Cowke Posted July 13, 2010 Raysalwasaare Sharma’arke Oo Ka Hadley Qaraxii Magaaladda Kampala July 13, 2010 Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay qaraxyadii ka dhacay magaaladda Kampala ee caasimada dalka Uganda,kuwaas oo sababay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jiraa Wareysi uu siiyey Warbaahinta afka Dawladda ku hadasha ee Radio Muqdisho wuxuu sheegay in qaraxyadaas ay keenayaan in lasii xoojiyo dadaalada nabadeed ay Ciidanka ka socda Ururka Midowga Afrika ka wadaan dalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in masuuliyadda qaraxyadaas ay qaadayaan kooxihi ka dambeeyey,isagoo ayaan darro ku tilmaamay in ay saamayn ku yeelato dadka Soomaaliyeed ee halkaas u jooga arrimo kala duwan. Raysalwasaare Sharma’arke ayaa noqonaaya masuulkii labaad ee ugu sareeya Dawladda Federaalka ee ka hadla qaraxyadii ka dhacay dalka Uganda,waxaana ka horeeyey Madaxweyne Sheikh Shariif oo si kulul u cambaareyey isla markaana tacsi u direy Xukuumada Uganda. Qaraxyadii ka dhacay magaaladda Kampala oo ahaa labo qarax oo aad u waa weyn ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 74-qof. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 13, 2010 It appears shabab is trying to get the international community to see that this radical group is a threat to the region and can strike as far into the heart of uganda. I think this will certainly prompt the quick deployment of IGAD soldiers. God help hamar but it appears dadkan waa loo tashaday!!! Illahi ha u naxaristo Quote Share this post Link to post Share on other sites