General Duke Posted August 16, 2007 Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFKMG ah oo qado sharaf u sameeyey weftiga DGPl. Monday, 13-Aug 2007 Wasiirka arrimaha Gudaha ee DFKMG ah ayaa waxaa uu qado sharaf u sameeyey weftiga DGPl oo in muddo ahba ku sugnaa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Qadadan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyada ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka DFKMG ah, Wasiirka Kalluumaysiga ee DFKMG ah,Wasiirka Macdanta ee DFKMG ah, Wasiirka Xannaanada Xoolaha, qaar ka mid ah xildhibaanada DFKMG ah,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo ku xigeenadiisa, waxayna ka dhacday guriga uu Wasiirka arrimaha guduhu uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho. Qadadii ka dib ayaa waxa halkaasi hadal mahadnaq ah ka soo jeediyey Wasiirka Kalluumaysiga DFKMG ah mudane Xasan Abshir Faarax, wuxuuna aad ugu mahadnaqay Wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay labada wasiir ee kala ah Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka arrimaha Gudaha oo ah Wasiirka sameeyey qado sharaf taasi, waxayna labadooduba ay aad ugu mahadnaqeen DGPl, sida marka ay tagaan sida sharafta leh ee loo soo dhoweeyo dhowr jeerna ay u tageen Booqasho waxaana ognahay haddii aanay Puntland aanay na gacan qaban waqtigii aanu tamarta yarayn in aanan maant aaanu halkaa soo gaarneen,waana hooyadii Dowladda Qaranka Soomaaliyeed markaa waxaan idin leenahay ku soo dhowaada Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Gabagabadii qadadaasi ayaa waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka maaliyadda DGPl mudane Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) wuxuuna aad ugu mahadnaqay qaban qaabiyaasha qadadan sharafta leh ee maanta halkan nagu Casuumay waxaana idiin sheegaynaa in aanan annagu ahayn marti ee aan joogno dalkayagii hooyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 16, 2007 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere) ayaa qado sharaf u sameeyey Weftiga Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 16, 2007 Mogadisho: DGPL iyo DFKMS ayaa Maanta kala saxiixday heshiis wadashayn iyo waxqaybsi. Tuesday, 14-Aug 2007 Heshiis labo dhinac ah ayaa maanta waxa uu ka dhacay xarunta Villa soomaaliya ee madaxtooyada DFKMG ah, heshiiskan ayaa waxa uu dhexmaray DFKMG ah iyo DGPL. Heshiiskan ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd habka iskaashiga iyo wada shaqaynta u dhexaysa Xukuumadda Federaalka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Qodobada uu heshiiskan uu ka kooban yahay ayaa aha, Arrimaha Siyaasada, Ammniga, a Dhaqaalaha iyo Arrimaha Maaliyada, qodobadan ayaa waxa ka sii farcamaya ilaa dhowr qodob oo ay ugu muhiimsan tahay Qaybsiga Canshuuraha oo ay 55% ay leedahay DGPl halka ay yeelanayso DFKMG ah 45%, Heshiiskan wuxuu Puntland u fasaxayaa inay ka Faa’idaysan karaan Khayraadka dhulkooda ayna geli karaan heshiiyada caalamiga ah, Kaluumaysiga Puntland waxay maaulaysaa Biyaha Badeeda kana bixinaysaa ogolaanshaha Kaluumaysiga Heshiiskan ayaa waxa uu soo maray dood dheer iyo falaqayn labada dhinac ah, waxana goob joog ka ahaa Madaxweynah DFKMG ah Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaaraha DFKMG ah Cali Maxamed Geeddi, Wasiirka Kalluumaysiga DFKMG ah Xasan Abshir Faarax, Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ah Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacma dheere), Wasiirka Xannaanada Xoolaha DFKMG ah Cali Jaamac Jengeli, Wasiirka Ganacsiga Cabdillaahi Axmed Afrax, dhinaca DGPL ay goob joog ka ahaayeen Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse Xirsi oo ka koobnaa Wasiirka Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), Wasiirka Kalluumaysiga, khayraadka Badda iyo Gaadiidka Badda DGPL Siciid Maxamed Raage, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DGPL Cabdisamed Yuusf Maxamed, Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, Isboortiga iyo dhallinyarada DGPl Cabdinuur Cilmi Qaaje(Biidhe), Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta dhaqanka iyo dalxiiska DGPL Cabdiraxmaan Maxamed Saalax(Bangax), Xisaabiyaha Guud ee DGPL, Jaamac Maxamed Cismaan(Jamac Goobe), Agaasimaha Waaxda qorshaynta ee Maaliyada DGPL Cumar Xaaji Siciid, Agaasimaha Guud ee Macdanta iyo shidaalka DGPL Xasan Cismaan Maxamuud (Alloore), Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad, Xildhibaan Ibraahim Cilmi, xildhibaan Cabdirashiid Firdhiye iyo Agaasimaha Waaxda arkiifiyada ee Madaxtooyada DGPL Yuusuf Cabdi Soome. Heshiiskan ayaa Markii ay isla soo derseen guddiggii labada dhinac ahaa ee loo saaray ayaa waxaa maanta si rasmi ah u saxeexay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka 1aad ee DFKMG ah ahna Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ahna ku simaha Ra’iisal wasaaraha Mudane Saalim Caliyow Ibrow iyo Madaxweynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse Xirsi, waxaana goob joog ka ahaa Markii ay labadaasi mas’uul saxeesayeen heshiiskaasi Madaxweynaha DFKMG ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 16, 2007 Madaxweynaha DGPL iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ka soo degay Garoonka Kanoko ee Caasimada DGPl ee Garowe. Wednesday, 15-Aug 2007 Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa si diiran u soo dhoweeyey ku simaha xafiiska Madaxweynaha ahna Wasiirka Cadaalada Cabdirisaaq Cabdulle Geesood, guddoomiyaha Golaha Wakiilada Axmed Cali Xaashi, Xildhibaano, Wasiiro, Taliyayaasha Ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta, Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo dadweynaha Magaalada Garowe. Madaxweynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse Xirsi iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka Caalamiga ah ee Caasimada Muqdisho ee Aadan Cabdulle international airport ku soo sagootiyey Madaxweynaha DFKMG ah Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed, golaha wasiirada ee DFKMG ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Madaxweynaha DGPL iyo weftigiisa ayaa waxa ay in muddo ah ku sugnaayeen Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho halkaasi oo uu kulama kala gooni gooni ah kula soo yeeshay Madaxda sare sare ee DFKMG ah, Saraakiisha iyo qabaa’ilada ku nool Muqdisho, guddoomiyaha shirka qaran ee beelaha Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed. Hadaba weftigan Madaxweynaha DGPl la socday ayaa waxa ay kala ahaayeen Wasiirka Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Gaadiidka Badda Siciid Maxamed Raage, Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Cabdisamed Yuusuf Maxamed, Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Maxamed Saalax, Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, Isboortiga iyo dhallinyarada Cabdinuur Cilmi Qaaje (Bindhe), Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad, Xildhibaan Ibraahim Cilmi, Xildhibaan Cabdirashiid Firdhiye, Xisaabiyaha Guud ee Dowladd Jaamac Maxamed Cismaan, Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda Maaliyada, Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted August 16, 2007 so when they gonna give u a job??? i heard minister of goat herder post is open!! OOPs i forgot, thats gheedi ganadeer's sacred post. outta of luck again aye! Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 16, 2007 Madaxwayne Cadde Muuse oo warbixin siiyay labada gole ee Xukuumada puntland Posted to the MOL August 16, 2007, 1:31 pm Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse Xersi ayaa maanta kulan la yeeshay labada gole ee xukuumadda, wakiilada iyo garsoorka, isagoo faah faahin dheer ka siiyay booqashadii isaga iyo wafdigii la socday ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho. Gen. Cadde Muuse ayaa sheegay in maamul goboleedka Puntland uu kutallaabsaday guulo wax ku ool ah sida dhameystirka saxiixa heshiiska ay wada gaareen dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Puntland taasoo uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu bilowgii ku saxiixay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Generaal Cadde ayaa sidoo kale sheegay in maamul goboleedka Puntland iyo dowladda Federaalka ay isku afgarteen heshiis ay horay Puntland ula gashay dowladda Yeman kaasoo ku saabsan ilaalinta xeebaha iyo badda Soomaaliya oo uu meesha ka baxay khilaaf ay horay u soo jeediyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo maamulka Puntland ku eedeeyay ineysan xaq u laheyn heshiis ay la gasho dal dibada ah iyadoo la ogeysiin dowladda Soomaaliya. Rabiile Gabanow Mudugonline Gaalkacyo Quote Share this post Link to post Share on other sites