General Duke Posted January 12, 2007 Rag lagu tuhunsan yahay argagixiso oo lagu qabtey xadka Kenya Mogadishu 12, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Rag lagu tuhunsan yahay argagixiso nimo oo wata Baasabooro Ingriis ah ayaa laga qabtey xadka Somalia ay Kenya kala wadaagto dhinaca gobolada Jubbooyinka, ka dib markii ay ka baxsadeen weerarada cirka ah ee Mareykanka uu ka wado K/Somalia. Raggaan la qabtey ayaa waxa ay ka mid yihiin ilaa 11 ruux oo booliska ka hortaga argagixisada Kenya ay xireen, iyadoo ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay ku soo biireen ugaarsiga lagu hayo xubnaha Alqacida ee lagu eedeynayo in ay ka dambeeyaan weeraro xiriir ah oo argagixiso oo ak dhacay bariga Africa. Boqolaal askarta Mareykanka ah oo lagu soo qaaday Maraakiibta Mareykanka ee ku sugan Xeebaha Somalia ayaa lagu daadiyay deegaano ku dhow xadka, halkaasi oo la sheegay in dagaalo ay kula galeen xubno la sheegay in ay yihiin Alqacida. Talaabadaan ayaa waxa ay timid, ka dib markii Mareykanka uu ku guul-dareystay in weeraro xagga cirka ah uu ku dilo xubnaha uu baadi goobayo ee ka tirsan argagixisada caalamiga ah. Dadka deegaanka waxa ay sheegeen in ciidamada Mareykanka ay ku lug yeesheen dagaal xoogan oo ka dhacay nawaaxiga magaalada Hooyo halkaasi oo la sheegay in ay tahay saldhigga ugu weyn ee ragga la tuhunsan yahay. Waa markii ugu horeysay ee ciidamada Lugta ee Mareykanka ay ka qeyb qaataan dagaal ka dhaca Somalia tan iyo waxii ka dambeeyay horaantii 90 meeyadii xilligaasi oo Mareykanka uu u yimid Somalia howl-gal uu ugu magacdaray rajo soo celin. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted January 12, 2007 Some of those could be normal somalis visiting their relatives back home. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 12, 2007 ^^Wwhy are they at the border between Kenya and Somalia at this time? Quote Share this post Link to post Share on other sites