Sign in to follow this  
Paragon

Ciidamada Dowlada Somalia Oo La Wareegay Qaybo badan Oo Kamid Ah Muqdisho

Recommended Posts

Paragon   

Ciidamada Dowlada Somalia Oo La Wareegay Qaybo badan Oo Kamid Ah Muqdisho

 

{Muqdisho}11-05-09Ci idamada dawladda ayaa maanta dib ula wareegay kontaroolka Afgooye ee duleedka magalada Muqdisho halkaasoo mudo kooban ay gacanta ku hayeen xoogag taabacsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

 

 

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in xoogaga Al-Shabaab ay kontaroolkaasi ka tageen habeenkii xalay, ka dib mudo kooban oo gacanta ay ku hayeen maamulka kontaroolkaasi.

 

Dagaaladii maalmahan ka socday goobo kala duwan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sababeen in dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab la wareego qaar ka mid ah xarumo ay joogeen ciidanka dawladda .

 

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir, C/fitaax Shaaweeye oo maanta shir jaraa'id ku qabtay kontaroolk Afgooye ayaa sheegay in ciidamada dawladda dib ula wareegeen halkaasi.

 

Shaaweeye ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisu u dul qaadan doonin in la barakiyo dadka shacabka ah isla markaana arrintaasi uu si weyn uga soo horjeedo, sida uu yidhi

 

Warkan ayaa yimid iyadoo dagaal kulul ay ka socdeen magaalada Muqdiho maalmihii u dambeeyay iyadoo dad badan oo ka cararaya dagaaladaasi ay ka barakaceen deegaanadooda.

 

Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Muqdisho: Shariif Sheekh Axmed oo badalay jawiga dagaalka Muqdisho, lana kulmay Odayaal iyo rag taageersan.

11. maj 2009

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

 

-------------------- -------------------- -------------------- --------------------

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

Muqdisho(AllPuntland )- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta iyo shaleyba Muqdisho kula kulmay Odayaasha la baxay Midnimada Beelaha ****** iyo hay'ada Culumada Soomaaliyeed ayana la baxday oo uu kala hadlay xaaladaha magaalada Muqdisho.

 

Shirarkan ayaa loo diiday in ay wax badan ka ogaadaan Suxufiyiinta Madax banaan ee jooga magaalada Muqdisho, balse warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegay in ay isla soo qaadeen suuragalnimada dagaal balaaran oo lugu hakeeyo kooxaha diidan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Soomaaliya, gaar ahaana Xaafiiska Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu Shariifku soo jeediyey fikir dhahaya in ay inta badan goobaha ay difaacyada kaga jiraan Kooxaha la dagaalamaya dawladiisa, ay shacabku baneeyaan si goobahaasi loo garaaco oo dagaal culus uqaadaan.

 

Sarkaalkan oo ka gaabsaday magaciisa sababo ku saabsan dhanka amaanka ayaa shaaciyey in uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ugu baaqay Odayaasha in ay fikirkaasi qaataan ayna dadka deegaanka ka dhaadhiciyaan in ay goobahaasi baneeyaan si looga saaro xaafadahooda kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Shariif Sheekh Axmed fikirkiisan ayaa soo dhaweyn kala kulmay sida la xaqiijiyey qaar ka mid ah ka qeybgalayaashii shirkaasi, waxa ayna sheegeen in ay doonayaan in talaabooyinkaasi la qaado, ayagoo ku riday xukun kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya.

 

Kulamadan magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xili ay jiraan dagaalo qaraar oo ka socda magaalo madaxda dalka Soomaaliya, kuwasoo si gaar ah udhexmaraya ciidamada ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya oo dhinacyo badan ayagoo ah ay iskaashanayaan iyo Ciidamo taabacsan kana tirsan Shariif Sheekh Axmed.

 

Hadii la hirgaliyo talaabada Shariif Sheekh Axmed waxa ay dhabar jab weyn ku noqon doontaa dad badan oo ku dhaqan caasumada Soomaaliya ee Muqdisho, oo marar badan ka qaxay deegaanadooda, waxaana la xasuustaa in dawladii Prof. Cali Maxamed Geedi ay kalsoonida dadka Muqdisho ku weyday deegaano ay dagaal awgeed ubaneysay.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Kontoroolka Afgooye, oy waliba iskaga baxeen Alshabaab miyey qabsadeen dowladu!

 

 

Dowlada qumaati qoorta ha uga jarto nimankan qaaqlayaasha ee weerka soo xirtey, hadeysan dowlada wax iska celin karina ha u qeylo dhaanto quwadaha shisheeye.

 

 

kurey qooqey oo xiniinya gaduudis unbaa uga daran markey shableeyaan xoogaa kadib unbey afganbis u dhacaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

nuune carabkii abu tamaam ah muxuu yiri!

 

Ithaa ra'ayta anyaabi laythi baarizatan,

falaa tathunanna anna laytha mubtisimu

:D

 

War dadka u fasir, adaa ingiriisku first lughah ku ahaayye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Lol. Nuune, ku mee adeer.

 

----

 

Maxakimta oo la waregay Wardhigleey

 

Ciidamada Maxkamadaha islaamka ee taabacsan dawlada Midnimada qaran ayaa caawa la wareegay saldhiga wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho kadib markii garabka xisbul Islaam oo iyagu gacanta ku hayay Saldhigaasi lagu ee deeyay in ay ka danbeeyeen qarax lala beegsaday gawaari Kolonyo ah oo ay saarnaayeen saraakiil iyo Ciidamo katirsan maxkamadaha islaamka.

 

 

Sarkaal u hadlay maxkamadaha islaamka ayaa sheegay in la wareegida saldhiga wardhiigleey ay timid Markii ay u arkeen Kooxda Xisbul islaam garabka Dr Cumar Iimaan Abuubakar kuwa la safan oo gabaad u ah Kooxda Al-shabaab.

 

 

Afhayeenka Xisbul islaam oo isaguna hadlay ayaa sheegay in Kooxda Jabuuti ay soo weerareen Saldhigyo ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, Isagoo si gaar aha farta ugu fiiqayay saldhiga wardhiigleey oo ahayd Goobtii ugu weynayd ee ay ka talinayeen.

 

 

Warar caawa laga helayo Goobaha dagaalka ayaa sheegaya in garabka Shiikh Maxamad Cameey ee Xisbul islaam uuna ka tirsan yahay Shiikh Yuusuf Indhacadde ay ku jiraan qaban qaabo dagaal ,Iyadoo laga yaabo in ay garab siiyaan Ciidamada Maxkamadaha islaamka ee taabacsan Shikh C/qaadir Cali Cumar.

 

 

Magaalada Muqdisho gaar ahaan dhinacyada waqooyi barri iyo bartamaha waxaa ka soconayo dagaalo laga cabsi qabo in ay ku faafaan guud ahaan Degmooyinka Gobolka banaadir .

 

 

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha Rasmiga ah eek ala gaaray dhinacyada ,balse waxaa jirta in Kooxda Al-shabaab ay wado qorshe ay ku weerarayso mas uuliyinta iyo saraakiisha maxkamadaha iyadoo aanay meesha kamarnayn weeraro bambooyin ah oo ay la beegsanayaan Guryaha Xildhibaanada.

 

 

Gurmad ciidan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu soo gaarayay magaalada Muqdisho kuwaasi oo kooxda Al-shabaab uga imaanaya Degmooyinka balcad iyo Marka ,halka Xisbul islaamna uu gurmadku iga imaanayo Degmooyinka Afgooye iyo ********.

 

 

Dad badan oo kamid ahaa dadkii dib ugu soo laabtay Guryahoodii ayaa bilaabay in ay dib uga alaab qaatan Hoygooda ,gaar ahaan dadka dagan Degmooyinka yaakhshiid iyo dayniile ee magaalada Muqdisho.

 

 

Baaqyadii iyo Codsiyadii ka imaanayay Culumaa u diinka ,ganacsatada iyo waxgaradka Muqdisho ayaa guul dareystay waxayna hada natiijadu isugu tagtay in ninkii xooglihi uu reerka u haro.

 

 

Dawlada Shiikh Shariif ayaa waxaa soo wajahaya Culaysyo iyo dhaq dhaqaaqyo dagaal oo uga imaanaya Kooxaha Mucaaradsan dawladooda, waxaana muuqata in hadii arrimuhu sidaan usii socdaan ay halis gali doonyo sii shaqaynta dawlada Midnimada qaran..

 

Onkod news

 

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lol@Xiin, alaabaha Abuu Tamaam waa iga weynyihiin,

 

 

Mee Xaaji Ngonge, la waa sidii rabshadu u bilaabatey, koleey wuxuu la aamusanyahuu qabaa, waxbaa ku duugan ninka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Dowlada Iyo MMI oo qabsaday saldhigyo

 

 

Warar is khilaafsan ayaa ilaa iyo hada ka soo baxay saldhigyo muhiim ah oo lagu kala qabsaday dagaalada galay maalintii afaraad, inkastoo dagaalada ay haatan yihiin kuwo ka yar sidii xalay iyo waabarigii saaka, waxaana aagaga dagaalka ka socdo laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo aan sidaa u buurneyn.

 

Warar aan la xaqiijin oo ah kuwo isa soo taraya ayaa kuwooda ugu badan waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay qabsadeen goobo ay horay u joogeen Kooxaha Mucaaradka, gaar ahaan Xoogaga Xisbul Islaam.

 

Saldhigyada Yaaqshiid iyo Wardhiigley ayaa wararku sheegayaan in ay la wareegeen Ciidamada Maxkamadaha ee taabacsan Dowladda, kuwaasoo ay ka garab dagaalamayaan Ciidamadii Milateriga Dowladii hore ee lagu soo tababaray Ethiopia, kuwaasoo saaka dagaalka ku soo biiray.

 

Sidoo kale warar kale oo iyana hada na soo gaaraya ayaa sheeaya in Xoogaga Alshabaab oo dagaaladaas qeyb ka ah iyana ay la wareegeen Garoonka Cayaaraha Stadium Muqdisho oo dagaalka xoogiisa ka socday labadii maalmood ee u dambeysay.

 

Inkastoo aanay haatan dagaal xoogan ka socon magaalada Muqdisho, waxaana xilligan oo saacada Muqdisho tahay 12-ka duhurnimo ay xaalada u muuqataa mid yara xasilooney, laakiin meelaha wali Ciidamada isku hor fadhiyaan ayaa rasaas teel teel laga maqlayaa, waxaase dhici karta in labada dhinac uu wax walba ka dhex bilowday saacado gudahood.

 

Ilaa iyo hada Labada dhinac ee dirirti u dhaxeysa ayaa guulo aan badneyn kala sheeganaya, iyadoona dagaalku yahay mid kolba meel u guur guuraya, mana jirto cid wali ku kala adkaatay, marka loo eego in labada dhinac ay marba meel isku racdeystaan

 

Onkod News

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

LOOL JB, aniguba waxaa igu adkaadey english inaan u tarjumo, af carabku waa wax baas, laakin Soomaali ma gaaro

 

 

Xiin, loolz, aynu sugno Ngonge, xataa waxaan aaminsanahay inuu gabaya ka soo qorey Hargeisa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Warar is khilaafsan ayaa ilaa iyo hada ka soo baxay saldhigyo muhiim ah oo lagu kala qabsaday dagaalada galay maalintii afaraad, inkastoo

Paragon kuwaan wax ma oga maalintii shanaad baa la marayaa, shalay bay ka hadlayaan ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

lool@jb

 

sharifka waa lagu qaldamaa

 

war nuune, abu tamaam raggeedu ahaa saaxiib, qabowgayga haku qaldamin buu lahaa

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Markii ugu horey ay ciidamada Dowlada la waregeen goobaha muhiim ay xisbul islaami heystay

 

Dagaal faraha looga gubtay oo saakay bilaawday deegaanka Yaaqshiid ayaa u muuqda in caawa lagu kala baxay kadib markii kooxa islaamiyiinta ee xawaariga ku socda loo awoosheegtay markii ugu horey intay soo ifbaxeen ciidamada Islaamiyiinta.

 

Dagaalka oo horey looga bartay ciidamada Dowlada ay kala yacaan markay xabada bilaabata ayaa caawa tani waxay ka dhigeysaa in ay kalsooni buuxda soo gasho madaxweyne Sheikh Shariif ay qayaameen saxiibadiis ay xerta islahayeen kuwaa oo gooba muhiim ah u faarujiyey kooxaha mucaaradka ee islaamiyiinta

 

Wali lama arag ciidamada Islaamiyiinta oo dabada jeedinaayo maanta ka hor taani waxay noqoneysaa rajo soo gashay ciidamada dowlada oo lagu ogaa baqdiin badan iyo cagtood malayaal

 

Ciidamada caawa guusha gaaray ayaa lagu macaneyey kala qeyb qaadashada uu kala qeyb qaatay dagaalka Madaxweyne Sheikh Shariif oo isagu lagu yaqiinay xiligii maxkamadaha dagaalka kula jireen hogaamiyaasha dagaalka in uu furunta joogay har iyo habeen

 

Waxaase caawa xusid mudan in labada Sheikh Shariif iyo Sh Xasan ee xiligaan u tafaxeetay dhiiga shacabka Maslimiinta ay caawa xirnayeen tuutooyinka dagaala iyagoona furunta isla joogeen

 

Dhanka kale dagaalada ka jira Muqdisho ayaa sii dhiiragaleen Hay’adda Culimada Somaliyeed kuwaa oo labada qoloba sheegay in ay ahlu jana yihiin labada qolana ay xaq ku taagan yihiin taa oo ka dhigeysa Shariifna gar leh Sheikh Xasana gar leh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this