SOO MAAL Posted June 11, 2005 Maxamed Dheere ayaa ku baaqay in Doorashooyin laga sameeyo Jowhar Jowhar:-Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe ahna la taliyaha madaxweynaha dhanka nabadgelyada ayaa wada kulamo gooni gooni ah oo uu la yeelanayo odayaasha magaalada Jowhar asagoo kala hadlaya sidii ay u dhici laheyd doorasho lagu soo dooranayo gudoomiye cusub oo uu yeesho Gobolka Sh/dhexe. Maxamed Dheere oo asagu ka dhawaajiyey doorasho in ay ka dhaceyso Magaalada Jowhar oo lagu dooranayo gudoomiye cusub ayaan illaa iyo iminka uusan shaacin in uu isa soo sharixi doono iyo in kale . Ku dhawaaqista hadalkan uu ku dhawaaqay ayaa soo baxday ka dib markii maalintii Khamiistii loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha Madaxweynaha dhanka Nabadgelyada. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere) ayaa awood ku qabsaday gobolka Sh/dhexe 14 kii maarso 2002dii asagoo xiligaa xubin ka ahaa dawladii Carte lagu soo dhisay. Radio Midnimo Quote Share this post Link to post Share on other sites