Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Samaanteed iyo xumaanteed...

Recommended Posts

Salaan iyo ciid wanaagsan dhamaan inta damiirka leh.

 

Aan dhameystiro irida laga soo galo ereyada caanka eh ee ku qoran:

 

"Sareedo haday kuwaarto

Hadduu silac iyo dhib gaaro

samaanteed iyo xumaanteed

Soomaaliya Soomaali baa leh."

 

Not Xabash. Not Amxaar. Not Tigrey. Not anybody but Soomaali damiir daludhalad iyo daljecel eh.

 

Maadaama ee Soomaali maanta kala baxday, the vast, overwhelming majority with damiirnimo iyo an iota drop of dhiignimo Soomaaliyeed ku haray isku raaceen the invasion of Xabasho and their very presence at Xamar at our darkest, gloomiest day ever. The few viruska qabyaaladeed ku daahay, ku raagay oo caabudo nagu kor iyo hoos noolaa banaanka iyo barxada isa soo dhigay oo Soomaali ku sheega ahaa, waa Eebbe mahadiis.

 

Sidaas daradeed waa in Soomaanimadii dib loo soo habeyaa. Waa in busta iyo boorka dib loogu jafaa. Lasoo labakiciyaa.

 

Aaheey, Soomaali baan ahay, samaanteena iyo xumaanteena anaga ayaa isla leh, not Xabash iyo wixii dhabtooda ku fadhiyo.

 

Aan ka bilaabo geeraarkaan [gabay?] caanka ahaa ee uu qoray Yamyam [Eebbe ha u nariistee] Soomaali waa kuma.

 

Sinnaantaan la magac ahay

Sankuneefle ma oggoli

Inuu iga sareyn karo

Anna garasho sogordahan

Sooryo ruux ugama dhigo

 

Soomaali baan ahay!

 

Inkastoon sabool ahay

Haddana waan sariigtaa

Sacabbada ma hoorsado

Saaxiib nimaan nahay

Cadowgayga lama simo

 

Soomaali baan ahay!

 

Nabaddaan u sahanshaa

Colaaddaan ka salalaa

Sooma jeesto goobaha

Ninka nabarka soo sida

Gacantiisa kama sugo

 

Soomaali baan ahay!

 

Nin I sigay ma nabad galo

Nin isugeyna maba jiro

Libta weli ma sii deyn

Gardarrada ma saacido

Nin xaq lehna cid lama simo

 

Soomaali baan ahay!

 

Ninkaan teydu soli karin

Uma yeelo suu rabo

Sida dunida qaarkeed

Sandulleynta ma oggoli

Ninna kabaha uma sido

 

Soomaali baan ahay!

 

Ninka iga sed roonoow

Siintaada magaca leh

Ogow kaama sugayee

Hana oran sasabo badow

Dareen seexda ma lihiyoo

 

Soomaali baan ahay!

 

Ninna madax salaaxiyo

Kama yeelo seetada

Sasabo ma qaayibo

Sirta waxaan iraahdaa

Saab aan biyaha celin

 

Soomaali baan ahay!

 

Dabayshaan la socod ahay

Salfudeydna uma kaco

Waabay sunaan tahay

Marna samawadaan ahay

Samir baan hagoogtaa

 

Soomaali baan ahay!

 

Saan la kala jaraan ahay

Summadi ay ku wada taal

Rag baa beri I saanyaday

Anoo xoolo soofsada

Xil midnimo anaa sida!

 

Soomaali baan ahay!

 

[Kuwa hoose gadaal ayaa loogu daray.]

 

Ninkii aabahay dilay

Oo adeerkeey addima jaray

Albaabkeenna meyd dhigay

Miyaan aaminaayaa

Ibtilaan u barinee

Afartaan dhurwaayee

U adeegta xabashida [!!!!!!!!!!]

Allahayoow intaan jiro

Miyaan erey ka yeelaa

Ummaddii la laayiyo

Wixii iil la wada dhigay

Waa illoow ayaa yiri

Intuu inanba noolyahay

Eedeheey dhigeen baan

Soo ururin weynee

Ma ayaan dalxiis baa

Marba iibsigeygani

 

Soomaali baan ahay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this