Sign in to follow this  
General Duke

Puntland State condemns Hotel Muna massacre

Recommended Posts

Boosaaso:D/Puntland oo canbaareysay weerarkii Hotel Muna.

25. august 2010

 

Boosaaso:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka hadashay weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Muna oo aanan waxbadan ujirin Madaxtooyada Soomaaliya islamarkaasna ay lahaayeen Dad Soomaaliyeed oo shacab,waxaana ay Dawladu sheegtay in weerarkaasi uu u xaglinayo dhanka xun,islamarkaasna ay dawladu weerarkaas u aragto mid six un looga soo shaqeeyey.

 

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hidaha & Dhaqanka ee dawlada Puntland Cabdixakiin Axmed Guuleed ayaa lagu sheegey in dawlada Puntland ay canbaareynayso weerarkaas,Waxaana sidoo kale Qoraalka Wasiirka lagu sheegey in Dawlada Puntland ay Tacsi u diray Madaxda sare ee Soomaaliya.

 

“Dawlada Puntland waxay canbaareynaysaa weerarkii Hotel Muna oo ahaa mid Waxshinimo ah islamarkaasna ay Argagixisada Soomaaliya ka danbaysay,Waxaanu xanuunka & Muragada la qeybsanaynaa Eheladii,Qaraabadii & Asxaabtii dadkuu birmageydada ahaa ee shalay ku geeryooday Weerarkii ka dhacay Hotelkaas,Waxaanu muujinaynaa in weerarkaas uu ahaa mid aanan loo baahnayn”Ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta ee dawlada Puntland.

 

Dhanka kale Cabdixakiin Axmed Guuleed wuxuu Qoraalkiisa ku sheegey In dawlada Puntland ay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho ugu baaqayso inay dagaalada joojiyaan islamarkaasna ay shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyinka ka daayaan ayna xurmeeyaan bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

“Dawlada Puntland waxay dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho ugu baaqaysaa inay dagaalada Joojiyaa islamarkaasna ay xurmeeyaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan,Waxaanuna ku celcelinaynaa In dadka Soomaaliyeed aysan waqtigan u baahnayn Dagaalo & Dhibaatooyin ay kusii jiraan”Ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkan kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta ee dawlada Puntland.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed
ayaa ka hadashay weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Muna oo aanan waxbadan ujirin Madaxtooyada Soomaaliya islamarkaasna ay lahaayeen Dad Soomaaliyeed oo shacab,waxaana ay Dawladu sheegtay in weerarkaasi uu u xaglinayo dhanka xun,islamarkaasna ay dawladu weerarkaas u aragto mid six un looga soo shaqeeyey. [/QB]

Ku dayo Puntland :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Land_Soldier:

quote:Originally posted by General Duke:

Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka hadashay weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Muna oo aanan waxbadan ujirin Madaxtooyada Soomaaliya islamarkaasna ay lahaayeen Dad Soomaaliyeed oo shacab,waxaana ay Dawladu sheegtay in weerarkaasi uu u xaglinayo dhanka xun,islamarkaasna ay dawladu weerarkaas u aragto mid six un looga soo shaqeeyey.

Ku dayo Puntland
:D
[/QB]
Indeed could not have said it better myself.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this