Cowke Posted October 8, 2009 Al-Shabaab oo sheegtay in xal laga gaaray khilaafkii iyaga iyo Xisbul Islaam udhaxeeyey. October 7, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Horseed Media Muqdisho Khilaafka iyo dagaalada udhaxeeya urur diimeedyada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ah kuwo xiliba xiliga xiga sii kordhaya ayey hadana labada urur siyaabo kala duwan uga hadlayaan wadahadalo lasheegay in dhinacyadaasi ay usocdaan. Sheekh Xuseen Cali Fiidoow madaxa Siyaasada iyo xiriirka gobolada ee Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidin oo maanta shirjaraa,id kuqabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan wadaxaajoodyo usocdey iyaga iyo ururka Xisbul Islaam islamarkaana intabadan arimihii udhaxeeyey ee khilaafka ahaa xal laga gaaray intooda badan. “arimo badan waaladhameeyey hada khilaafkii intabadan xal waan kagaarnay arimo badan oo aan go,aan kagarnay way jiraan sida gudi aan usarnay xalinta arimaha khilaafaadka ah ayadoo lala tiigsanayo shareecada Islaamka,waxaana kale oo aan go,aansanay in dagaalka iskaashiga ah ee aan cadowga alle kula jirno aan halkiisa kasii wadno”ayuu shirkiisa jaraa,id kuyiri Sheekh Xuseen Cali Fiidoow Madaxa siyaasada ee Al-Shabaab. Sidoo kale madaxa warfaafinta ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macaliin Cali oo isna dhankiisa saxaafada Muqdisho kula hadlay ayaa tibaaxay in khilaafka laba dhinac udhaxeeya iminka uu gebo gebo kudhowyahay oo gudi loosaaray xalinta khilaafka inkastoo uusan carabka kudhejin in khilaafka uu dhamaaday. Weli waxaa muuqanaysa in labada dhinac ay kukala fogyihiin arimaha laxiriira khilaafka oo xal laga gaaro maadama ay Al-Shabaab sheegeen in arimaha khilaafka laxaliyey oo ay dhamaadeen ayay hadana ururka xisbul Islaam arintaasi kagaabsadeen laakiinse shegeen in wadahadaladu socdaan oo meel wanaagsan wax lamarinayo waxaana weli muuqda in colaadu halkeedii kasoo socoto maadaama galabta ay markale dheceen dagaalo udhaxeeya labadan urur diimeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites