Sign in to follow this  
General Duke

TFG again requests ARAB ISLAMIC nation to send troops

Recommended Posts

Dowladda Federalka oo mar kale ugu baaday Dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka inay Ciiddamo ku soo biiriyaan

Muqdisho Axad , December 23 2007 SMC

 

Dowladda Federalka, ayaa ugu baaqday Dowladaha Islaamka iyo kuwa Carabta inay Ciiddamo Nabad-ilaali nah u soo diraan dalka Somalia, xilli ay Dowladaha Afrikaanka ka caga-jiidayaan inay Ciiddamo Nabad-ilaalin ah u soo diraan dalka Somalia.

 

Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Md. Xuseen Ceelaabe Faahiye, ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi khaas ah oo uu maanta siiyey Shabakadda Wararka ee Al-arabia.net ee Telefishinka Al-arabia ee ay Xaruntiisa dhexe ku taallo dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay inay Ciiddamadda ka kala imaanaya Dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta qeyb ka noqon doonaan Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Afrikaanka ee Hawlgalka Nabad-ilaalinta ka wada dalka Somalia.

 

Md. Xuseen Ceelaabe Faahiye, oo Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ahaa Xukuumaddii Ra’isul-wasaarihii is-casilay, Prof. Cali Maxamed Geeddi, ayaa tilmaamay inay Ciiddamadaasi gacan ku siin doonaan Dowladda Federalka sidii wax looga qaban lahaa duullaanadda ay soo qaadaan waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda iyo Xag-jirayaasha, waa sida uu hadalka u yiri.

 

Wasiirka, waxa uu ku tilmamaay inuu Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Caamir Muusa dhawaan kula kulmay magaalladda Qaahira, kana codsaday inuu Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ku qanciyo inay Ciiddamo Nabad-ilaalin ah iyo maalgelin ku soo biiriyaan Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee ka socda dalka Somalia.

 

Mar wax laga weydiiyey haddii ay Ciiddamadda Ethiopianka isaga huleeli doonaan dalka Somalia, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay Ciiddamadaasi bixi doonaan isla marka ay Ciiddamo dheeraad ah oo Afrikaan iyo Carab ah soo gaaraan gudaha dalka Somalia.

 

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu tilmaamay inaysan wax dhibaato ah ka imaanaynin Ciiddamadda Ethiopianka, isagoo tilmaamay inay Ciiddamadaasi bixi doonaan isla marka ay DFKMGS ka codsato inay dib ugu laabtaan dalkooda.

 

Dhinaca kale, Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee DFKMGS, Md. Xuseen Ceelaabe Faahiye, waxa uu beeniyey war uu Mas’uul ka tirsan Ammaanka DFKMGS dhawaan ku shegay inay gacanta DFKMGS ka baxday 80% ka bxaxday dhulka Somalia, wuxuuna xusay inay Dowladda weli gacanta ku hayso dalka Somalia, isla markaana ay Ciiddamadda DFKMGS ku hawlan yihiin sidii ay Caasimadda uga nadiifin lahaayeen Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this