AYOUB Posted October 17, 2005 Ma bishii dhabcaalkiyo Dhaar jiidhka fuleyga ah Dharaar-maalka tuugga ah Nin gumeysi dhaansado Taladii u dhiibtaa? !! Ma bishii ma dheregtada Iyo dhaysa weyntii Gobanimada dhaawacay Nimaan dheefta mooyee Dhiska qaran ku hawshoon Dheeraadka siisaa Ma bishaan dhoweystee Dhololee ku dhololee Dhawraayey sebenkee Sugey dhalashadeedee Dhiciddeeda raadshaa Ma bishaan ku dhaatee Dhidibkeeda taagee Dhismaheeda ficilkiyo Dhudhunkiyo laxaadkiyo Ku dhabeeyey kaarkee Dhoobadeeda ciidda ah Dheecaanka seeddiyo Ku waraabshey dhididkee Dhaxan igu bannaysaa Ma bishaan u dhacartee U kal tiriyey dhaaxee Dhiilkeeda tolayee Ceeryaamo dhacantiyo Dhedo lagu hungoobiyo Dhalanteedka beenta ah Dhibicdeedu noqotee Dhicisee is nuugtee Waxba dhiiqi weydaa Ma bishii dhallaankiyo Dhallinyariyo waayeel Dhaddig iyo lab labadaba Dhammidood qalqalatee Waxba dhaafi weydaaa Ma bishii dhaqaaliyo Dhaqankii burburisee Isku dhuuqday labdaa Ma bishii dhadhamadiyo Dhafan-dhaafka hogoshiyo Wax la mariyo dhuuntiyo Qaran lagu dhillaystiyo Dharabbada u xilatee Dhulka lacag ku gadatee Dhirta wada arradisee Dalku dhaxal wareegaa Ma bishii la dhuuntee Sida eeri dhabankii Dhabbadiyo jidaashiyo Lagu jiitay dhoofkee Dalka laga dhuyaalaa Ma bishii dhanqalankiyo Dhawa-welanka hooggiyo Xabbad dheelli socotiyo Qabri laysku dhacanshiyo Xabsi lagu dhabriiriyo Dhaca iyo colaaddiyo Dhagartiyo shirqoolkiyo Dhimashada jideysaa Ma bishii laf dhabarkiyo Afarteeda kala dhigan Udubkiyo dhigtiisii Dhoomihii is celin jirey Dhaayihii is tebi jirey Gacal wada dhaqnaan jirey Hilbihii is wada dhalay Dab dhexdooda gelisee Dadku kala dhaqaaqaa Jiitama - Hadrawi (aftahan.com) .............. Not Ramadan Horn but Oktoobar! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted October 17, 2005 MAYA waa bishii barakaysneed ee Ramadaan..! :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
J.Lee Posted October 17, 2005 ^Chicken. Atleast thank the man for thinking of you. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gediid Posted October 17, 2005 Go see a Dr wind cuz bile baad daaceysaa..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted October 18, 2005 Originally posted by Wordette: ^Chicken. Atleast thank the man for thinking of you. Ayoub needs no thanking from me, we been cyper buddies for a while. WELCOME BACK sxb, and this time don't go hypernating on us. :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted October 18, 2005 ^^ Hey, happy birthday! Didn't know October 21, 1969 was your birthday. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bakar Posted October 18, 2005 ^^Bile Now, it is more lik..naaah. I am await unitll ramadna ends. Ramadan kariim. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted October 18, 2005 ^^Glad to see you edited your post. It was uncalled for.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Young Jeezy Posted October 18, 2005 This is my month too. Born on October 15, 19 coorcoorkii. :lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted October 20, 2005 Originally posted by Gediid: Go see a Dr wind cuz bile baad daaceysaa..... Missed what he said but hey, here's a few lines just for him.. Daandaansigii {windtalkers} raggii diidey ka adkaaye Nimankii is damalloolin jirey dacar la leefsiiye Derejooyin been ah yaa garbaha loogu daabacaye Diidiga markii laysla galay Daab ma soo roganne Kuwii Shaarubaha duubi jirey daadshe qalabkiiye Digtii horeba waatay baqaha docaha jiidheene... Laamuu ka degey baa la yidhi Doon intuu koray'e Isagiyo Dafleba meesha way dacal banneeyeene Dabatadiyo ways kaashadeen nimanki Daaroode Degdeg bay dhulkii uga baxeen duhur dharaareede Alla doori waa waxan lahayn *** ay ku dhaataane Dad hadday yihiin sida Riyaha looma didiyeene Dalan-doolki Nayroobi bay dalaq yidhaahdeene Dal la'aani waw kow dhul ay dib ugu laabtaane Debedaha ha meereen illeen diide nabaddiiye Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted October 13, 2010 Waaa Gabbalkii HornAfrique... He's back from a self-imposed exile. Apparently the PM seat is also his. Pay your respec folks.. Awgguuryo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted October 13, 2010 Blast from the past miyeey yiraahdeen. And no adeer, I comment here and there. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 13, 2010 Ma bishii dhaqaaliyo Dhaqankii burburisee Isku dhuuqday labdaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted October 13, 2010 Originally posted by AYOUB_SHEIKH: quote:Originally posted by Gediid: Go see a Dr wind cuz bile baad daaceysaa..... Missed what he said but hey, here's a few lines just for him.. Daandaansigii {windtalkers} raggii diidey ka adkaaye Nimankii is damalloolin jirey dacar la leefsiiye Derejooyin been ah yaa garbaha loogu daabacaye Diidiga markii laysla galay Daab ma soo roganne Kuwii Shaarubaha duubi jirey daadshe qalabkiiye Digtii horeba waatay baqaha docaha jiidheene... Laamuu ka degey baa la yidhi Doon intuu koray'e Isagiyo Dafleba meesha way dacal banneeyeene Dabatadiyo ways kaashadeen nimanki Daaroode Degdeg bay dhulkii uga baxeen duhur dharaareede Alla doori waa waxan lahayn *** ay ku dhaataane Dad hadday yihiin sida Riyaha looma didiyeene Dalan-doolki Nayroobi bay dalaq yidhaahdeene Dal la'aani waw kow dhul ay dib ugu laabtaane Debedaha ha meereen illeen diide nabaddiiye The mistakes poets such the one good Ayyoub quoted make is to think of D-block in imperial terms; an empire whose fall merits the exuberant celebration evident in their verses. While reality depicts a more different picture: D-block is just one group of the major Somali groups . There are many problems with such thinking, chief amongst of which is the notion that the entire Somali government with all its institution belonged to a one group. Such thinking is what got the pearl of Indian Ocean where it is today. It’s what caused political thinkers in the north to do every thing they could to separate themselves from their own people and country while going great lengths to espouse false similarities with distant communities and civilizations---as far as Ethiopian highlanders. Quote Share this post Link to post Share on other sites