Sign in to follow this  
Paragon

Take them home dead in Helicopters, meles

Recommended Posts

Paragon   

Dagaal khasaaro badan oo ka socda duleedka Baydhabo ayadoo dayuuradaha quamaatiga u kaca [helicopters] lagu daadguraynayo dhaawaca dawlada iyo Itoobiyaanka

 

December 21, 2006 at 11:45 am | In | 16 Comments

Dagaallo khasaaro badan gaystay ayaa weli waxay ka socdaan duleedka Baydhabo ayadoo ciidamada dawlada oo ay taageerayaan Itoobiyaanka iyo ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ay hataan si aan kala go’ lahayn ugu dagaalamayaan bariga magaalada Baydhabo, gaar ahaan deegaanka u dhaxeeya Baydhabo iyo Moodamoode. Magaalada Baydhabo daafaheeda Bari waxaa si wayn looga maqlayaa guuxa madaafiicda culus oo ay labada ciidan isku garaacayaan. Waxaa la arkayaa dayuuradaha quamaatiga u kaca [helicopters] ee ay leeyihiin ciidamada Itoobiyaanka oo dhaawacyo ka soo daadguraynaya jiida hore ee dagaalka oo ku degaya dhawr goobood oo uu ka mid yahay garoonka dayuuradaha ee Baydhabo. Degmada Buurhakaba waxaa lagu dawaynayaa oo loo qaadayaa dhaawacyada ciidamada Maxaakiimta Islaamiga . Dhinaca Iidaale ee xigta Diinsoor waxaa sidoo kale ka socda dagaal qaraar. Dagaalkan dib u bilowday oo socda maalintii labaad ayaa waxaa uu u muuqdaa mid aan waxba la isula harin.

 

Baidoa.com

------

Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Ethiopian-ka oo maanta dhaawac ka daadgureeyay Baydhabo.

Published: 21 December, 2006 12:33

 

Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Ethiopian-ka ayaa lagusoo waramayaa in ay dhaawacyo ka daadgureynayaan garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo,kuwaasi oo kuso dhaawacmay dagaalada ka soconaya deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Bay.

 

Goob joogayaal ku sugan ayaa sheegay in ay arkeen ciidamada Ethiopian-ka oo dhaawac ah isla markaana laga qaadayo garoonka magaalada Baydhabo,waxaana ay intaasi ku dareen in Ciidamada Ethiopian-ka ee la qaadayo ay yihiin kuwo dhaawacooda uu yahay mid aad u daran.

 

Dadka reer Baydhabo ayaa ka walaacay diyaaradahasi oo u maleeyay in ay duqeyn xagga cirka ah fuliyaan,hayeeshee waxaa ay ka warheleen in diyaaradahaasi ay yihiin kuwo dhaawac daad gureynaya balse aysan aheyn kuwo dagaal.

 

Arrimahaasi ayaa kusoo beegmaya Xilli Saraakiil uu kamid yahay Ibraahim Shukri oo Muqdisho maanta shir jaraa'id ku qabtay ay sheegteen in 70 ciidamo Ethiopian ah ay ku dileen dagaal ka dhacay Idaale,waxaana uu intaasi uu ku darayaa wararka ay sheegeen in raga ay laayeen uu ku jiro sarkaalkii hogaaminayay Ciidamada Ethiopian-ka.

 

Jibriil Nuur Alghamidi

 

Wakiilka MaraCadey - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Amiin Xiin.

 

 

Maxkamadaha oo ka war bixiyay qasaaraha dagaalkii Maanta

 

Mogadishu 21, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa waxa ay sheegteen guulo ay ka gaareen dagaalo qaraar oo maanta ka kala dhacay deegaanada Idaale iyo Daynuunaay ee gobolka Baay, iyadoo maxkamadaha islaamka ay sheegeen in ay la wareegeen deegaanka Idaale.

 

Shir Jaraa'id oo Mas'uuliyiin ka tirsan maxkamadaha islaamka 5:00 tii galabimo ee maanta ay ku qabteen xaruntii Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen qasaarooyin ay u geeysteen ciidamada dowladda Ethiopia ee dagaalka kaga soo horjeeday ciidamada maxkamadaha islaamka.

 

Sheekh Shukri Abu Zeynab oo ka mid ah Mas'uuliyiinta maxkamadaha islaamka ee loo xilsaaray ka hadalka dagaalada ayaa sheegay in ciidamadooda ay dileen ilaa 203 askari oo uu sheegay in ay Ethiopian yihiin, isagoo intaasi ku daray in tirada dhaawacyada ay intaasi ka badan, loona daad gureeyay magaalada Baydhabo.

 

Waxa uu intaasi ku daray in ay qabsadeen ilaa 4 baabuur oo kala ah labo dhashiike, hal 37 iyo hal Ural ah, iyadoo uu sheegay in askartii la dagaalameysay ay ahaayeen askarta kumaandooska wadanka Ethiopia oo aysan ku jirin wax Soomaali ah sida uu hadalka u dhigaye.

 

Qasaaraha dhinacooda ayuu sheegay in ay kaga geeriyoodeen ilaa 20 askari, ayna ka dhaawacmeen, ku dhawaad 60 askari, isagoo sheegay in iyagu aanu waxba la aheyn oo muslimiinta qasaaro iyo guuloba ay u diyaar garoobeen.

 

Deegaanka Idaale oo uu tilmaamay in uu yahay deegaankii ciidamada Ethiopia ay saakay kaga soo duuleen ayuu sheegay in deegaankaasi ciidamada maxkamadaha islaamka ay u dhaafeen dhinaca Baydhabo ilaa 5KM.

 

Waxaa kale uu sheegay in dagaalkaasi la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwna, ayna sidoo kale qabsadeen hub fud fudud iyo mid culus intaba, isagoo beeniyay jiritaanka maxaabiis lagu kala qabsaday dagaaladii maanta.

 

Dhinaca Daynuunaay ayuu sheegay in aanu dagaal aad u culus ka dhicin, isla markaana ay jireen dagaalo goos goos ah oo la isku adeegsanayay madaafiicda goobta.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this