Che -Guevara Posted October 10, 2007 Lucky B*stard Qarax Xooggan oo lala beegsaday Xero Ciidan oo u dhow Hotel uu Magaalada Baydhabo ka degan yahay Ra’iisal Wasaare Geeddi Arbaco, October 10, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in goor dhaweyd Qarax xooggan lala beegsaday Xero ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah oo u dhow Hotel uu Magaalada Baydhabo ka degan yahay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo lagu magacaabo Hotel Bakiin. Xarunta Warshaddii Oomada Avv. Xasey ee Magaalada Baydhabo oo haatan fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxaa lagu qarxiyay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu watay Nin Ismiidaamiyay, kaasi oo qaraxii uu sameeyay uu gaaray Hotelka Bakiin oo xeradaas u dhow. Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha uu qaraxaas geystay sabab la xiriirta in halka qaraxa ka dhacay ay soo buuxiyeen Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira, kuwaasi oo hakiyay isu socoda dadka iyo gaadiidka Wadada hormarta Xeradaas iyo Hotelka Bakiin oo ku yaala halka laga galo Magaalada Baydhabo. Hotelka Bakiin ayaa haatan waxaa degan Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo maalintii shalay ahayd gaaray magaalada Baydhabo. Afhayeen u hadlay Ra’iisal Wasaare Geeddi oo lagu magacaabo C/llaahi Muxyaddiin Codka ayaa xaqiijiyay qaraxa ka dhacay Xerada u dhow Hotelka uu degan yahay Ra’iisal Wasaare Geeddi, wuxuuna sheegay in xubnaha Dowladda ee ku sugan Hotelkaas ay bed-qabaan, balse uu dhismaha Hotelka soo gaaray firirkii qaraxa. Qaraxa ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in uu ahaa mid aad u weyn oo laga maqlay gudaha Magaalada Baydhabo iyo duleedyadeeda, iyadoo sidoo kalena lagu soo waramayo in uu Qaraxaas ahaa midkii ugu weynaa ee in muddo ah ka dhaca halkaas. Qaraxa ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Magaaladaas ay ku wada sugan yihiin seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu jiro khilaaf soo shaac baxay oo u dhaxeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi. 18-kii September 2006 ayay ahayd markii qarax xooggan uu ka dhacay Magaalada Baydhabo, iyadoo qaraxaasi oo ay ku dhinteen Dad 10 ruux ka badan-na uu ahaa mid la doonayay in lagu khaarijiyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo qaraxaas uu ka soo gaaray dhaawac fudud oo qoorta iyo wejiga ka gaaray. Wixii Warar ah ee ku soo kordha Qaraxaas kala soco Hiiraan Online Haddii Alle idmo. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 11, 2007 Ma asagaa loogu dan lahaa mise Xabashadda? Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted October 11, 2007 Two Ethios dead http://news.bbc.co.uk/2/hi/africa/7039018.stm Quote Share this post Link to post Share on other sites