasmi Ah) Bosaso, (Somalifans Online) – Mid mid ah Golaha Wasiirada Puntland ayaa la sheegay inu ka dambeeyey Dilkii AUN Marxuum Cali Jaamac Qalas oo ka mid aha Saraakiisha dembi Baarista Puntland, Ahana ku Simahii xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Gobolka Bari Wasiirkan ayaa la sheegay inu Dhowr jeer uga Hanjabay Marxuumka Khadka Telfoonka, Waxana la aqoon ilaa hada sababta Mas’uuliyinta Xilalka ka heysa Puntland aay gundhiga ugu yahiin dilalka intaa badan ka dhaca Bosaso Dhowr jeer oo hore ayaa dilal ka dhacay magaalada Waxa la sheegay inay uga dambeeyeen ragg Taliye-yaal ka ah degaanka Iyo Weliba Xubno Wasiiro ah Cali Jaamac Qalas ayaa la sheegay in Meydkiisu u weli yaalo Isbitaalka Bosaso iyada oo Beeshusu diiday in la Aaso ilaa u Wasiirka dilka ka dambeeyey ka soo dhiibo ragga dilka fuliyey oo la sheegay inay Ahayeen Ilaaladisa gaarka ah Hada ka hor waxaa jiray dil ceynkan oo kale oo lagula kacay allaha u naxariistee Gudoomiyihiii Maxkamada derajada koowaad ee Gobalka Bari kasoo ay ka danbeeyeen isagana Dilkiisa sida la xaqiijiyay ragg ay isku heyb hoose yahin Wasiirka hada lagu Eedeynayo inuu ka danbeeyay dilkii shalay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 14, 2010 Cowke I told you it was an inside job Quote Share this post Link to post Share on other sites