Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted July 25, 2010 Originally posted by Hunguri: MM, maxaa hadda lagasoo saari karaa Qoraalkan Amiin Caamir. Xaggee ayaad khaladka ama qaladka ku aragtaa? mise waad iska kaftamaysaa? Gabar miyaa mise wiil Dr. Culayskiisaan ka yaabay ----> Right Gabar miyaa mise wiil. (Dr Culayskiisaan ka yaabay)-----> Wrong Bisinka...... Waa Shabaab... Waa Shabaab.... Illaahow na dhaafi -----> Right (Ilaahoow, ilaa-hoow )----> Wrong! Allahayow ayaa kaga wanaagsanyd (Illaahoow) Laakiin waxba aniga fakkarkayga kuma jabna Guud ahaantiisa farshaxan gacmeedka uu soo bandhigo ka hadlaaye wuxuu ku qoro. Laakiin haddaaba dib u raaco sawirkaan, qalalaad higgaadis ah waaku jiraan. Mida koowaad higgaadis ma'ahee waa naxwe ahaanta. Wuxuu qoray 'gabar miyaa mise wiil.' In uu u qoro ahayd 'gabar miyaa mise waa wiil.' Calaamatul su'aasha meesha ku jirtayna wuu ka tagay. Dhaqtarkana calaamatul su'aasha ka horeysaa. Yacni saan ahaan inay u qornaato ahayd, "Gabar miyaa mise waa wiil, ditoore/dhaqtaroow/dr?" Taas haddaa ka gudubno wuxuu isku dhajiye ereyga 'nadhaafi' oo laga rabay inay ahaato 'na dhaafi.' Midkii laga rabay in uu isku dhajiyana wuu kala bixiye, taas oo ah 'culeyskiisaan.' Wuxuu u qoray 'culeys kiisaan.' Qof ilaa iyo toddobaatameyadii qoraaye far Soomaali ilaa iyo haddana laga saxaayo... Quote Share this post Link to post Share on other sites