Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Jamhuuriya in Laascaanood

Recommended Posts

Suxufiyiin ka Tirsan Jamhuuriya iyo HCTV oo Booqday Fadhiisimada Jiidda Hore iyo Gudaha Laascaanood

 

2219is.bmp

 

Laascaanood (Jam)- Subaxnimadii hore shalay ayaa koox suxufiyiin ah oo ka socota saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Jamhuuriya, TV-ga madaxabannaaan ee Hargeysa Cable TV, TV Qaranka iyo shabakadda Togdheernews, ayay u socdaaleen dhanka magaalada Laacaanood. Suxufiyiintan oo uu horkacayay Taliyaha Ciidanka jiidda hore Maxamed Cabdi Aadan (Dhancadde), La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Gaashandhigga Cabdisamad Xaaji Cabdillaahi iyo saraakil kale oo ka tirsan Ciidanka Qaranka, ayaa intii ay booqashada xaqiiqo-raadinta ku gudo jireen waxa ay ku soo wareejisay fadhiisimada iyo goobaha ay deggan yihiin guutooyinka ciidanka qaranka ee ku sugan jiiddahaasi, waxaanay sharraxaad iyo warbixino kaga dhegaysanayeen ka bixiyeen habkii duullaanka ay ku soo qaadeen ciidanka Puntland iyo fadhiisimadii laga soo weeraray.

 

Abbaanduullaha Guutada Gurmadka Ismaaciil Xasan Mataan oo ah guutada dagaalka culus ku bilaabmay, ayaa isaga oo ka warbixinayey xaaladdii dagaalka waxa uu yidhi; “Hiirti waa bari ee maalintii Isniintii ayaa weerar nagu soo qaadeen ciidanka Puntland, kuwaas oo ahaa ciidan xooggan oo watay 27 tikniko ah iyo kuwa lugta oo tiro badan, balse ciidankayagu uu iska difaacay, kadibna jab iyo khasaare u geystay ciidankii soo duulay, isla markaana waxaannu ka qabsanay gaadiid iyo maxabiisba.” Waxa uu intaa ku daray in ciidanka soo weeraray ay ka yimaaddeen dhanka Puntald, kuwaas oo ahaa ciidanka badda. “Waxaan halkan idiinku soo bandhigay ducometigii iyo waraaqihii uu lahaa Taliyaha hoggaaminayay ciidanka weerarka ahaa oo lagu magacaabo Gaashanle/sare Warsame Cismaan Maxamuud oo aannu qabanay isaga iyo dukemantigiisiiba,” ayuu yidhi Abbaanduulaha Gurmadku.

 

Waxa kale oo masuuliyiintasi soo mariyeen saxaafadda guutooyin kale oo taliyeyaashoodu suxufiyiinta uga warbixiyeen sidii daagalku u dhacay iyo kaalintii ay ka qaateen.

 

Inta kadib waaxannu cagta saarnay waddada tagta Laascaanood, waxaanuna gaadhnay kanataroolka laga galo magaalada, halkaas oo ay deggen tahay Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka oo uu madax ka yahay Maxamed Iiman, waxaanay ku hawlanaayeen baadhista gaadiidka ka baxaya magaalada iyo kuwa galaya gudaha, kadibna waxaanu u sii dhaafnay gudaha Laascaanood, waxaanuna gaadhnay xarunta Maamulka Gobolka oo ku sugnaa Guddoomiyaha Sool Cali Sandule iyo Taliyaha Saldhigga Booliska Xuseen Taarwale, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda Laascaanood, iyagoo sheegay inay ku hawlan yihiin dajinta iyo adkaynta nabada, inkasta oo ay xilligaas Laascaanood kooxo dumar iyo carruur ah taayirro ku gubayeen jidadka magaalada, rabshadahaas oo socday muddo gaaban.

 

Kadibna iyada oo masuuliyiinta ciidanka na horkacayaan, waxaannu u gudubnay dhinaca jidka magaalada Garoowe uga baxa si ay noo soo tusaan in ciidamada qaranku fadhiisimo ka samaysteen jidka isku xidha Garoowe iyo Laacaanood, daqiiqado kadibna waxaannu gaadhnay halkii ciidanku ku sugnaa oo 10km u jirta magaalada, iyaga oo noo sheegay masuuliyiintu in ay ciidanka u rareen halkay markii hore ku tageen weerarkii hore.

 

Taliyaha Ciidanka jiidda hore Maxamed Cabdi Aadan (Dhancadde) oo isaguna suxufiyiinta u warramayey ayaa sheegay in dagaalkaasi ahaa mid aad u culus, lana soo qorsheeyay, isla markaana guutooyinka ciidanka qaranka ay xabbaddu mar ku wada bilaabantay, haseyeeshe ciidamada Qaranku oo iyagu ah kuwo waayo-aragnimo dagaal leh ayaa muddo gaaban ku jabiyay weerarkii ciidamada Puntland.

 

“Waxaannu ka qabanay 12 baabuur, 35 maxaabiis ah iyo hub badan oo ah hubka fudud oo ay ka mid yihiin boobayaasha culus.” Waxa taliyuhu maamulka Puntland ugu baaqay inay ka waantoobaan oo ay joojiyaan weerarka iyo colaadda gardarrada ah iyo dhulka aanay lahayn ee ay ku dagaallamayaan. Waxaannu annagu mar kasta diyaar u nahay inaanu nabad iyo daris-wanaag ahaanno, balse haddii wadahadal iyo siyaasad lagu dhammayn waayo waxaan ku soo afjari doona dagaal.” Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa isaguna tan iyo intii ay xiisadda dagaal aloosnayd ku sugnaa Gobolka Sool.

 

Kooxdan suxufiyiinta ah oo socdaaalkodu ahaa ogaanshaha iyo xaqiijinta xaaladda dhabta ah ee Laacaanood, waxa kale oo ay magaalada kula kulmeen qaar ka mid ah dadweynaha oo ay weydiiyen aragtidooda iyo waxay qabaan, waxaanay qaar ka mid ah dadkaas oo dareenkooda cabbiriyey yidhaahdeen; “Waxaannu ka cabsi qabnay in dagaalka u dhexeeya labada ciidan inuu noqdo mid ay ku dagaallamaan magaalada dhexdeeda, balse taas waannu ka badbaadnay ciidamada Somaliland, waxaanuna ugu mahadnaqaynaa sida ay u ilaaliyeen Laascaanood iyo dadkeediiba oo ay debedda u joogaan.”

 

Intii aanu ku jirnay safarka ee aannu ku sugnayn Laacaanood waxa naloo sheegay in cududdii ciidan ee Puntland ee ku sugnayd goobaha Laacaanood aanay hadda haba yaraate waxba ka joogin, kadib markii lagu jabiyay dagaal maalintii Isniintii dhexmaray labada ciidan. Sidoo kale waxa gudaha Laacaanood aad ku arkaysaa goobo badan oo uu sudhan yahay calanka Somaliland.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa degankaas ka muuqday mid ciidammada Qaranka Somaliland ay gaadheen guul dhinaca millatariga ah, haseyeeshee waxa meesha ka maqnayd si weyn looga dareemayay kaalintii siyasadeed ee barbar socon lahayd hawlgalkaas ciidanka.

 

Ciidanka Qaranka ayaan iyagu ku jirin gudaha Laacaanood oo iyagu fadhiya dhammaan daafaha magaalada, marka laga reebo ciidanka deeganka oo uu horkacayo Abbaandullaha Ciidanka Qaranka Ibraahim Caydiid Dhabdhable oo iyagu ku sugan gudaha magaalada Laacaanood.

 

Waxa kale oo isna duleedka Laacaanood kula kulmeen kooxda suxufiyiinta ah Axmed Cabdi Xaabsade oo isagu hormuud ka ahaa kacdoonkii dhawaan ka dhacay Gobolka Sool ee lagaga soo horjeeday joogitaanka ciidanka Puntland. Waraysi ay suxufiyiintu la yeesheen Xaabsade waxa uu ku caddeeyay inuu yahay nin Somaliland ah, haseyeeshee uu doonayo in la yeesho sharci iyo nidaam dadka ka wada dhexeeya oo aannu qofna ka sarrayn. Waxa kale oo Xaabsade waraysigaas ku sheegay in uu diyaar u yahay inuu isku soo sharraxo tartanka Madaxweynenimada Somaliland.

 

"Waxaan doonayaa inaan noqdo Madaxweynaha Somaliland.” Isaga oo Xaabsade ka jawaabayey su’aal ahayd in Xaabsade siyaasaddiisu tahay mid aan fadhiyin oo kolba gees u booddo, waxa uu yidhi; “Ma ah sidaas ee waxaan ahay nin wuxuu diido aan qarsan.” Waxa uu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay, "Waxaan ahaa nin markasta doonaya horumarka iyo wanaagga Somaliland, markii horena waxaan kaga cadhooday khilaaf na soo kala dhexgalay aniga [Xaabsade] iyo Marxuum Cigaal."

 

Intii aannu maraynay jiidda Gobolka Sool waxay ahayd dhul barwaaqo ah oo ay daaqayaan xoolo badan oo isugu jira geel iyo adhi, kuwaas oo naloo sheegay inay ku soo hayaameen reer-guuraa fara badan oo ka kala yimi gobollada Togdheer iyo Sanaag, inkasta oo tuulooyinka ku yaal jidka laamiga ay ahaayeen kuwo si weyn looga dareemayey dhiilada colaadeed ee ka jiray degaankaas.

 

Galinkii danbe ee shalay ayaanu dib uga soo laabanay magaalada Burco oo aannu markii hore ka kicitinay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

2219is.bmp

Jamhuuriya Reporter in the road between Lasanod and Garowe

 

2221som.bmp

Documents found with a Captured High-Ranked Officer

 

2220untitled.bmp

Some Somaliland Military Personnel

 

2217untitled.bmp

Somaliland Army

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this