Abwaan Posted September 28, 2007 Mas’uul dhawaan loo Magacabay Jagada Guddoomiyaha Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho ayaa iska diiday xilkaas isagoo ku micneeyay diidmadiisa wada tashi la’aan oo lagu magacabay markii hore. Xasan Cali Waranto waxaa uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere u Magacabay Guddoomiyaha Degmada Waaberi, hase ahaate maanta ayuu jawaab ka bixiyay sida u arko xilkaas cusub ee loo magacabay,wuxuuna sheegay inuusan diyaar u ahayn xilligan in uu qabto xil,wuxuuna caddeeyay inuu yahay muwaadin Soomaaliyed oo waxna dooran kara lana dooran karo. “Cabsi igama keenin diidmadaas, Nafta Ilaahay ayaa iska leh,Ilaahay ayaana iga qaadi kara,waxaase kuu sheegaya inaan diyaar u ahayn inaan waqtigan qabto jago”ayuu yiri Xasan Cali Waranto. Diidmada Mas’uulkan ayaa ku soo aaday xilli xubnaha ku jira Maamulka Maxamed Dheere xaalad adag ka soo wajahday dhinaca kooxaha Kacdoonka ka wada Magaalada Muqdisho kuwaas oo bartimaameed ka dhigay Xubnaha Maamulka Gobolka Banaadir,iyadoo Guddoomiyihii ugu dambeeyay oo Maamulka ka tirsan la dilo ugu dambeeyay Guddoomiyihii Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho kaas oo habeen hore kooxo hubeysan ku dileen Saldhigga Booliska Degmada Heliwaa. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com www.midnimo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites