Kamalu Diin Posted January 26, 2007 Bandow lagu soo rogay magaalada Caabudwaaq Caabudwaaq 26, Jan.07 ( Sh.M.Network) Degmada Caabudwaaq ee gobolka G/gaduud ayaa xalay ciidamada dowladda KMG ah ay ku soo rogeen Bandow, ka dib markii shalay lagu dilay degmadaasi Nin Ganacsade ah. Bandowgaan xalay la saaray magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa ku soo rogay ciidamo ka tirsan dowladda Somalia oo shalay galinkii dambe soo gaaray magaaladasi, kuwaasi oo ka yimid dhinaca degmada Cadaado, iyadoo bandowga uu bilowday 8 dii fiidnimo kuna eg 6 dii aroornimo. Saraakiil ka tirsan dowladda Somalia ayaa waxa ay shabelle u sheegeen in Bandowgaan uu yahay mid lagu xakameynayo amaanka, uuna sii socon doono maalmaha soo socoda. Bandowagaan ayaa ka dambeeyay ka dib markii shalay nin ganacsade ah lagu dilay magaalada Caabudwaaq, iyadoo wali aan la qaban gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay oo ku sugan W/magaalada Caabudwaaq. Laakiin Col. Xasan Lugeey oo ka mid ah saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in ay jiraan dadaalo ciidamada dowladda ay wadaan oo lagu baadigoobayo gacan ku dhiiglaha. C/kariim Bulxan Shabelle Media Network G/gaduud E-mail us: info@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted January 26, 2007 Well the TFG forces in the central regions are based in Cadaado. After the incident, they moved in led by Col Lugeey, who was the former police comissioner of Caabudwaaq, to make sure "aargoosi" does not ensue in the city. Quote Share this post Link to post Share on other sites