Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted December 31, 2006 Salaan iyo ciid wanaagsan dhamaan inta damiirka leh. Aan dhameystiro irida laga soo galo ereyada caanka eh ee ku qoran: "Sareedo haday kuwaarto Hadduu silac iyo dhib gaaro samaanteed iyo xumaanteed Soomaaliya Soomaali baa leh." Not Xabash. Not Amxaar. Not Tigrey. Not anybody but Soomaali damiir daludhalad iyo daljecel eh. Maadaama ee Soomaali maanta kala baxday, the vast, overwhelming majority with damiirnimo iyo an iota drop of dhiignimo Soomaaliyeed ku haray isku raaceen the invasion of Xabasho and their very presence at Xamar at our darkest, gloomiest day ever. The few viruska qabyaaladeed ku daahay, ku raagay oo caabudo nagu kor iyo hoos noolaa banaanka iyo barxada isa soo dhigay oo Soomaali ku sheega ahaa, waa Eebbe mahadiis. Sidaas daradeed waa in Soomaanimadii dib loo soo habeyaa. Waa in busta iyo boorka dib loogu jafaa. Lasoo labakiciyaa. Aaheey, Soomaali baan ahay, samaanteena iyo xumaanteena anaga ayaa isla leh, not Xabash iyo wixii dhabtooda ku fadhiyo. Aan ka bilaabo geeraarkaan [gabay?] caanka ahaa ee uu qoray Yamyam [Eebbe ha u nariistee] Soomaali waa kuma. Sinnaantaan la magac ahay Sankuneefle ma oggoli Inuu iga sareyn karo Anna garasho sogordahan Sooryo ruux ugama dhigo Soomaali baan ahay! Inkastoon sabool ahay Haddana waan sariigtaa Sacabbada ma hoorsado Saaxiib nimaan nahay Cadowgayga lama simo Soomaali baan ahay! Nabaddaan u sahanshaa Colaaddaan ka salalaa Sooma jeesto goobaha Ninka nabarka soo sida Gacantiisa kama sugo Soomaali baan ahay! Nin I sigay ma nabad galo Nin isugeyna maba jiro Libta weli ma sii deyn Gardarrada ma saacido Nin xaq lehna cid lama simo Soomaali baan ahay! Ninkaan teydu soli karin Uma yeelo suu rabo Sida dunida qaarkeed Sandulleynta ma oggoli Ninna kabaha uma sido Soomaali baan ahay! Ninka iga sed roonoow Siintaada magaca leh Ogow kaama sugayee Hana oran sasabo badow Dareen seexda ma lihiyoo Soomaali baan ahay! Ninna madax salaaxiyo Kama yeelo seetada Sasabo ma qaayibo Sirta waxaan iraahdaa Saab aan biyaha celin Soomaali baan ahay! Dabayshaan la socod ahay Salfudeydna uma kaco Waabay sunaan tahay Marna samawadaan ahay Samir baan hagoogtaa Soomaali baan ahay! Saan la kala jaraan ahay Summadi ay ku wada taal Rag baa beri I saanyaday Anoo xoolo soofsada Xil midnimo anaa sida! Soomaali baan ahay! [Kuwa hoose gadaal ayaa loogu daray.] Ninkii aabahay dilay Oo adeerkeey addima jaray Albaabkeenna meyd dhigay Miyaan aaminaayaa Ibtilaan u barinee Afartaan dhurwaayee U adeegta xabashida [!!!!!!!!!!] Allahayoow intaan jiro Miyaan erey ka yeelaa Ummaddii la laayiyo Wixii iil la wada dhigay Waa illoow ayaa yiri Intuu inanba noolyahay Eedeheey dhigeen baan Soo ururin weynee Ma ayaan dalxiis baa Marba iibsigeygani Soomaali baan ahay! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xoogsade Posted December 31, 2006 Thanks Miskiin, nice poem. Very few somalis are this proud today. Quote Share this post Link to post Share on other sites