Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf is coming to Jowhar

Recommended Posts

Af-hayeenka Xukuumada "Madaxweyne C/laahi Yuusuf wuxuu imaanaya Jawhar"

 

Jawhar-19.June.2005 Afhayeenka DFKMG ah ee Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed(Diinaari) ayaa xalay ku qabtay magaalada Jowhar shir jaraa'id waxaan uuna sheegay in dowlada ay u soo guureyso magaalada Jowhar.

 

Su’aashii ugu horeysay ee saxaafada ay weydiisay waxay ahayd ujedadada socdaalka wafdiga Rai’sul wasaaraha waxaana uu kaga jawaaaby in ay la xiriirto go’aankii ay dowlada sheegaty in dalka ay ugu soo guueryso, isagoo intaasi ku daray in ay tahay in guud ahaan dalka dib loogu soo noqdo.

 

C/rixmaan Diinaari waxaa uu sheegay in madaxweynaha DFKGS C/laahi Yusuf Axmed uu imaan doono magaalada Jowhar todobaadkaan gudihiisa

Afahayeenka Xukuumada waxaa uu sharaxaad ka bixiyay imaashaha dowlada ee magaalada Jowhar isagoo sheegay in ay ku timid go’aanadii ay gaareen labada gole ee dowlada ee Soomaaliya oo ahaa in dowlada ay si kumeel gaar ah ugu sii sheqeyneyso magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo.

 

Waxaana uu sheegay in dowlada ay bilowday dib ugu soo guurida dalka si loo dhaqaajiyo hawlaha dowlada ay bulshada u ahyso.

 

C/rixmaan Diinaari wuxuu xaqiijiyay in ay jiraan waan waan iyo wadahadlo lagula jiro xildhibaan Maxamed Ibraahin Xaabsade oo gacanyta ku hayo magaalada Baydhabo wuxuuna sheegay in dowlada ay dooneyso inay waanwaan iyo wadahadal ku dhameyso arimaha dalka Soomaaliya.

 

Diinaari ayaa sheegay in ilaa iyo bishan 22-keeda ay imaanayaan xubnaha dhiman ee Xukuumadu magaalada Jowhar.

 

Afahayeenka oo la weydiiyay su’aal ahayd qilaafka u dhaxeeya Maxamed Dheere iyo Madaxda Xukuumada ka dib markii uu sheegay in dowlada ay san imanayn magaalada Jowhar gaar ahaan hadalkii ka soo yeeray Ra’isulwasaare Geedi ahaa in uu Muqdisho tagayo ayaa waxaa uu sheegay inaysan jirin wax qilaaf ah oo uu dhaxeeya Ra’isalwasaaraha iyo Maxamed Dheere.

 

C/rixmaan Dinaari wxaa uu sheegay in Madaxweynahaa iyo Ra’isalwasaarahuba ay dagi doonaan magaalada Jowhar balse ay jiri doonaan meelo badan oo gobolda dalka ah oo ay kormeero ku aadi doonaan.

 

Waxaa kaloo C/raxmaan Diinaari uu u sheegay wariyaha Idaacada SBC ee magaalada Jawhar Axmed Xasan Mahad in maanta ay soo gaari doonaanmagaalada jowhar xubno ka tirsan dowlada federaalka soomaaliya ku waassoo ka soo kici timaya magaalada Nairobi.

 

Ugu damneyntii C/rixmaan Diinaari waxaa kaloo u ka hadalay qorshaha nabdeed ee magaalada Muqdisho oo ay ka wdaan xubanaha labada gole, waxaana uu tilmaamey isbaarooyinkii ay soo kordheen halkii ay ka yaaran lahayeen, Isagoo tibaaxey in howshaasi ay tahay mid u taal Golaha wasiirada baarlamaakana howshiisa ay tahay in uu sharciga dejiyo oo uu ilaaliyo.

 

Axmed Xasan Mahad

SBC Jawhar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jawhar oo ay ka Socoto Qabanqaabada Soo Dhoweynta C/laahi Yuusuf iyo Wafdi Beledweyne Gaaray

 

Kulan ay ka soo qayb galeen dhammaan wasiirrada iyo xildhibaannada Jowhar ku sugan ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii loo soo dhawayn lahaa madaxwaynaha dowladda kmg oo haatan ku sugan dalka Yaman,oo la filayo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay goor dhow oo laakiin aan la cayimin soo gaaraan magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka shabeellada dhexe oo dowladda xooggeedu dagayo.

 

Cabdiraxmaan Diinaari ayaa warbaahinta u sheegay ka dib markii kulankaasi dhammaaday in sidoo kale looga wada hadlay sidii loo soo dhawayn lahaa wufuudda dowladda ka tirsan ee wali aan dalka soo gaarin,kuwaas oo la filayo in dhawaan ay dalkla Kenya ka soo dhammaadaan, ayna dalka gudihiisa ka howl bilaabaan. Shalay waxaa magaalada Jowhar soo gaaray xubno 40 meeyo gaarayay oo isugu jiray xubno ka tirsan labada gole iyo ergadii muddada dheer dalka Kenya kaga qayb galaysay shirkii kooxaha soomaalida ee dowladdani ka soo baxday.

 

Wafdi Gaaray Hiiraan

 

Wafdigii ugu horeeyay oo xukuumadda ka socda tan iyo markii ay sabtidii ka soo qalab qaadatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta gaaray magaalada Balad way nee xarunta gobolka Hiiraan. Wafidi xukuumadeedkan oo ka koobnaa xubno dhowr ah,waxaa hor kacayay wasiir ku xigeenka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyooyinka Cali Jayte, waxaana xubno ka ahaa gudoomiyayaasha degmooyinka Baladwayne iyo Buuloburte.Waxaa si wayn garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladwayne ugu soo dhaweeyay dadyow reer Baladwayne ah oo halkaasi ku sugayay muddo saacado ah.

 

Intaa ka dib waxa wafdigani ay gurigiisa ku booqdeen Ugaaska beesha Xawaadle,oo ay uga warbixiyeen waxyaabaha ay u yimaaddeen,iyagoo una sheegay in ay doonayaan in dadka ay ka dhaadhiciyaan siyaasadda dowladda kmg ah ee Somalia,si ay uga hir gasho gobol kasta oo dalka ka mid ah. Barri ayaa la fiyaa xubnahan maanta soo gaaray in ay u amba baxaan degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Hiiraan,iyagoo sheegay in ay dadka ku qancinayaan in ay dowladda la shaqeeyaan.

 

Isla maalinta barri ah waxaa la filayaa in magaalada Jowhar ay ka baxaan xubno labada gole ka tirsan oo u dhashay gobolka Hiiraan kuwaas oo uu hor kici doono wasiirka waxbarashada dowladda kmg ah ee Somalia C/laahi cosoble,ujeeddadooduna kama gaddisna tan ay barri qaybo Hiiraan ka tirsan ugu baxayaan xubnihii maanta soo gaaray,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this