Sign in to follow this  
Jacpher

Gudoomiyihii Hore Ee Magaalada Baladweyn Oo Kooxo Hubaysan Ku Dileen Deegaan Ka Tirsa

Recommended Posts

Jacpher   

BALADWEYN (PO) - Guddoomiyihii hore ee magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan, Axmed Gobeey Cawaale, ayaa lagu dilay Tuulladda Ceel-dheere oo ku taalla inta u dhexeysa magaalada Dhuusamareeb iyo Degmadda Guri-ceel ee Gobalka Galgaduud.

 

Goobjoogayaal ayaa saxaafadda u xaqiijiyey inay kooxo hubeysan oo ay jidgooyo u taallo Tuulladda Ceeldheere kala degeen Marxuumkaasi gaari rakaab ah oo ka soo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb, kuna soo jeeday magaalada Beledweyne, iyadoo ay halkii ku toogteen.

 

Ma cadda sababaha rasmiga ee loo dilay Marxuumkaasi oo aan wax xil ah ka haynin Maamulka ka arrimiya Gobalka Hiiraan, inkastoo ay warar aan la xaqiijinin sheegayaan inuu dilkiisa salka ku hayo aano-qabiil.

 

Maydka Allaha U Naxariistee Marxuum Axmed Gobeey Cawaale ayaa xalay la soo gaarsiiyey magaaladda Beled-weyne, iyadoo isla saakayto lagu aasay Qabuuraha Guufaale ee Bariga magaalada Beledweyne.

 

Dhinaca kale, dilka Marxumkaasi waxa uu saamayn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa gaadiidka isaga kala goosha Goballadda Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo ay arrintaasi xiisad ka abuurtay gudaha magaalada Beledweyne iyo Deegaannadda Bacda iyo Beer-gadiid oo Marxuumka la dilay deegaan ahaan ka soo jeedo.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

 

Nairobi-Kenya

Puntlandonline

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this