Sign in to follow this  
Liqaye

isbaarooyinkii Muqdisho oo dib loo soo celiyay

Recommended Posts

Liqaye   

Qeybo ka mid ah isbaarooyinkii Muqdisho oo dib loo soo celiyay xilli madaxdii xukuumadu ay Muqdisho ku sugan yihiin

 

 

 

Qeybo ka mid ah isbaarooyinkii Muqdisho ayaa dib loo soo celiyay kadib markii ay magaalada isaga huleeleen golihii maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed, iyadoo isbaarooyinkaasina ay intooda badan dib ugu soo laabteen waqooyiga magaalada Muqdisho oo iyadu markii horena aheyd goobihii ugu jidgooyooyinka badnaa.

 

 

 

Kooxo maleeshiyooyin ah oo ay jidgooyo u tiilay inta u dhaxeysa dekeda Ceel-macaan iyo degaanka Galgalato ayaa Rasaasta Zaban-ka ku dhuftay gaari TM ah oo ay saarnaayeen dad Rakaab ah kuna sii jeeday tuulada Biyo-cadde, iyadoo ay-na ku dhaawacmeen illaa 3 ruux oo dul saaraa gaariga.

 

 

 

Arrintan ayaa timid kadib markii uu muran soo kala dhex galay illaalo hubeysneyd oo saarneyd gaariga TM-ka ah iyo kuwii ay u tiilay jidgooyadu oo dalbaday lacago baad ah oo xad dhaaf ah, waxayna keentay in la is rasaaseeyo, deetana ay maleeshiyooyinku ku dhuftaan Xabada Zabanka gaarigaasi, waxaana sidoo kale gaarigan ku gubtay Raashin iyo alaabo kale oo ku rarnaa.

 

 

 

Tan iyo markii ay maxkamadaha islaamku isaga baxeen magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho jidgooyooyinka, iyadoo arrintana ay ku soo beegmeyso xilli madaxda ugu sareysa xukuumada dowladda federaalka ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, sida ra’iisal wasaare Cali Max’ed Geeddi, wasiirka Arrimaha gudaha Xuseen Ceydiid, taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Jen. Cali Madoobe iyo ciidamo tira badan oo Itoobiyaan ah, waxayna dadku ka dhursugayaan sida ay dib ugu soo celiyaan nabadii 6-da bilood ee Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Qaarka mid ah wadooyinka deegaanada Magaalada Muqdisho oo is baarooyinkii dib loogu soo celiyey xiliyada Habeenkii

 

January 05- 2007 HornAfrik, Mogadishu

 

Wadayaasha gaadiidka qaada dhagaxaanta iyo carada ee ka shaqeeya magaalada Mudisho waliba inta u dhaxaysa Muqdisho iyo ceel macaan ayaa cabasho ka muujiyey kooxo Maleeshiyooyin ah oo jooga inta u dhaxaysa deegaanka galgalato iyo xaafada waxaracade ee Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay dhibaatooyin kala kulmaan.

 

Darawalada wada gaadiidka dhagaxa iyo jayga iyo waliba carakaawada ayaa sheegay in wixii kadanbeeeyey markii Magaalada Muqdisho ay kabaxen golihii Maxaakiimta islaamiga ay soo baxeen kooxo maleeshiyooyin ah oo is baara dhigta inta u dhaxaysa waxaracade iyo galgalato kuwaasoo bilaabey inay lacago baad ah ka qaadan gaadiidkaasi.

 

mid kamid darawalada wada gaadiidkaasi kashaqeeya wadadaasi oo ka gaabsaday magaciisa in la sheego ayaa hornafrik u sheegay in kooxahaasi intooda badan ay dhigtaan isbaaro xiliga habeenkii ah islamarkaana wixii lacaga oo ay doonaan ay qaataan taasoo uu tilmaamey. In ay keentay in intabadan la iska dhigo gaadiidkii halkaasi ka shaqayn jiray waxaa kale oo uu sheegay darawalkaasi in mudo 6 maalmood ah uu kuyimid hakad weyn sababo lala xariiriyey is barooyinkaas.

 

waxaana kale uu kawaramey sida xiligii hore halkaasi ay oga shaqan jireen iyo sida hada ay isku bedeshay xaalkeedu.

 

Nabadoo Axmed Sheikh Maxamuud oo asna kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka galgalato ayaa Honafrik u sheegay in dhaqdhaaqa gaadiidkii ee wadadaasi ka joogsaday oo iyagana saameyn balaaran ku yeeshay iyo waliba sidoo kale is baarooyinkaan dib loosoo dhigtay inta u dhaxaysa deegaanka Galgalato iyo Magaalada Muqdisho.

 

Kooxaha Maleeshiyooyinka ah ee jidgooyada halkaasi dhigtay ayaa waxay bilaabeen in dhibaatooyin ay halkaasi ka gaystaan habeen hore ayey aheed markii magaalada Muqdisho duleedkeeda ay xabad ku dhufteen gaari isagu nuuciisu ahaa Ti.Am oo xiligaasi marayey halkaasi kuna sii jeeday deegaano kamid ah Gobolka Sh/dhexe.halkaasi oo uu ku basbeelay gaarigaasi isagoo dhaawac uu ka soo gaaray 3 qof oo kamid ah dadkii rakaabka ahaa ee gaarigaasi saarnaa.

 

Wadada isku xirta deegaanka galgalato iyo magaalada Muqdisho ayaa jid gooyooyinkii horey u yiilay muda 6 libood ka hor ah waxaa burburiyey Ciidamadii golaha maxaakiimta islaamiga ah ee ka arimin jiray gobolka banaadir.hasa ahaatee markii ay meesha ka baxeen ciidamadaasi ayaa waxa ay kooxahaasi bilaabeen inay dib u soo dhigtaan is baarooyinkaasi islamarkaan aay lacaga baad ah ka qaadan iyadoo aysan ilaa iminka jirin cid tilaabo kaqaaday kooxahaasi dhibaatooyinka ka gaysanaya inta u dhaxaysa deegaanka galgalato iyo Magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this