General Duke Posted February 27, 2007 Gen. Cabdi Mahdi oo sheegay in dhawaan ciidamada DF ay sameyn doonaan howl galo amniga dalka lagu sugayo. Kismaayo Talaado, February 27, 2007 Simba Radio. Janaraal Cabdi Mahdi oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in dhawaan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ay Howl galo lagu sugayo amniga guud ahaan wadanka Soomaaliya ku dhaqaaqi doonaan. Janaraal Cabdi Mahdi ayaa tilmaamay in ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo waliba Ciidamo kale oo dhawaan Tababaro loogu soo gabagabeyn doono garoonka diyuuradaha ee Bali Doogle ay bilaabi doonaan Howlgal wax looga qaban doono Amniga Caasimada Muqdisho isla mar ahaantana ay gacan bir ah ku soo dhigi doonaan sida uu sheegay dadka weeraraa iyo qaraxyada ka wada Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Jeneraalka ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Sooomaaliyeed looga baahn yahay in ay garab siiyaan cidamada DF wuxuuna si gaar ahan ugu baaqay shacabka reer Muqdisho in ay iska qabtaan dadka magaalada ka wada weerarada isla markaana ay la shaqeeyaan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee dhawaan howlgalka ka bilaabi doona Magaalada. Janaraal Cabdi Mahdi Abaanduulaha ayaa waxaa uu ku nuux nuuxsday in xiligaani wixii ka dambeeya ay Dowlada Federaalka Soomaaliya wax ka qaban doonto amniga Guud ahaan wadanka Soomaaliya gaar ahaan Goobaha uu tilmaamay in ay ka jiraan amni Xumida sida Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho Isla markaana Ciidamada Dowalada ay wadanka ku soo celin doonaan amnigii iyo kala dambeeytii. Simba Media Center, Muqdisho Somalia Email: simba@simbanews.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ahmed_Guree Posted February 27, 2007 and when did he become a General? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 27, 2007 ^^^Must have been promoted mate, the TFG as national governemnt can promote officers. audio interview Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 27, 2007 Abaanduulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo sheegay in ay dhawaan Ciidamada Dowlada Muqdisho ka bilaabi doonaan Howlgalo amniga lagu sugayo. Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyed Janaraal C/Mahdi ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in dhawaan Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ay Howlgalo lagu sugayo amniga Guud ahaan wadanka Soomaaliya ku dhaqaaqi doonaan. Janaraal Cabdi Mahdi ayaa tilmaamay in Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo waliba Ciidamo kale oo dhawaan Tababaro loogu soo gabagabeyn doono Garoonka Diyuuradaha ee Bali Doogle ay bilaabi doonaan Howlgal wax looga qaban doono Amniga Caasimada Muqdisho isla mar ahaantana ay gacan bir ah ku soo dhigi doonaan sida uu sheegay dadka weeraraa iyo qaraxyada ka wada Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed janaraal Cabdi Mahdi ayaa intaasi ku daray in shacabka Sooomaaliyeed looga baahn yahay in ay garab siiyaan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya wuxuuna si gaar ahan ugu baaqay shacabka reer Muqdisho in ay iska qabtaan dadka magaalada ka wada weerarada isla markaana ay la shaqeeyaan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee dhawaan GHowlgalka ka bilaabi doona Magaalada. Abaanduulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed janaraal Cabdi Mahdi ayaa sidoo kale waxaa uu ka warbixiyay xiliga Rasmiga ah oo ay Ciidamada Dowlada Howlgalada ka Bilaabi doonaan Dalka Soomaaliya wuxuuna sheegay in howlgalka amni sugida ah mudo gaaban gudahooda ka bilaabi doonaan Caasimada Muqdisho si wax looga qabto dadka wada amni darida. Janaraal Cabdi Mahdi Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ku nuux nuuxsday in xiligaani wixii ka dambeeya ay Dowlada Federaalka Soomaaliya wax ka qaban doonto amniga Guud ahaan wadanka Soomaaliya gaar ahaan Goobaha uu tilmaamay in ay ka jiraan amni Xumida sida Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho Isla markaana Ciidamada Dowalada ay wadanka ku soo celin doonaan amnigii iyo kala dambeeytii. C/kariin Xuseen Guutaale. AllMudug,Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites