Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Weapon's Impact on The New Babies in Somalia

Recommended Posts

Mogadishu 08 Jan. 07 (Sh.M.Network)-Qaar ka mid ah ubadkii dhashay muddadii ay dagaalada ka socdeen magaalada muqdisho ayaa lagu arkay cuduro aan horay loo aqoon aydoo waalidiinta caruurtaana ay sheegeen in takhaatiirta gudaha dalka ay wax ka qaban waayeen.

 

 

Dhibaatooyin fara badan oo la aaminsanyahay iney ka dhasheen baaruuda hubka kala duwan ee mudo sanad ka badan ka dhacayey Muqdisho ayaa ka soo if baxeysa caruurihii ku jiray uurka hooyadood sida ay rumeysantay hooyo Faadumo Cismaan oo gabar ay dhashay oo 6 bilood jir ah uu jirkoodii wada dil dilaacay .

 

 

Hooyo Faadumo oo aad u murugeysan ayaa idaacada Shabelle usheegtay in gabadhaan ay dhalatay ayadoo bararsan ka dibna jirkeeda maalinba ay meel dilaaceysay ilaa ay daataan biyaha indhaheeda.ku jiray.

 

 

“Anigu waxaa rumeysanahay in dhibaata gabadhayda soo gaartay ay sal utahay suntanta hubka lagu garaacay Muqdisho sabaabtoo ah gabadheyda Aabaheed Maxamed Xasan waa cuuriyaanka aad arkeysaan waxaana deganeyn Suuqa Xoola ka hor inta aanan u soo barakicin degaanka Lafoolle waan awoodi weynay inaan sida dadkii nala deriska ahaa aan halkaa isaga soo baxno ilaa iyo inta dad qaraabo ay na soo raraan oo ay halkaan na soo dejiyaan” ayeey intaa raacisay ..

 

 

Hooyo faadumo waxaa ay intaa raacisay in dhibaatada barakaca ay u dheertahay ugana darantahay xaalada gabadheeda ay ku sugantahay oo ay sheegtay iney dhaqaatiirta Muqdisho ay wax ka qaban waayeen isla markaana ayan awoodin in ay dibada u qaado gabadheeda waxaana ay dadka Somalia ee ku nool dalka dibadiisa in ay wax kala qabtaan dhibaatada la soo deristay gabadheeda..

 

 

Sanadihii ugu danbeeyay ayaa dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaa lagu arkayay caruur sidan oo kale ah oo qaba cuduro aan horay loogu arag dalka Somalia sida madaxa oo weeynaada kana baxa xadkii logu tala galay.

 

 

CLICK HERE TO SEE THE PHOTOS ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, DON'T OPEN IF YOU HAVE A FARAGILE HEART

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this