xiinfaniin Posted October 26, 2009 Gudi musaalixo oo ka kooban Al-shabaab iyo Xizbul Islaam oo ku soo wajahan Kismaayo Posted to the Web Oct 26, 15:40 Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in magaalada ay ku soo wajahan yihiin gudi musaalaxo oo ka kooban 2 kooxood ee Al-shabaab iyo Xizbul islaam sida ilo wareed ku dhow 2 kooxood ay noo sheegeen. Gudigaan musaalixada ayaa waxaa uu ka kooban 4 xubnood oo kala ah 1- Xuseen Fiidow - Alshabaab 2- Cabdiraxmaan Siiro- Alshabaab 3- Cabdullahi Komaandoos- Xizbul Islaam 4- Dulyadayn Xizbul Islaam Gudigaan Musalaxada ah oo ka kooban 4 xubnood ayaa la filayaa in ay soo gaaran Gobolka jubada hoose saacadaha soo socda waxaan ay doonayaan in ay kulamo la qaataan Saraakiisha ciidanka iyo Masuuliyiinta ka kala tirsan Xoogagga Al-shabaab iyo Xizbul Islaam oo dhawaan ku dagaala may magaalada Kismaayo ,ilaa 10 dagaal ayaa dhexmaray waxaan marka lagfa reeb hal dagaal oo ka dhacay gudaha magaalada waxaa ay 9 kale ay ka dhaceen deegaanka Birta Dheer, iyo Buulo Xaaji. Dhinaca kale ilo wareed ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu inoo sheegay in Idaacad la oran jiray Idaacatul Quraan oo ay magaalada keenee garab ka tirsan Xizbul Islaam ee Mucaskarka lagta Caanoole in Idaacada ay masuuliyiinta Al-Shabaab ee Kismaayo ay u rarteen magaalada Marka. Ilo wareedkaan oo aan wax ka wiidiinay dad la sheegay in magaalada lagu xirxiray oo lagu eedeeyey in ay taageersan yihiin Ururka Xizbul Islaam ee Jubooyin ka ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe aya noo sheegay in warkaas uusan sal iyo raad toona lahayn. Dagaalka u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa u muuqda haddii aan xal deg deg ah laga gaarin in uu noqon doono dagaal aan la mahdin ciribtiisa Saraakiisha Xizbul Islaam ee ku sugan Jubooyinka ayaa iyagu weli ku jira olole balaaran iyo hub aruursi iyagoo ciidamadooda ku suganaa baro kale duwan u soo rararya agagaarka magaalada Kismaayo. Dhinaca kale Xoogagag Al-shabaab ayaa awoodooda ku soo aruurinaya daafaha magaalada Kismaayo wixii ciidan ah oo ay heli karaan,maamulka Kismaayo ayaa dhinaciisa wada in beelaha degan Kismaayo ,Bay ,Bakoole ku qancinaya in ay difaacaan walaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka. Wariyaha Halgan.net ee ku sugan Kismaayo ayaa noo sheegay in uusan jirin wax kacsanaan ah xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid degan mana jirin wax colaad ah ama dhibaato oo loo geystay ama dad laga qabqabtay magaalada Kismaayo oo taageersan Xizbul Islaam sida ay baahiyeen warbaahinta qaarkod. Cabdi Yare Kismaayo Halgan.net Quote Share this post Link to post Share on other sites