Sign in to follow this  
Juje

The Demise of a big and great character...!

Recommended Posts

Juje   

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

 

Allah uu Naxaristo marxum Faraax Sindiko.

 

sendiko.jpg

 

Khamiis, November 20, 2008(HOL): Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa maanta wuxuu isugu yimid shir deg deg ah oo uu uga hadlayay geeridii ku timid Faarax Wehliye Caddow Sendiko oo ahaa halyey Isboorti oo si weyn looga yaqaanay dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddiisa.su imaatinka xubnaha Gos iyo Dad Isboortiga Soomaaliyeed ehel u ah ayaa waxaa looga hadlay taariikhdii Isboorti ee Faarax Sendiko, waxaana halkaas ka hadlay Khubarro Isboorti oo ay marxuumka soo wada shaqeeyeen iyo kuwo uu ka dambeeyay in ay soo caan-baxaan.

 

Ugu horeyn waxaa isu imaatinka ka hadlay Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Cayaaraha Fudud Faarax Cali Macallin oo sheegay in Faarax Sendiko uu ahaa halyey Isboorti oo taariikh ku leh Caalamka, gaar ahaan Afrika iyo Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in aan taariikhdii Faarax Sendiko lagu soo koobi karin hal isu imaatin.

 

Intaas kadib Faarax Cali Macallin waxaa uu mas’uuliyiintii Isboorti ee ay soo wada shaqeeyeen iyo cid kasta oo wax ka tirsaneysay Faarax Sendiko uu ka codsaday in ay iska cafiso, ayna ugu duceyso in uu Jannadii ka waraabiyo.

 

Waxaa hadlay oo isna cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Saciid Maxamuud Nuur (Mugambe) oo sheegay in markii ay soo gaartay geerida Faarax Sendiko ay si weyn uga naxeen, wuxuuna sheegay in Faarax Sendiko uu ahaa Aabbaha Isboortiga Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in uu ahaa aas-aasaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

“Tan iyo sanadkii 1978-kii ilaa 2002 oo ay FIFA ganaaxday Faarax Sendiko wuxuu ahaa Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, mudadaas dheerna wax weyn ayuu ka soo qabtay Kubadda Cagta Soomaaliya iyo weliba Afrika iyo Adduunka”ayuu yiri Saciid Mugambe oo sheegay in isagoo wakiil ka ah Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed uu tacsi u dirayo qoyskii, ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday.

“Faarax Sendiko wuxuu noqday Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Guddiga Garsoorayaasha Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, kadibna wuxuu uga sii gudbay Cecafa, Cafa ilaa uu FIFA ka gaaray”ayuu mar kale yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo sheegay in uu Faarax Sendiko ahaa nin Taariikh uga tegay Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntii Aadan Xaaji Yabarow Wiish waxaa uu intaas ku daray in Faarax Sendiko uu sidoo kale ahaa Macallin soo saaray Dad Isboortiga Soomaaliyeed laf dhabar u ah, “Runtii Beer ayuu abuuray Faarax Sendiko, Beertii uu abuurayna wey soo baxday”ayuu yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo sheegay in meydka marxuumka la keeni doono magaalada Muqdisho, si heer Qaran ahna loogu aasi doono.

 

baroor-diiq.jpg

 

baroor-diiq2.jpg

 

buuga-tacsida.jpg

 

buuggga-tacsida.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

AUN Faarah Sendiko was a humble nice and funny man, I knew and used to see him in Cairo back in the days. He's joked with clean humor and spoke Italian markaan aragno, when we said we don't know used to reply, war wax mabaratiin yaakhay :D

 

He really was a good man, Alla yarxam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this