Nur Posted June 2, 2004 Bismillaah, waxaanan ku sallinayaa, wuxuu Allah uumay kii ugu khair badnaa, nabigeenna Muxammad, iyo reerkiisa, asxaabtiisa iyo inta raadkooda qaadda ilaa iyo maalinka maxsharka la isa soo saaridoono. Kadib Waxaan maanta jecleystay inaan ka hadlo arrin haddey hagaagto arrimo badan oo dadka dhexyaalla ay ahagaagaan, taasoo ah Qalbiga ama Niyadda fiican ee dadka ku wada dhaqmaan. Diinteenna Allah wuxu usoo dajiyey, oo uu kutubbada iyo Nabiyaasha isu soo raaciyey hal arrin oo muhiim ah: In ay dadku oogaan cadaalad, garsoor Garsoorkaas oo u ka la baxa labo qaybood : 1. Garsoor lagula dhaqmo kii na uumay oo macnaheedu yahay inaan la garab dhigin Allah oon lal simin uunkiisa. 2. Garsoor lagula dhaqmo uunka Allah , ha noqdaan dadka ama dugaagta. garsoorka lagula dhaqmo dadka waa in aan xaqooda marna aan la duudsinin. Xaqa dadkana waxay ka koobmaan: 1. Hantidooda oo nala faray inaan hantida dadka aan lagu cunin si baadil ah 2. Sharafkooda oo ah inaan meel looga dhicin 3. Naftooda oo ah in aanan dhiigooda lagu daadin waxa ka baxsan xaqa diinta Aayadaha Quraankana wexey ku soo degeen in ay ilaaliyaan xuquuqdaas. Waxaan maanta ka hadleynaa qaybta seddexaad oo ah ilaalinta Sharafta dadka taasoo ku tiirsan malaha aan dadka ku maleyno wax wanaagsan ama wax xun. Dadka markey wada dhaqmaan, wexey u kala baxaan laba nooc. 1.Dadka wanaagsan, wexey ku wada dhaqmaan seddex sifadood. a. Marka hore wexey ku wada dhaqmaan kalsooni ay siku qabaan. b.Marka labaad, haddey u muuqato wax qalad ah, wexey wanaajiyaan malada. c. Haddey u caddaato in qalad jiro, wexey ku degedegaan iney cafiyaan oy iska illoobaan qaladka lagu sameeyay. 2. Dadka Xun a. Wexey ku wada dhaqmaan Shaki ay iska qabaan b. Hadduu u muuqdo in qalad lagu sameeyay, wexey maleeyaan malo xun. c. haddey u caddato in qalad lagu sameeyayna wexey ku degdegaan iney faafiyaan ceebtaas, ooy weyneeyaan qaladkaas. Waxaa meeshaan nooga muuqata qasadkii aan soo sheegnay uu Allah ka lahaa diinta iney tahay in dadku iskula dhaqmaan cadaalad iyo garsoor iney ku hagaageyn haddii dadku laabtooda isu xuntahay. Waxaa laga soo wariyey Suubbanihii SCWS inuuyidhi " Ha is nicina, hana is xasdina, ...hana is jarina, waxaanad noqotaan addoon Allah oo walaala ah" Waxaa wariyey Muslim. Wuxuu kaloo Suubbanihii yidhi asagoo ka dardaarmaya in la isu qalbi wanaagsanaado " Waxaan ku dhaaranayaa kay nafteydu ku jirto gacantiisa, Jannada ma galeysaan idinkoon aaminin ( Allah), mana aamini kartaan ( Allah) idinkoon is jeclaan....." waxaa wariyey Muslim Wuxuu kaloo ku jawaabay mar laga wareystay yaa dadka ugu khayr badan " Mid walboo qalbigiisu yahay MAKHMUUM, carrabkiisuna run sheeg yahay, weexy yidhaahdeen, kan carrabkiisu runsheegga yahay waan garanayee, waa maxay midka leh qalbi MAKHMUUM ah? wuxuu yidhi " waa kan ( Allah ) iska jira, ee laabta nadiifka ah leh, ooyan ku jirin xumaan, ama duullaannimo, ama dakano ama xasad" Waxaa wariyey Ibn Majah Laabta ama qalbiga wanaagsanna waa nicmad, ama raaxo qofku kaga raaxeysto balada adduunka dadka dhex taalla iyo ajar weyn ee aakhiro laguugu qoro. Taasna wexy ka dhalataa in qofku waxa dadka isku heystaan uu u daayo. Haddaad dadka kula jirto tartan, baratan aad kula baratameyso 1. Jago 2. Hanti 3. Magac waxaa dhab ah inaad ku abuureyso laabtooda xumaan, maxaa yeelay wuxuu kuu arkayaa qof ka qadinaya wuxuu rabay ama uu kaaga xaq lahaa. Laakin haddaad tusto inaad ku jirto tartan ama baratan kale oo ah kii Allah na faray asagoo oranaya " U soo degdega dambi dhaaf ka timid Rabbigiinna, iyo Jannooyin ballaadhkooda (le'eg yahay) cirka iyo dhulka " Qalbi wanaagguna ma aha nacasnimo, taasoo qofku waxba la soconin, laakin waa adigoo wax walba garanaya inaad ka doorato Allah agtiisa wax yaalla, waxa dadka isku heystaan. Run ahaantiina, arrintan aan idiin sheegayo waa mid aan naftsyda ku qasbay waxaanan ka gaadhay natiijo aad u fiican. Waxaan kula jirey ganacsi dad aan isleeyahay waa dadka diinta raaca, haseyeeshee dhowr sano ka dib waxaa ii caddaatay ineys xaqeygii iga duudsiyeen oo bannanka i dhigeen. Anugu waxa socda oo dhan waan garanayey, haseyeeshee ma tusinin, anigooo mar walba Allah ka baryey inuusan aniga xaqooda i raacinin, aniga keygaba aan wayyee. Muddo ayaa ka soo wareegtay oon filayey iney xaqayga ii soo celiyaan, ahaseyeeshee, dulunkii wuu usii macaanaaday. Laabteyda aad bey u xumaatay, maxaa yeelay dulunka aan waayey hantideyda qaarkeed waxaa iiga sii xumaa xanuunka waxa la iga dafirey. Waxaan markaas goostay in xanuunkaas aan ku tirtiro inaan aar goosto, taaso Allah u bandhigay dulunka la i dulmay, oon Allah u sheegay inaan cafiyey kuwii i dulmay oon wax dambe u heysanin adduun iyo aakhiro. Waxaan Allah warsaday in cafiskaas aan ku doonayo inuu i cafiyo igana raalli noqdo, wixii aan waayeyna uu iigu baddalo ajar ka wanaagsan waxaan waayey. Wixii maalinkaas ka dambeeyay, laabta waa i bogsootay, waxaana iga baxay cadhadii iyo naceybkii aan u qabay kuwii i dulmay waanan ka raaxeystay dhibkaas, taasoo qudhana waan u qabaa inaan cafiyey. Maanta Allah wuu iisoo celiyey wixii iga maqnaa, wuxuuna iga siyey meelaan ka fileyn, kuwii aan cafiyayna, waa moogyihiin xataa inaan cafiyey, laakin waxaan dareensanahay xaalkeyga in uu aad uga fiican yahay kooda, hanti ahaan, ama raallinimo Rabbi ahaanba. Waxaan taas idiinku sheegaya, walaalayaal, in aad ogaataan in dadku isku imtixaanan yihiin, Allah wuxuu leeyahay " Waxaannu uga yeellay qaarkiin qaarka kale, imtixaan, ma (isu) sabreysaan?" Run ahaantiina, qasaaro adduun waa sahlan yahay, laakin dad badan dhug uma laha in markey xaqooga raadsanayaan, ayagoo qalbi xun, iney ku sugan yihiin in ay aakhiradooda ay khatar galiyaan. Qalbiga fiican la'aantiis jannada lama galo, Allah wuxuu leeyahay " Maalinka uusan wax tar laheyn hanti iyo ubad, qof Allah ula yimid qalbi wanaagsan mooyee" Intaas waxaa raacsan, in Jannada dadka gala uu Allah laabtooda ka saaro qalbi xumaanta ka dhexeyn jirtay markey adduunka ku noolaayeen Allah wuxuu leeyahay " Waxaannu ka saarnay wixii laabtooda ku jirey oo ahaa dakano, (agoo ah )walaaloo, oo fadhi isaga soo horjeeda" Guud ahaan, Qalbiga wanaagsan, waa mid hadduu Allah ku siiyo aad raaxeysaneyso. Waa mid dadkuna kaa raaxeysanayaan Allahna kugu jeclaanayo marka , maxaad sugeysaa Nur 2004 eNuri Softwano Series ( Somali Edition) Logging-On Your Source Code In A Humble Mode Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted June 2, 2004 Qalbiga wanaagsan calaamadihiisa waxaa ka mid ah: 1. Camal wanaagsan 2. Calool xumo gaabinta dhniaca diinta 3. Naxariista loo naxariisto uunka Allah 4. Hadal qurxan ( Qowalan sadiidan) 5. Jeceylka Allah ( xasuustiisa oo badan) 6. Neceybka macaasida iyo asbaabteeda 7. illinta indhaha qoysa oo qalbiga qaboojisa 8. Qalbi jileeca ( ka yara jilcan buuraha!) 9. Jeceylka iyo kaalmeynta masaakiinta iyo madluumiinta, kuwa deynka lagu leeyahay, kuwa la liido, kuwa jirran, iwm.) 10. Wanaag lal jeclaado dadka. Haddii aad sifaadkaas kulligood iska weyso, qalbigaada inuu dhintay ayuu u badan yahay, laakin Allah waxa dhintay waa soo nooleeya, Haddii aad qaarkood iska weyso, waxaa qalbigaaga ku jira cudur loo baahan yahay in la daaweeyo intuusan cudurku fidin. Qalbiga buka waxaa lagu daaweeyaa 1. Dhikriga Allah ( oo jeceylka Allah lagu helo) 2. Salliga nabiga ( oo naxariista Allah lagu helo) 3. Quraanka akhrintiisa badan ( ugu yaraan hal Juzz maalinkii) Allah wuxuu ku sheegay Quraanka ( Shifaa un limaa fil suduur) waa mid daawo u ah cudurrada laabta ku jira. 4. Kaalmeynta wixii kaa muteysta kaalmo ( Ku raadso wuxuu Allah ku siiyay daarta aakhiro) 5. xasuusta daarta aakhiro 6. Illowga dhibka dadka, cafintooda, iyo u duceyntooda. ( ma jeclaan leheyd qof walba ood is khilaaftaan in naar la geeyo?) 7. ku shuqultoonka cilmi raadidska, cilmiga kaa badbaadinya naarta adiga iyo kuwaad jeceshahay ( Cilmigaas ma aha BA, BS, MS, MA, PhD, Trade Certificates) Maanta waa innoo intaas Wa sallaAllahu calaa kheyri khalqihi, wa aalih wa saxbih wa sallam. Amin Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haneefah Posted May 17, 2006 waxaa qalbigaaga ku jira cudur loo baahan yahay in la daaweeyo intuusan cudurku fidin. Walee, I have self-diagnosed a couple that I am desperately working to cure in my own qalb your prayers would be much appreciated yaa shaikh Nur I remember an amazing scholar (May Allah bless him) saying that every light needs a reflector, and our heart is the reflector of the noor of the Qur'an...but if the heart is pitch dark, it will never reflect this noor. May Allah soften and purify our hearts to accommodate the Noor of our deen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted May 17, 2006 Nurow, qisada kugu dhacday iyo habkaad u qaabishayba aad bay mufiid u yihiin. Gobanimada qofka muslimka ahi waxay ku jirtaa cafiska. Aargoosashadu waa bannaan tahay laakiin qof xaqqiisii cafiyey waa ka gobsanyahay kan raadsaday. Way yara adagtahay in dadka qaarkii arrintaa u guuxaan laakiin sidaad ka qisaysayba waa arrin mudan in laysku dayyo oo lays baro. Cabbaar baan ka fekeray sidii aan yeeli lahaa haddii tan ku qabsatay oo kale ay igu dhici lahayd. Durba waxaa iisoo baxday inay u badnaan lahayd inaan waxayga doonanlahaa, oo aniga iyo raggaa aanan si fudud ku kala baxneen. Malaha ficil baa iga buuxa oo xikmadda i seejin lahaa! Waa Mombasa kabo layga xadday (Masaajid)ummaddii qaar baan gaba gabeeyey! Inkastoo aan nin yar ahaa haddana markaan soo xasuusto runtii waan qoslaa. War wuxu waa kabo after all ! Qayb iga mid ah baa caddaalad darrada iyo gardarrada aad u neceb. Malaha taasbaa ka xoogbaddan qaybteeda kale ee cafiska iyo samirka doorbidi lahayd. Waligay waxaan jeclaa qisada nin reer miyi ahaa oo tabar-yari inta qolo bidday ay damceen inay xoolihiisa dhacaan oo mar layga sheekeeyey. Waa uu iska celiyey oo weliba ka gabyey. Wuxuu yiri; Marka hore nin taajir ah oo turuqyo weyn maahi Hayyeeshee haddii laysku tago layma tabar dhaamo Warmahayga inaan dhiig ka tiro uma tumaalaysan Hayyeeshee nimaan ii tureyn taagtay kama aasho Gobonnimo haddii loo tartamo tiigso ma iraahdo Hayyeeshe haddii loo tirsado meel xun ma istaago.. Inkastoon runtii aan u bogsanahay sida ninkaa waxyeelay haddana waxaa ii muuqata in ragganimada cabirkeedu yahay hadba sida ruuxu uu iskugu dayo inay nusuustu dabar u noqoto. Qalbi fiicnaanta dulucdeedu waa intaa. Waxaa taa wehliya garashada iyo in qofku haleelo talada teeda fiican. Markii xoolahaagii la dafiray ilaah baa ku garansiiyey inaad iskaga samirto beddelkoodana asaga weydiisato. Qof walba intaa ma garto, Nuurow. Illaahay quluubteenna ha isku wanaajiyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted May 17, 2006 Ilaahay ha kaa abaal mariyo waanada iyo wacyiga aad hor ilaahay dadka ugu yeerayso. Awoowe qof ducaysan baa tahay. Wax badan oo aan ogohay baad i xasuusisay. Dad aan u yara ciil qabay oo si ii gacan bidixeeyay oo sida Xiin gabayga uu xigtay aan is lahaa la qaad qaad baa qoraalkaaga murtida ku jidha wax iga badashay. Jazaaka Allah Nur. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alle-ubaahne Posted May 17, 2006 War Nuur Ducaa ku dhacdee maad gabar siisaan, waatii culimada markii loo riyaaqo wanaagooda gabar lagu dari jiree, iyagoo waliba xaasas kaleeto leh. Mise xushmad-daro culimada ah ayaa nasoo maagan? Sh. Nuurow, koley aniga xageyga ayaantaan gabar ma jirto oo la dhameystay, laakiin ducaan ku daba dhigay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
S.O.S Posted May 18, 2006 ^^^ducadaada bilaashka ah maxey sheegi, hadday run kaa tahay maad wadaadka gabadhaada siisid ama gabadh-soo-hadal-qaadkeeda deysid? Ducada waa laysaga baahanyahay, laakiin marka hore gabadha bixi, kadibna ducada soo raaci baan ku oran lahaa! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haneefah Posted May 18, 2006 As if gabadhu object meel kuu yaala oo hadiyad loo bixiyo iney tahay :rolleyes: AU: Hadaad la dhacdey sheekha ood ka faa'ideysatey, adoo duco qalbiga (ku fiican haduu yahey) ka soo go'dey ugu duceeya ayaa isaga faaido weyn u ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Khayr Posted May 18, 2006 Originally posted by Nur: Qalbiga wanaagsan calaamadihiisa waxaa ka mid ah: 1. Camal wanaagsan 2. Calool xumo gaabinta dhniaca diinta 3. Naxariista loo naxariisto uunka Allah 4. Hadal qurxan ( Qowalan sadiidan) 5. Jeceylka Allah ( xasuustiisa oo badan) 6. Neceybka macaasida iyo asbaabteeda 7. illinta indhaha qoysa oo qalbiga qaboojisa 8. Qalbi jileeca ( ka yara jilcan buuraha!) 9. Jeceylka iyo kaalmeynta masaakiinta iyo madluumiinta, kuwa deynka lagu leeyahay, kuwa la liido, kuwa jirran, iwm.) 10. Wanaag lal jeclaado dadka. Waa calamadhaxa luugo aarku mumineenita oo kaa qayb ax qooroxta iyo waanga imaanka. MashaAllah Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted May 27, 2006 Abraar walaalo Jahaadka nafta ma sahalana, ha yareysan waligaa, Allah wucuu leeyhay, " Wa man yuuqa shuxa nafsihi fa ulaa ika humul mufixuun" Qofkii looga hiilliyo naftiisa lexejeceylkeeda ( maal, magac, etc) kuwaas ayaa aflaxay. Xiinoow waxaad qortay Inkastoon runtii aan u bogsanahay sida ninkaa waxyeelay haddana waxaa ii muuqata in ragganimada cabirkeedu yahay hadba sida ruuxu uu iskugu dayo inay nusuustu dabar u noqoto. Qalbi fiicnaanta dulucdeedu waa intaa. Waxaa taa wehliya garashada iyo in qofku haleelo talada teeda fiican. Walee ishaad ka ridday, wax ka adag ma jiraan in nusuusta la raaco markey naftaada ku sidato, Allow nooga hiilli sharta nafteenna, amin Baashi walaal Aargudasho waxaa ugu macaan tan kaa sara marisa kuwii ku xumeeyay, taana waxaa lagu gaadhaa cafis Allah dartii ah, laakin ciil u harraddan aargudasho, wuxuu kaa tuuraa jar, amaa wuxuu ku garab dhigaa ama kaaba hoosmariyaa kuwaad ka gar leheyd, in kastoy bannan tahay, haseyeeshee waxaa mar walba fiican cafiska. Alle U Baahne Abraar waa runteed , duco aad ii duceyso ayaa wax walba ka fiican, Habluhu baryahan ayagaa is bixiya, Allah ayaa ku mannaystay cilmi, iimaan iyo caqliba, sidaa darteed, qalbigooda waa in laga dhowraaa wax walbuu xumenyn kara. Hasaeyeeshee, niyaddaada fiican waan aqbalay, Allah kaa abaal mariyo. Kheir Great selection, Allaha noo sahlo fulinteeda Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted September 11, 2008 Reer Guurayaalow Waa bishii Ramadan, Sheitaankii weynaa waa xiran yahay, qalbigaaaga baadh, cadhada , ciilka iyo dakanaha dadkaad u qabto iska cafi, ( Alaa tuxibbuna an yaghfira Allahu lakum?) miyaadan jecleyn inuu Allah ku cafiyo? Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites