Sign in to follow this  
General Duke

More foreigners captured fleeing ...

Recommended Posts

Rag lagu tuhunsan yahay argagixiso oo lagu qabtey xadka Kenya

 

Mogadishu 12, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Rag lagu tuhunsan yahay argagixiso nimo oo wata Baasabooro Ingriis ah ayaa laga qabtey xadka Somalia ay Kenya kala wadaagto dhinaca gobolada Jubbooyinka, ka dib markii ay ka baxsadeen weerarada cirka ah ee Mareykanka uu ka wado K/Somalia.

 

Raggaan la qabtey ayaa waxa ay ka mid yihiin ilaa 11 ruux oo booliska ka hortaga argagixisada Kenya ay xireen, iyadoo ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay ku soo biireen ugaarsiga lagu hayo xubnaha Alqacida ee lagu eedeynayo in ay ka dambeeyaan weeraro xiriir ah oo argagixiso oo ak dhacay bariga Africa.

 

Boqolaal askarta Mareykanka ah oo lagu soo qaaday Maraakiibta Mareykanka ee ku sugan Xeebaha Somalia ayaa lagu daadiyay deegaano ku dhow xadka, halkaasi oo la sheegay in dagaalo ay kula galeen xubno la sheegay in ay yihiin Alqacida.

 

Talaabadaan ayaa waxa ay timid, ka dib markii Mareykanka uu ku guul-dareystay in weeraro xagga cirka ah uu ku dilo xubnaha uu baadi goobayo ee ka tirsan argagixisada caalamiga ah.

 

Dadka deegaanka waxa ay sheegeen in ciidamada Mareykanka ay ku lug yeesheen dagaal xoogan oo ka dhacay nawaaxiga magaalada Hooyo halkaasi oo la sheegay in ay tahay saldhigga ugu weyn ee ragga la tuhunsan yahay.

 

Waa markii ugu horeysay ee ciidamada Lugta ee Mareykanka ay ka qeyb qaataan dagaal ka dhaca Somalia tan iyo waxii ka dambeeyay horaantii 90 meeyadii xilligaasi oo Mareykanka uu u yimid Somalia howl-gal uu ugu magacdaray rajo soo celin.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this