Cowke Posted March 30, 2010 Burcad Badeeda Somaliya oo Saldhig weyn ka samaystay dekaddaa Ceelmacaan Muqdisho (RBC Radio):-Kooxaha Burcad Badeedda ah ayaa fariisin weyn ka samaystay duleedka magaalada Muqdisho oo ay gacan ku hayaan xoogaga islaamiyiin mucaarad ah oo kasoo jeedo dowlada kMG ah. Shabakadda RBC ayaa Macluumaad xasaasi ah ka heshay saldhig weyn oo ay kooxaha Burcadda ah ka samaysteeteen Dekadda macmalka Ceel-macaan duleedka Bari ee magaalada Muqdisho. Ceelmacaan oo ay gacanta ku hayaan Ururka Xisbul islaam waxaa hadda ka socda dhismooyin waaweyn oo ay samaysanayaan Kooxaha Burcad Badeeda oo halkaasi u arka goob Istiraatiiji ah. RBC waxay ogaatay in Saldhiggii maamulka Burcad Badeeda lagasoo raray degmooyinka Xarardheere iyo Eyl islamarkaana loosoo wareejiyay Ceel-Macaan gobalka Shabeelaha dhexe. Nin katirsan dhalinta Burcada Badeeda oo muqdisho ku sugan ayaa inoo xaqiijiyay in ay degeen Ceelmacaan halkaasna ay gaysteen Konteenaro iyo qalab kale oo ay ku shaqay doonaan saraakiisha Burcadda. shalay gelinkii dambe waxaa Ceel Macaan kusoo xiratay Dooni shixnado Hub ah ka keentay deegaanka Kudhaa gobalka Jubbada Hoose, taliskan ay Burcad Badeedu ka samaysteen Ceel Macaan ayaa qaabilsan maamulka iyo abaan duulka ciidamada balse ma noqon doono meel Maraakiibta lasoo qafaasho lagusoo xiro. waxaa cirifka Ceelmacaan ka socda dhismaha guri weyn oo la sheegay in uu ka koobnaan doono 4 dabaq oo ay dhisanayaan Kooxaha Burcad badeedda ah, doonyaha Fool faha loo yaqaan ayaa yaal Ceel macaan iyo doon waaweyn oo la sheegay in ay Burcad badeedu Xarardheere ka keensadeen. FG:-Faah faahin dheer oo ku saabsan Burcad Badeeda Ceel-macaan saldhigatay waxaan kusoo gudbi doonaa Barnaamijka Raad Raac Wararka oo saacadaha soo socda kusoo bixi doona RBC Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites